Abaalmarinti Haldoorka Laashin 2021

Abaalmarinti Haldoorka Laashin

Hoyga raadraaca Dhaqanka iyo Suugaanta  ee Laashin oo ka kooban Mareeg lagu baahiyo qoraallada iyo madbacad  soo  saarta dhiganayaasha ayaa habeenki 26/12/2021 waxa ay qabtay kulan balaarran  oo loogu talo galay  muuneynta iyo milgeynta Hal doorka Laashin ee dabshidka 2021.Bahda Laashin ayaa u aqoonsatay in ay ku maamuusto kuna milgeyso inuu noqdo Haldoorka koowaad ee guddoomanaya Billada maragfurka ah ee Laashin, Bare sare Cali Jimcaale Axmed.

Waa kuma Prof Cali Jimcaale Axmed

Prof.Cali Jimcaale Axmed, Waa aqoon yahan wax ka dhiga Queens College ee Jaamacadda Magaalada New York ee dalka Maraykanka. Waxuu dhigaa maaddada isbarbardhigga suugaanta dunida (Comparative Literature); waxa uuna dhigaa suugaanta Afrika, Yurub, Mareykanka, Aasiya iyo tan caalamka Islaamka. Prof. Jimcaale, waxaa uu shahaaddada Ph.D ka qaatay Jaamacadda UCLA, Kalifoornia. Waxaa uu ku takhasusay arrimaha  Afka iyo is barbardhiga suugaanta adduunka,  Profka ayaa buugaag badanna ka qoray halka ay iska qabtaan suugaanta, dhaqanka, bulshada iyo siyaasadda.

Prof. Jimcaale, waxa kale oo uu qoray, gabayo iyo sheekooyin ku qoran Af Ingiriis. Buugaagtiisa, waxaa ka mid ah: The invention of Somalia, Daybreak is Near, Fear is a Cow, Diaspora Blues, The Road less Traveled, Silence is not Golden, When Donkeys Give birth to calves (iyo sheeko ku qoran Af-Soomaali oo la yiraahdo Gaso, Ganuun iyo Gasiin).

Prof Cali Jimcaale Axmed ayaa  bahda Laashin u aqoonsatay haldoor mudan in loo mahadceliyo lana milgeeyo,  maxaa yeelay waxaa uu ku muteystay, dedaalka nafhurka ah ee uu galay bulshadiisa soomaaliyeed, sida uu magaca iyo maqalka soomaaliyeed kor ugu qaaday, sidoo kalena ugu guntaday in suugaanta iyo dhaqanka soomaaliyeed lagu barto Jaamacaddaha adduunka laguna gorfeeyo golayaasha carra edeg. Profka ayaa ammin aad u dheer u taagna sidii uu bulshadiisa wax ugu qaban lahaa, ammintiisa, awoodiisa iyo garashadiisaba u huray sidii magaca soomaaliyeed meel walba uga soo muuqan lahaa,  sidaa awgeed ayaa bahda Laashina waxa ay dooratay in ay uga mahadceliyaan kuna bogaadiyaa dedaalkaa muga leh ee uu galay dadkiisa iyo dalkiisa.

Kulanka iyo  qaabkuu u dhacay

Kulanka oo si qurux badan ay u soo agaasimeen Bahda Laashin ee Hoyga raadraaca dhaqanka iyo suugaanta, waxaa  lagu marti qaaday oo  ka soo qeyb galay Aqoonyahano, xeeldheerayaal, qorayaal mug, milge iyo magac weyn leh isugu jiro Soomaali iyo  dadyoow kaleba, aqoonyahannada  isugu yimid ayaa ah labeentii aqoonta Afka, suugaanta, dhaqanka iyo hiddaha soomaaliyeed ugu magaca dheeraa, si ay marag uga noqdaan iyo goobjoog goobtaa Haldoorka soomaaliyeed lagu milgeynayo.

Qof walba oo madashaa hadal ka jeediyey ayaa qiray oo ka maragfurey  wanaagga, gobonnimada, debecsanaanta, dhawrsoonida, hufnaanta iyo hawlkarnimada Prof Cali Jimcaale Axmed, sidoo kale waxa ay ku bogaadiyeen Bahda Laashin in ay mareen marin habboon sidoo kalena ay xusheen qofkii ugu habboona ee mudnaa in la muuneeyo lana milgeeyo. Waxaa laysku raacay in ay tahay lama huraan iyo lagama maarmaan in qofku inta uu noolyahay la xuso, la xasuusto lana muuneeyo, looga mahadceliyo wanaagga uu falay, lagu bogaadiyo waxqabadkiisa iyo nafhurnimadiisa.

Prof Cali ayay widaayadii madasha ka qayb galay ku tilmaameen xilkas degan ,xambaarsan ama ku raran aqoonta maadiga iyo diiniga ,ku dadaalo inuu aqoontiisa u gudbiya dadka adduunyada oo dhan, qaab qoraaleed ama qaab maqala hadba sidii suurtagal ah, sidoo kale Profka ayaa ku gabya Afaf badan oo kiisa hooyo ee Soomaaliguna ka mid yahay, gabayadiisa iyo qoraalladiisa lagu tarjumay afaf kala duwan oo uu xitaa ku jiro afka oo shaa nta qaaraadood ee adduunka lagaga hadlo weliba kuwooda ugu magac dheer.

Kulanka ayaa markii la furay waxaa si diiran u daadihinayey Qoraa Cali Maxamad Diini,  Waxaa hadalkii ugu horreeyey ku furay Abwaan&Qoraa Cabdiraxiim Galayr ayaa si kooban oo hufan u soo gudbiyey sooyaalka iyo waxqabadka l Mareegta,Madbacada laashin iyo guud ahaanba hawlaha Bahda Laashin ,hoyga raadraaca dhaqanka iyo Suugaanta. Kaddib waxaa ambaqaaday oo soo dhaweeyey martidii halkaa isugu timid Guddoomiye Xuseen Maxamed Cabdulle(Wadaad.Kulankaa abaalmarinta Haldoorka dabshidka 2021 waxaa maanso qurux badan oo lagu tilmaamayo looguna duceynayo hawlkarnimada Porf Cali jimcaale ka jeediyay Drs Zedra oo xubin firfircoon ka ah bahda Laashin, waxaa sidoo kale  kulankan ka soo qayb galay sidaan korba idiinku sheegnay dadkii ugu mudnaa bulshada aqoonyahannada soomaaliyeed, waxa ayna kala ahaayeen:

Kasoo qaybgalayaashii kulanka

  • Prof.Cabdalla Cumar Mansuur
  • Prof.Maxamed X.Mukhtaar
  • Prof. Giorgi Banti.
  • Prof. Martin Orwin
  • Danjire Axmed Ciise Cawad
  • Prof.Maxamed Eenoow
  • Prof.Cabdulqaadir Ruumi
  • Prof. Mustafe Fayruus
  • Dr. Cabdiraxmaan Abtidoon
  • Macallimad Nimco Nuur
  • Ustaad Rashiid Garweyn
  • Prof Cabdulqaadir Cusmaan Faarax
  • Qoraa Muxyaddiin Ciid.
  • Maasadii Zedra
  • Eng.Cabdiraxmaan Ibraahim

Kaddib abaal marinta Haldoorka Laashin 2021ka  oo ayaa la Guddoonsiiyay Prof Cali Jimcaale Axmed waxaan xarunta Laaashin ee Muqadishu u guddoomay ku guddoonsiiyey Xasan Mudane Wakiilka Laashin ee Muqdihso Cabdixafiid Maxamed Xirsi, waxaa isagana isla goobtaas(Maragfur milgeed( shahaado sharaf )lagu guddoonsiiyay Qoraa,Farashaxan Ibrahim Cusman Afrax (Ibrahim Nolosha) xoghayaha Laashin oo isaguna qaatay kaalinta xubintii ugu firfircooneyd uguna hawlkarsanayd gu’ga 2021, Ibraahim waa xogyaha waanna isku dubaridaha Bahda Laashin, sidoo kale waa Farsamayaqaanka haaneeday ee hindisay dhammaan buugaagta Laashin ee quruxda badan galalkooda iyo guud ahaan farsamadooda,  waa xubin kaalin mug weyn oo mudan ka jooga Bahda Laashin.

Guntii iyo Gebagebadii waxaa si heer sare oo kooban ,nuxur leh u soo gebagabeeyay Qoraa, Barbaariye, Hoobal Bashiir Cali Xuseen.

Waxaan rabaa in aan ku darsado qoraalkan in Prof Cali Jimcaale uu yahay arday iyo Macallim aanan marnaba hilmaamin ka warheynta Macalimiintiisa gaar ahaan Macalinkiisi u horeeyay oo u bilaabay dugsi Quraanka, Cali wuu ka war heyn jiray inti uu gudaha dalka joogay iyo inti uu dibadda dalka joogay Macalinkiisi ,wuxuu la lahaa xiriir joogta ah, taas waxay ka marqaati kacee in Cali yahay ruux diiran oo dhawrsan ,dadkana xiriiriya oo (humble) ah, sida ay ka dhawaajiyeen badanka ka soo qeyb-galayaasha munaasabadaas quraxda badnayd…

Munaasabadaas waxaad ka daawan kartaa halkan. https://www.facebook.com/HoygaLaashin/videos/607891053869686

Waxaa diyaariyey Qoraa: Cabdullaahi Macallin Maxamuud(Siyaasi)

SHEEKOOYIN