Abaaraha geeska Afrika W/Q Cali Cusmaan Buulle

 ali bulle pic

Inta aynaan u gelin abaaraha Soomaaliya iyo soo noqnoqodkooda,bal aynu yare jaleecno dhulka Soomaaliya iyo xaaladiisa joqrafiyeed,si ay inoogu sahlanaato bal in aynu helno meel aan ka abbaarno arrinta abaaraha,waxyaabaha sababa,sida looga tabaabusheeysto,iyo xal ka gaaristooda..

Horudhac:

Soomaaliya waxay dhacdaa geeska ugu shisheeya ee afrikada bari,waa dhul isugu jira dhul bannaan,dhul sare oo leh buuro dhaadheer ,dhinaca fog ee waqooyi ilaa bariga galbeed waxaa jira dhul buureed taxan oo la dhaho karkaar(karkaar mountains) ama Silsiladda Buuraha Golis ,ilaa iyo waxay gaaraan xeebta golofka cadan. Waa dhul cimmilo kulul leh sanadka intiisa badan,roobkunu uu ku yaryahay,waana dhul isugu jira qayb-qoyaanqalayl leh iyo qayb kuligeedba qalalan,sidoo kale waa dhul roobku ku yaryahay, sanadkiina hela wax ka yar 500milimeters,inkastoo soomaliya qaybteeda waqooyi hesho inta u dhexeeysa 50-150mm/yr.Inta badan kuleeylku waxuu garaa 30-40 degrees celsius, marka laga reebo dhulka xeebaha iyo qaybo koonfurta ah oo gaaraya 20-30 degrees Celsius.

Abaaraha Soomaaliya

Abaaruhu waa arrin rabigeena ku xiran,waana waxyaabaha dadka lagu aafeeyo,balse waxay ku timaadaa sababo badan oo is-biirsadey,waxaana ka mid ah ;Nabadgelyo la,aan ama xasilooni darro ka dhacda waddan(dagaalo dhaca),sidoo kalana Maamul xumo iyo agaasin la’aan ku timaada habkii iyo qaabkii loo maareeyn lahaa siyaasadda horumarineed ee biyaha,deegaanka,iyo xaalufin ku timaada dhirta,iyo nabadguur ku dhaca dhulka. Abaaruhu waxay ku yimaadaan dhowr waxyaabood oo kala ah.

  1. Mid ay keenaan bini-aadamku (human induced disaster).
  2. Kuwo dabiici ama rabaani ah (natural disaster).

Tan uu qofku sababta u noqdo waa tan ugu mushkilada badan oo xalkeeduna noqdo mid ay dhaxlaan dhalaankoodu ,haddii aan wax laga qaban,waxaana jira sababo badan oo hadii ay isu tagaan ay adagtahay in wax laga qabto mustaqbalka fog xataa,waana tan haysata deegaamadeena(soomaaliya),una baahan in lagu wada baraarugo dibad iyo gudahuba.

Dhibaatada abaareed ee soomaaliya waa mid ka soo bilaabatey habka maamul xumo ee ka jirtey dowladihii dalka hoggaaminayey sanadaha badan,taasoo dhaxalsiisey in dalku galo dagaalo sokeeye,qax iyo jahwareerna u horseedey.Waxyaabaha ay xasilooni darada siyaasadeed dalkeena ku abuurtey ayaa ah sababta ugu weeyn ee bilow u ah in ay abaari dhacdo,kuwaasoo ay ugu waaweeyn yihiin;

  1. Nabadgelyo la’aan ka dhacdey dalkii
  2. Aqoon yari iyo masuuliyad-xumo
  3. Caddaalad darro iyo musuqmaasuq baahay
  4. Dagaalo(xoog) lagu doonayo hoggaaminta dalka oo aan mabda’ku saleeysneeyn.
  5. Awoodii iyo fikirkii guud ee bulshada ee ku aadanaa dowladnimada iyo maamulka oo kala qeybsantay.

Intaas oo dhami waxay ina iloowsiiyeen wax ka qabashadii ama u tabaabusheysigii(ka hortegii) abaaraha, biyo yarida, joojinta jarida dhirta(dhuxusha) iyo ilaalintii deegaanka iwm,intoo kalena waxay horseed ka yihiin in la waayo horumar la gaaro,iyo dadkii aqoonta lahaa oo dalkii ka cararay.

Abaarti waa biyo yaraanta ku dhacda dhul ama roobkii la filaayey oo la waayey,taasoo dhaxalsiisay beeraleeyda iyo xoolo dhaqatadii soomaliyeed ineey ka rajo dhigaan biyihii ay wax ku beeran lahaayeen ama biyihii iyo baadkii ay xooluhu cabbi ama cuni lahaayeen.Dhibaatooyinka kale ee dadku sabab u noqon karaan ayaa lagu macneeyaa marka ay badato;

  • Jarrida ama xaalufinta kaymaha/dhirta (Deforestation) si loo helo dhuxul ama dhul la beerto,waxayna arintaani caawaaqib xummo  kutahay deegaanka oo halaaba amase xumaadaba,taasoo keenta deegaankii oo baaba’ gebi ahaantiisba(Environmental Degrdation),iyo weliba nabadguur ku dhaca ciidii-(Soil Erosion)
  • Biyaha oo aan si wanaagsan loo isticmaalin,waxay sababtaa tayadii(quality)biyaha oo xumaata ama in la Waayaba (water management and conservation).
  • Dhulkii oo aan la nasin( range rest rotation)

Tan dabeeciga ah ee ku timaada sabab rabaani,waxa laga qaban karo waa wax iska yar,balse waa in laga digtoonaada,lana ogaadaa in ay dhici karto,waxaase badana loo aneeyaa cimmilada deegaameed ee uu gobolku ku yaal sida;

  • Tirada roobabka ay meeshaasi hesho oo yar(soomaaliya),taasna waxaa keena waxyaabo xaalada deegaan ee meeshaasi leedahay aawadeed,sida hawada kulul ee ay meeshaas leedahay,oo keenta uumi bax badan oo dhulka ku yimaada (high evaporation).
  • Arrinta kale ee macquulka ahi waa in la waayo roobabkii imaan jirey xilligoodii amase laba waayaba gebi ahantood,taasina waxay dhalin kartaa abaaro.

Sidee looga hortegi karaa waxyaabaha abaaraha Soomaaliya keeni kara:

  1. Biyaha oo si wanaagsan loo maamulo.

Biyo la’aantu(yaridu) waa waxyaabaha saldhiga u noqon karaa in ay abaari timaado,si biyaha loo ilaaliyo ama looga faa’ideeysto si habboon ayaa ah kuwo aan lagu soo koobi Karin qormo,balse waa moowduuc aad u balaaran,hase ahaatee waxaa loo baahan yahay in la sameeyo;

  1. a) biyihii roobka ee da’ay waa in la kaydsado ama la joojiyo oo meel lagu shubto( rainwater harvesting),si loo isticaalo xiliyada abaarta sidoo kale waa in la ururiyo macluumaad ku saabsan biyaha la isticmaalayo iyo dadka meesha ku nool qiyaastooda, tiro inteey le’eg yihiin ,si loo ogaado dadku biyaha ay haystaan iyo inta ku filan xiligaas.
  2. b) Hagaajinta biyo xireeno yaryar(biyo qabatino),si loo hubiyo in aad biyo hesho waa adigoo sameeya biyo qabatino,si ay kuugu joogaan biyuhu oo aad ka faa’ideeysato.
  3. c) biyo dhacyo cusub oo sameeysma ayaa imaan kara marka cimiladu isbedesho, sidoo kalana xaalufinta dhirta waxay sababtaa nabadguur dhulkii ku yimaada ,taasoo dhibaato u geeysata togagii iyo laagihii ay biyuhu mari jireen iyo dhul beereedkiiba,si aad taas uga hortagto waa inaad had iyo jeer la socotaa,wixii isbedel ah oo soo kordhay oo dhulkii ku dhacay,si meeshii u baahan waxqabad aad u sameeysid.

2) Daaq yaraanta (dhulka oo aad daraasadeeysid daaqiisa guud ahaan)

Somaalidu waa dad reer guuraa ah 75% kii ,balse hada waaba ka yar yihiin oo magaaladeey soo galeen abaaro dartood iyo xoolihii oo dhamaadey,dhaqaalaha miyiga iyo magaaladuba waxuu ku xiran yahay xoolaha nool,hadii ay ku dhacdo abaarna,waxaa hubaal ah oo shaki ku jirin in ay magaalooyinkana abaari ka dhacayso,sidaa daraadeed waxaa khasab ah in dhulka laga ilaaliyo wixii nabaad guur keeni karo iyo waxii daaqa yareeyn karaba,lana helo siyaasad loogu noqdo miyigii oo lagu hayo xoolihii.Si taas loo sameeyana waa in la helaa dad aqoon u leh daaqa,maamulkiisa,iyo barashada cilmiga daaqa guud ahaantiisba

(Botany and range management).

3) Nabadguurka ku dhaca dhul daaqsimeedkii oo lala socdo.

Dalka somaliyeed waxaa aad u xoog badan oo si xaawli ah ku socda nabadguur aad u daran,waxaana dabar go’ ku jira noolaha iyo ma noolahaba.nabadguurka waxaa lagu sheega in ay hormuud ka yihiin arimaha ay ka mid yihiin;jaridda dhirta,dhirta dhuxusha laga dhigto oo aad loo gooyo,guurguurka reer miyiga iyi xoolahoodaba,dhaqaalo la’aan jirta awgeed oo aysan ku degi Karin meel cayiman, biyaha roobka sida daadka u socda oo aan laga faa’ideeysan oo keena nabadguur ciideeed(soil erosion),si looga hortago in ciidii nafaqada lahayd dhulkii ka dhamaatana waa in la helo habab lagu joojin karo,waxayna keeneeysaa arintaasi in wax soo saarka beeraha yaraadaan.

Muxuu xalku noqon karaa:

Maadaama ay soomaaliya horey u soo martey abaaro,sida ku cad qoraalada oo ay ka mid yihiin,Abaartii Koombaaley,Agoosto,Dabadheer iyo qaar kaleba,kuwaasoo galaaftey dad iyo duunyaba,si looga faa’ideeysto aqoonta iyo waayaha wixii ku soo marey,waxaan isleeyahay waxaa looga hortegi karaa;

  • In la sameeyo khubaro cilmi u leh abaaraha iyo xaalufka dhulkaba si ay u soo diyaariyaan daraasadyo sheegaya habkii iyo xeeladii wax looga qaban karo.
  • In la sameeyo oo la helo sharci adag oo lagu dhaqo ilaalinta deegaanka,laguna qaado qofkii ama kooxdii ku xadgudubta.
  • In la hello waxyaabo bedela dhuxusha sida qoraxda,dabeeysha iyo kiriosinka iwm.
  • In la helo iskoolo(dugsiyo) lagu barto waxyaabaha la xiriira barashada noolaha iyo deegaanka uu ilaahay ku abuurey ama xiriirka ka dhexeeya noole iyo mid kale iyo deegaanka ku wareegsan(Study of ecology).
  • In la ilaaliyo waxyaabaha keenaya nabadguurka ciida(soil erosion,lana sameeyo ama la abuuro dhirta waaweeyn(forestry plantation) iyo beeritaanka dhirta abaarta u adkeeysata,isla mar ahaantaasna la abuuro dhir si degdeg ah ku bixi karta,si looga faa’ideeysto in la hakiyo dhirta dhuxusha laga shito,tiirarka kuwa laga dhigto,kuwa xabkaha laga goosto,isla markaasna dhirtaas la abuurey waxay daryeel u tahay ciida,roobabkana waa kordhin karaan.
  • In la kala qorsheeyo dhulka beereedka iyo kan xoolo dhaqatada daaqsinka u ah(lakala saaro),sidoo kalana lakala saaro dhulka daaqsinta ah iyo dhulka laga cabbo ee xooluhu u soo biyo doontaan,si loo ilaaliyo nabadguurka ay reer miyiga iyo xoolahubu ku keeni karaan dhulka daaqsinta ah,markey xooluhu cabayaan,taasoo aan ula jeedo in lakala fogeeyaa ama in dheer leeysku jirsiiyo ceelasha( water point) iyo dhul daaqsimeedka.

Dhammaaad:

Waxaa cad in aysan noloshu noqon Karin mid marna burburta marna la dhiso, ee waxaa weeye ineey noqoto mid joogta ah,taasoo ah in uusan deegaanku noqon mid la ilaawey,balse markay abaari dhacdo oo keliya la soo xusuusto.

Waxaa mudan in waqtiyadda barwaaqada ee roobku da,o laga faa’ideeysto,biyahana la xiro oo la keydsado, si marka abaari timaado aad ugu baxsatid. Waxaana hubaal ah inaan la sugi Karin hay’ado iyo xukuumado (maamulo) wax ka qabta abaaraha balse waa in shacabku u howl galaan sideey uga hortegi lahaayeen abaaraha,ulana iman lahaayeen qorshe mideeysan.

Xaalada abaaruhu waxay ahaanayaan kuwo joogta ah,hadii aan looga hortegin hab diyaarsan oo leh barnaamijkiisa,kaasoo ay soo diyaariyeen dad aqoon u leh arimahaan wax laga qabanayo sidii loo wajihi lahaa.

Abaaraha maanta soomaaliya ka jira waxay u baahan yihiin xal degdeg ah oo lagu yareeyo,waa in bulshadu sameeysaa sanduuq dhaqaale abaareed,waa in leeyska abaabulaa dibadaha iyo gudahaba si looga hortago kumanaan qof oo soomaali ah oo qaar ku nafwaayeen,qaar kalena la il-daran yihiin hada ,hadeeysan cunto iyo nafaqo lagu badbaadiyo helin.

Soomaalidu waxay dhibaatadaan la qabaan waddamada geeska Africa,kuwaasoo ah dowlado dhisan balse ku guul dareeystey in ay helaan qorshe ku wajahan abaaraha,sababo khilaaf siyaasadeed dartood,kuwaasoo dhaliyey maamul xumo baahsan,balse dhulka nabdoon ee somaliya,lehna maamulo,waxaa la gudboon in ay dadkooda wacyi geliyaan,una sheegaan in aysan sugin inta abaari ka dhacayso oo keliya balse ka hortag la yimaadaan,ilaahayna talo saarsadaan.

Ilaahoow Abaaraha,colaadaha iyo dhibkaba,soomaali ka saar.

Qalinkii: Ali Osman Bulle

Email:mr.buule4@gmail.com

 

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.