Aabbihii iskuulka aaday W/T: Barkhad Cabduqaadir Awcali

aabbihii-sikuulka-aaday

Aabbihii iskuulka aaday

Wuxuu ahaa aabbe da’ ah, oo dhalay afar wiil oo xaasleyaal ah, wuxuu doonay inuu la noolaado curadkiisa, soo dhaweyn, wanaag, tixgelin iyo Tawl jacaylino ayuuse wiilkiisa kala kulmay waayihii hore, ayaan-darro waqtigu wuxuu socdaba kolkii dame wiilkii wuxuu damcay inuu duqa iska diro, dabadeedna, markiiba wuxuu bilaabay inuu si-xun ula dhaqmo, quursi iyo qaylaba kama marnayn. Duqu xaafadda wixii uu sii joogaba curadkiisu waxa uu markii dame bilaabay inaan aabbihii qolka laga hagaajin, dharkana aanan dhaqmo iyo tolliimoba loogu sameyn.
Cunto fiican muddo ma uusan arag, balse xoogaa hambo ah ayuu miiska ka cuni jiray, iska daa inuu daryeel helee, guriga wiilkiisa wuxuu ka waayay qof la-hadla, wiilkiisuna ma-jeclayn inuu aabbihii la-fadhiisto oo u wheel-yeelo.
Aabbaha doorashada u-taalaa majirto ,keliya waxaa u-furan guriga inuu iskaga tago oo uu aado guriga wiilashiisa kale.
Markii dame wuxuu tagay guriga wiilkiisii curad-xigeenka ahaa, nasiib-darro is-bedel raashin iyo daryeel waayeelnimo kama uusan helin aanan ka ahayn qamadigii caleemo qalalay in loogu bedelay, afada curad-xigeenkuna waxay ahayd mid mar walba ku-cabanaysa gasiim yaraan, kadib wuxuu ugasii gudbay labadiisii wiil ee u-yaraa, oo aan noloshiisii xumaatay waxba iska bedelin.
Carruurtu aabbohood inay isku-riixriixaan mooyaane ma ahayn kuwo daneynayey bal culays ayeyba u-arkayeen.Mid carruurta ayaa ku-badnaa, mid guriga ayaa ku-yaraa, mid sabool ayuu ahaa, midna mashquulka ayuu ahaa,aad ayuu u-daalan yahay oo lama murmi karo, isagoo ooyaya ayuu madaxa hoos u-lulay isaga oo leh; “ii sameeya sida aad ku-maqsuuddaan” Afartii wiil ayaa kulmay oo damcay inay sameeyaan qorshe ay kaga nasanayaan dhibanahooda, aakhirkii ayaa mid ka mid ahi yidhi;”Kaca aan aabbe iskuul u-dirno”. Waayo halkaa ayuu ka helayaa boos kursi ah oo uu xaashiyaha wax ku cuni karo, wuxuuna ahaan doonaa mid inaka dheer maalinta oo dhan. Intii kale (wiilashu) way ku raaceen, aabbahase naxdin ayaa gashay waxa uuna ku yidhi;
“Dhaayaheygu maahan sida aad moodeen, waayo idinku waxaad iga dooneysaan inaan akhriyo xarfo yaryar oo ku qoran buug, aniguna weligay waxna ma akhrin waxna ma qorin, sidee ayaan hadda wax u-baran karaa, waayo macalimiinta iyo carruurta ayaa ku-qoslaya aqoon la’aantayda iyo de’dayda, maanan noloshayda caadi iskaga noolaan karin?”
Balse walaaluhu waxay ahaayeen kuwo nafahooda iyo qorshahooda nacasnimada ah la-maqsuudsan. Maalintii xigteyna iskuul ayey u-direen.
Isaga oo kaynta sii dhex-lugeynaya oo ka-maaminaya sumcad-darrada haleeshay, iyo jacayl la’aanta carruurtiisa, ayaa waxaa ku soo wareegay oo si-anshax qurxoon usoo dhinac istaagay gaadhi-farasle, kadib nin shariif ah oo dhex-fuushanaa ayaa duqa weydiiyey halkii uu u socdey.
Duqii ayaa ku yidhi; “Iskuul ayan u-socdaa” Ninkii sharafiika ahaa ayaa ku yidhi; “iskuul aa awoowe !, waxay ahayd inaad guriga la-joogtid carruurtaada ku-jecel, oo aad ku-raaxaysatid miraha shaqada sanadihii noloshaada”.
Odaygii duqa ahaa ilmo ayaa kasoo hoobatay, wuu iska qarracmay, oohin hingo leh isaga oo ooyaya ayuu ku-yidhi; “Mid kasta guri iyo carruur ayuu leeyahay, aabbahoodii saboolka ahaana iskuulkaas ayey usoo direen”, wuxuuna ku-calaacalay, “Haddii aanan caruur lahaadeen silacaan ma-arkeen”. Ninkii shariifka ahaa dareen qiiro iyo beer-laxawsi ah ayaa kaga-beermay, deetana duqii ayuu ku yidhi; “Iskuulku maahan meel de’daada loogu talo-galay, kacan an ku-caawiyee”.
Ninkii shariifka ahaa ayaa duqii inta uu suunkiisii ka-qaaday, ayuu loox gaadhi-faraskiisa saarnaa soo qabsaday deetana dhexda ugu guray alaabo uu banaanka kasoo qabtay iyo boorso xadhiidh ka-sameysan oo ay qaataan dadka hantiileyaasha ah, wuxuuna ku yidhi; “Shandaddaa qaado, oo guryaha caruurtaada la-aad, sheekadatanna uga sheekeey”
Aabbihii isaga oo dhoosha cadeynaya, oo la-dhacsan weedhaha, madaxana ruxaya ayuu sheekadii dhameystay, aad ayuuna ugu mahadceliyay Shariifkii, gurigii curadkiisa ayuuna dib ugusoo laabtay. Waaba wiilashiisii oo wada jooga, durba haddiiba ay arkeen way ku dhagdhageen iyaga oo la-yaaban boorsada xariirta ah ee aabbahood uu sito, jacayl ayeyna u-qaadeen inay ogaadaan waxa gudaha ugu jira.
Waxay ku-yidhaahdeen; “Aabbo u-naso jidhkaaga daallan”, saxan ayey waxay ugusoo gureen raashin kala jaad ah iyo cabitaan qabow, deetana waxay weydiiyeen boorsada waxa gudaha ugu jira.
Duqii wuxuu bilaabay wiilashiisa inuu u-mariyo sheekadii uu Shariifku usoo dhiibay wuxuuna ku yidhi; “Xilli hore oo midkiinna uusan dhalan aniga oo dhallinyaro ah ayan tubta qaaday doonayana adduunkan bal wax uun inan ka soo arko, mudadii aan sadcaalka ku jirey ayaa waxan tabcaday xoogaa dahab iyo silver ah oo halkan kujira, waxanna ku-maamiyey (fakaray) inan xoogaa hanta ah kaydsado waa intaas oo aan waa dame u-baahdaaye, ka dib geed jirid weyn oo kaynta ku-yaalay ayan intan god ka qoday ku-gurtay xoogaaga maanta ku jira looxakan. Dabadeedna barwaaqo iyo badhaadhe ayaan galay waxaan noqday hantiile beeraley ah, maantana waxaan nasiib u-yeeshay inan idinka idin dhalay maalkiina aan dib ula soo baxay. Maanta markii aad iskuulka ii dirteen ayaan arkay geedkii oo weli kayd-hantiyeedkaygii uu ku duugan yahay, deeto waxan bilaabay inan faago, aakhirkiina wan kasoo saaray, guriga ayanna dib ugu lasoo laabtay, waana an haynayaa ilamaa aan ka-dhimanayo. Hantidatanna waxaa iga dhaxlaya kiinii sida ugu fiican/deeqsinimada badan ii xanaaneeya”.
Xoogaa yar ayuu inta aamusay ku yidhi; “Midkiinee baa si naxariis badan ula dhaqmaya aabbihiis?” Sida aad qiyaaseyo wiilashii iyo xaasaskoodiiba hoos ayey isula faqeen, waxayna ka baryeen inuu la-noolaado. Mudadii dame ee noloshiisana wuxuu la-noolaa wiilashiisa, xaasaskooda, iyo caruurtooda, guri walbana wuxuu ku-helayey daryeelka uu mudan yahay qof de’daas le’eg.
Markii aabahood uu dhintay waxay u-sameeyeen duug ballaadhan,  Axankiina  waxay ku-casumeen dhammaan deriskoodii,maalintii afraadna waxay keeneen qaysarkii kaniisada si uu qayb uga ahaado.
Maalintii u-dameysay tacsida ayey dadweynihii usoo saareen looxii uu aabahood ka-dhintay si ay u-furaan. Maadaama mid kasta uu duqa si fiican usoo xanaaneeyay maalmihiisii dambe, waxay filayeen inay dhaxli doonaan hanti isku mid ah.
Looxii ayey fureen, mise boorso xariir ka-sameysan oo ay wax ku jiraan ayaa dhex-fadhida, curadkii ayaa miiskii ku soo daadiyey wixii boorsadii kuj iray, mise waaba quruurux dhalooyin ah, waxaa xigay hurgufid iyo sawaxan argagax ah oo lasoo dersay wiilashii,wiilashiina waxay u-qaadan wayeen wixii boorsada kasoo baxay;Ciil iyo calalyow….!!!, balan-furiyo…!!!, yaxyaxid…!!!
Walaalhii waxay billaabeen inay qayliyaan oo mid walba uu mid kale ku canaanto duqoniimadiisa. Deriskii oo idilna waxay billaabeen inay ku qoslaan cadhada iyo damaca wiilasha, waxayna ku yidhaahdeen;
“Eega waxa aad ka hesheen inaad aabbihiin iskuul u-dirtaan?”
Wiilashuna waxay ku-warceliyeen;
“Muddo badan ayuu ahaa mid cashardiisa baranayay, balse markii uu falay ayuu si fiican u-bartay”
Deriskiina iyaga oo ku qoslaya nacasnimada wiilasha, ayey fadhigii ka dareereen iyaga oo leh;
“Waxay u-muuqatay inaad saxnaydeen, waayo waxaad u-dirteen iskuulkii saxda ahaa”

Barkhadawcali@gmail.com

SHEEKOOYIN