Abaal
(Sheeko gaaban)
Seynab Ugbaad
Ka fiirsasho waa dharbaaxo ka hor.
Anigoo aad u yar baan ka soo habaabay bartaan ku dhashay iyo baadiye aan dhoweyn. Toban sannadood waxba iima wehlin, markaan beledka soo gelay, haddaanan guyaal ka yaraynba. Rajaynimo, nuujin iyo hooyaba weyday ayaan tirsanayaa. Dayac ehel oo daleel iyo cildlo i dhigay ayaan eersanayaa. Tabasho kastoon qabana waxaan ku eedaynayaa dhibtaas ila dhalatay, berigaan dhashay.
Eebbe ha u raxmadee, hooyaday waxay oran jirtay, sidaan maqlay, hadday gabadh ii dhalato, waxaan u bixin doonaa Dahabo. Waa magaca ayeeyo Dahabada aan dad ugu hor arkay. Hasa – ahaatee, waxaan garaadsaday, iyadoo laygu yeerayo Meydal; ay ii bixisay, sida la sheegay, ayeeyo walaasheed. Sababta magacii hooyo jeclayd laygu bixin waayay, waxaa la yiri, ayeeyada Meydal ila jeclaatay oo lagu ixtiraamay, magacbixinteeda. Waayo, sidaan gadaal ka ogaaday, waxay ahayd gablan aan ubad lahayn.
Magaaladaan imid kuna barbaaray, waxay igu soortay ilbaxnimo iyo garaad aan waxba ka tarin qadarkayga aan caawa labadayda gacmood ku soo kasbaday. Waxaan halkan u fadhiyaa, go’aan aan ayaamo badan uurkayga ku hayay oo ila weynaaday. Dharaar iyo habeenno fekerkayga qaatay.
Adigoo aan tol iyo taariikh midna lahayd, haddaad ilbaxnimo raadiso, waxaad gacantaada ku kasbato waad kharaar qurqurinaysaa.
Maalintaan guursaday ilmahayga aabbahood, waxaan u haysatay in aan ka xoroobay noloshii adeegtanimo iyo middii agoonnimo, labada. Waayo, waxaan guursaday nin garaad iyo gu’ labada iga weyn. Ninkaas oo markaan guursanayay igula colloobeen qaraabadaydii, intii aan nolol ku kulannay. Qof wixii dhibaa qof ayaa dheef u arko. Iyagu, waxay ku doodayeen, in aan guursanayo nin aan ii qalmin. Nin aan dhaqasho lahayn oo xilaguba ah. Nin ay xaasaskiisa badan awgood, gogodle uga magac uga dhigeen.
Aniga, maxaa iiga dan ah, naagihiisa iyo noloshiisa xun, mar hadduu i rabo danna ii arko. Mar hadduu guri aniga ii gaar ah i dejisanayo, islamarkaana anigu, gurigaas masuul ka noqon doono. Maxaa iiga dan iyo heello ah, noloshiisa gaar ahaaneed, ma anigaa la maamulaya mise shaqaday tahay!
War yaanan kugu daalinin ee, ninkii waayeelka ahaa waan guursaday. Si xarako leh baa intii ii caraysayn hortooda ugula aqalgelay. Wuxuu lahaa, dukaaman badan iyo hanti, aan ugu xishay in aan xaasaskiisa ka mid noqdo. Waayo, qofku, hadduu hanti iyo dad badanyahay, dhibaataynta dadka kale, hawl uma hayo. Taas oo aan is iri, gurigaada dhaqo, isna dadkiisa iyo hantiisa u daa. Sidaas ku kala nabadgela.
Markaan dhawr maalmood joogayba, waxaan kala kulmay wixii layga sheegay ee ahaa, xilagubnimada. Wuxuu igu yiri: si aanan kala garanayn, masayr iyo amarkutaaglayn mid ay ka tahay, ‘Guriga ma ka bixi kartid.’ Yaab baa Alle ii keenay. Gurigaad ku xabbisnaanaysaa, wuxuu ula dan leeyahay, waan garan waayay. Gurigayga ayaan iska joogay. Waxaan adeeg u baahdana, carruurta reerihiisa kale ayuu iiga adeejin jiray. Adeegyada hoose, sida hilibka iyo khudaarta, qof ii keena ayuu ii sameeyay. Dukaankiisa, wax kama doonan karo, waayo, maalin aan aaday, siduu ii canaantay, wuxuu ku sigtay inuu gacanqaado. Cabsi iyo ciil ayaan isaga dhintay. Maalintaas wixii ka dambeeyayna, aad baan uga gaabsaday.
Sannad ka dib, guurkeennii baan curtay. Gabadhayda Amran, buu Eebbe nagu irsaaqay. Markaan dhalay, waxaan dareemay, in uusan aabbaheed si ugu faraxsanayn, dhalashadeeda. Laakiin, taas waxaan u fasirtay, inuu ka xunyahay, bakhaarkiisa oo badeeco la degtay. Sannad markay gaartay baan labeeyay. Gabadhayda labaad, Ismahaan, ayaan reerkii ku soo kordhiyay. Markaan aabbaheed, wuxuu ku mashquulsanaa hooyadiis oo aad u xanuunsanayd.
Isagoon sidii hore ii ahayn, biilkana iga kala reebtay ayaan waxaan dhalay gabadhayda saddexaad ee Aragsan. Markaas ayuu is gunuunac iigu yiri: ‘Adigu, gabadh dhalowga, xirfad miyay kaa tahay!’ yaab iyo amankaag badanaa! Anigoon garanayn waxaan kala doodo, iyo wax aan iraahdo ayaan iska iri: ‘Adigu, wiilal Eebbe wuu ku siiyay ee gabdhahayga maxaad ka rabtaa?’ Iima furin iimana xirin, laakiin, wejigiisa ma qummanayn, sidaan ka gartay. Quursi iyo qabweyni aanan garanayn ayaa iiga muuqday.
Waan kuu soo sheeko kala dhaafay ee, xan ayaan ku maqlay, inuu walaalladiis qaarkood kula sheekaystay, in, haddaan markaan wiil u dhali waayo, reerkeenna loo yaabo. Waxaa lay sheegay, inuu yiri: ‘Naag kale ayaan guursanayaa oo wiilal hantidayda dhaxla ii dhasha!’ taasi, maankayga wuu qaadi waayay. Sideen anigu, wiil ugu dhalaa, haddaannu Eebbe na siin! Tan labaadse, sidee furriin iyo qabid, loogu qaydayaa, ilmaha aan dhalayo, jinsiga uu noqon doono! Ma anigaa hawshaas maamula! Waan yaabay!
Maqaaddiirta Eebbe waayee, guurkeenna iyo gurigeenna oo xumaaday, ayaan wiilkayga Abshir dhalay. Intaan uurka lahaa oo dhan, waxaan ka fekeri jiray, in aan sido gabadhaydii afaraad oo noqon lahayd, kaymadowdii sababteeda lay furi lahaa. Waan sidaan ka gartay ninkayga habdhaqankiisa iyo nasiibkayga habaarkiisa. Waayo, wuxuu maalin, si iimaandarro ku dhantahay iigu yiri: ‘Waligaa wiil dhali maysid.’
Tuba, tu baa ka daran.
Ereygii iyo asaartankii badnaa ee aniga iyo ninkayga na dhexmari jiray awgood, Abshir wuxuu noqday jirroole soo kaban waayay. Wuxuu ahaa mariil sidii maro dhammaatay sariirtiisa labalaaban. Si kastaba, wuxuu ahaa hilbahayga aan ku faraxsanaa inuu noloshayda ku soo biiray. Abshir, bishiisii afaraad ayay ku ekayd intuu adduun ku lahaa.
Maalin roob weyn da’ay oo daad badan socday ayuu Abshir iga saqiiray. Markaas oo ay anigana iiga dhammaatay gurigaygii. Waayo, waxaan xamili waayay islamarkaana iga quusiyay ninkaygii iyo la joogiisiiba, siduu iila hadlay maalintaas.
Markii cuniggii yaraa la soo asturay, anigoo feker iyo murugo la yuurara gabdhahayga dhexdooda ayuu aabbahood igu yiri:
“Maxaad isla murjinaysaa?”
Waan la yaabay kana sii caloolduubtay.
“Ma awal buu kaasi dad noqon lahaa?” ayuu yiri, isagoo gabdhahayga gadaashood taagan.
Si aanan garanayn sifaday leedahay ayaan u eegay.
Maalintaas ayaan soo kala tagnay. Wuu i soo furay. Isagoo ila soo dayriyay, saddexdaydii gabdhood. Si aan rajo dambe lahayn.
Gabdhahaygii iyo anigoo kacaakufaya daadka iyo qabow dhexdiisa ayay dad i garanayay warkana maqlay, igula digteen: ‘Meydaley, waa abaalkaadee ka guro. Ninkaad dadka islaameed ula dagaashay waa kaas guuldarrada kaaga tagay! Waa kaas hantidii aad darteed u guursatay kaaga dhaartay!’
Maxaa abaalkayga ah! Ma in aan gabdho dhalay, mise inuu wiilkaygii dhintay! Ma in lay soo furay ayaan anigu, abaaldarro u leeyahay!
Dhammaad