Abaarta iyo caafimaadka bulshada W/D: Dr. Gallad Daahir Xasan

Abaarta iyo caafimaadka bulshada

 

Abaartu waxay ka mid tahay masiiboyinka dabiiciga ah. Waa roob la’aan, biyo yari amase waa roobki oo xilligiisa ka soo daaha ama da’a, laakiin intii laga filayay aan di’in. Waxaa marag madoonta ah, inaan garanayno ahmiyadda ay biyuhu u leeyihin noolaha dhammantii, hadday noqon lahayen Aadanaha, xayawaanka iyo dhirtaba. Maadaama ay abaaro soo noqnoqday ka jiraan dalkeenna xilliyo is ku dhawdhaw, maxay tahay saamaynta ay ku yeelan karto cafimaadka bulshada?

Abaartu waxay saamaysaa bay’adi, Aadanaha ku nool, qaab nololeedkoodii iyo wax soo saarkoodii intaba, waxayna hagardamisa baahiyahii aasaasiga ahaay, sida helidda biyo nadiif ah oo ku filan dadka iyo cuntadii. kuwaan oo saamayn toos ah ku leh xaaladda cafimaadeed ee shaqsiga iyo bulshada.

Biyo yaridu waxa ay keentay inay dadku maciin bidaan isticmaalka biyaha wasaqaysan kuwas oo sababa xaalado cafimad xumo sida shuban biyoodka ama cholera. Waxaan kaloo meesha ka marnay dhammaan cudurrada la xariira biyaha. UNICEF Soomaaliya ayaa sheegtay, in kaliya 45% dadyowga Soomaalida ay heli karaan biyo nadiif ah, oo ku filan. Taas oo siyaadinaysa qatarta ah, in ay dillaacaan cudarrada ka dhasha ama la xariiira biyaha. Ku darso xilli abareedkan tiradu intaas waa ka yartahay.

Hay’asda caafimaadka adduunka ayaa sheegaty bishii febraayo ee sanadkan 2017 in 4603 qofood ow ku dhacay shuban biyoodku, 45.7% waxay ahayen dumar halka 38.8% ay ahayen carruur da’doodu ka yartahay 5 sano.

Waxaa jira cunto la’aan baahsan, maadaama ilihii waxsoosaarka ay saamaysay abaartu, hadday noqon lahayeen wax beerashada ama dhaqashada xoolaha. Waxaa dhacday macluul iyo gaajo, dadkii waxaa ku dhacay nafaqodarro, haba u darnaadaan carruurta, hooyooyinka uurka leh iyo dadka waawayn.

Hay’adda cuntada adduunka (WFP) ayaa waxa ay sheegtay qiyaas ahaan 202,600 carruur ah inay la ildaran yihiin nafaqaxumo sanadkan 2017. Nafaqodarrada waa dhibaatada ugu wayn, ee soo foodsaarta caafimaadka bulshada, waxayna ka dhalataa abaarta iyo hoos u dhac ku yimaada waxsoosaarka beeraha. Maadaama difaaca jirka ow hoos u dhacayo qofka qaba nafaqodarrada, wuxuu u nugul yahay inow xanunsado, waxaana la dhihi karaa waa sababta kowaad ee dhimashada carruurta.

Goobaha ay aadka ugu habsatay abaartu waxay sabatay inay siyaadaan cudurrada ku dhaca dhimirka ka dib markii ay ku cayr tobeen ama ay arkeen carruurtodi oo hortooda ugu dhimanaya gaajo iyo oon dartood. 

Haddaba, si loo yareeyo loona ilaaliyo abaarta iyo cunta yarida baahsan, ee soo laalabata, waxaa loo baahan yahay xal isku dhafa, kaas oo ku laran istiraatiijiyad cad oo ay ka qayb qadanayan dhammaan hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa dowladda ee ay qusayso hormarinta bulshada iyo ka hortagga masiiboyinka.

 

W/D: Dr. Gallad Daahir Xasan

SHEEKOOYIN