AAFADA ARLIGEENNA!

‘‘AAFADA ARLIGEENNA!”

ddddd

Waxa aan ahay Hooyo wiilal Eebbe ku mannaystay, Muqdishada ay muteen ubadkaygu kuma helaan Nolosha aan larabo oo si xorriyad ah ay wax ugu qabsan karaan. Daruufihiii silloonaa ee aan kula soo daallaa dhacay ee ay agoonnimadu u wehlisay ka sukow, waxa aanan halmaami Karin habka aan hagaagsaneyn ee loo hujuumo har iyo habeen.
Gabbal dhac walba waxa aan hubiyaa inay hanadayda Hoyga ku soo hirteen , sababta oo ah halkan waa Muqdisho! Da’dooda ayaa danbi ah, oo wixii ay barteen bulshadooda uguma shaqeyn karaan xilliyada qaar.

Xaafadeenna waxa ay ku caan tahay dheelmashada aroortii ah oo ay yimaadan wiilal mad-madow, dhuu-dhuuban, oo dhafoorro dilan oo AK47-ku u yahay nolol, iyaga oo aruuriya wixii dhallinyaro ah, hooyooyinka deegaanka ayaa baroorta, oo dhiiba wixii ay hanti heli karaan, si ay u furtaan ubadkooda lagu hor gumaadayo ayaga oo la huwinayo shaati ah dambiilayaal Qaran oo Nabad diid ah.

Sheedda sare marka aan uga jeedno dharka ay ciidanku xirtaan, cabsida ayaa noo timaada oo waxaan is tusnaa bilowga hoogga inuu yahay dharkaas(Tuutaha), maxaa yeelay in badan ayaa nalagu dhacay, jir-dil iyo gabood fallo bandanna naloogu geystay. Cidna ma aaminto askariga, maxaa yeelay halkan waa Muqdisho!

Beri samaadkii, Askartu waxa ay ahaayeen waalid, walaal iyo wadaay intaba oo waannu maciin bidi jirnay, kolkay dhibaato na haleesho, haddase wax badan baa is badalay oo la bahaloobay.

Wal-wal, walaac iyo walbahaar ayaan waqtigeenna ku qaadannaa, oo wiilasha aan dhalnay ayaa noogu sabab ah oo nabaday dhibtan. Hooyo walbaa hurdo kuma lado, illaa ay hubiso xasilloonida aqalka.

Ma jirto cid aan u sheeganno waxa ay shar wadayaashu shacabkeenna u geystaan, sharci sharaf u yeela iyo shaati Qaran intuba ha sheegin. Marka aad maqasho xarigga mid kamid ah wiilashaada, waa inaad horay u sii qaadata wixii hanti aad heli karto si aad u soo furato, ileen af-libaax buu mutay’e.

Calaacal iyo ciil kama baxaan hooyooyinka, waxa ugu badan ee ay ka fekeraan maaha nolol maalmeed, caafimaad iyo waxbarasho intuba. Kaliya maanka waxaa lagu hayaa habkii looga nabad gali lahaa kuwa shaarka sharfan dulleeyay eek u geystay wixii xumaa oo idil: dhac, kufsi, jir-dil iyo nuuc walba oo xad gudub ahaa.

Dadku waxay is weydiiyaan in habaarkooda hirgalo oo hoog iyo halaag la huwiyo hanuun diidayaashan. EEBBE ayay waydiistaan inuu seejiyo naxariistiisa kuwan dadka naafeeyay ee nabad-galyo iyo neecaaw caafimaadba u diiday noolaha.

Dhammaad

Khaalid Cilmi Nuur Jees

 

 

 

SHEEKOOYIN