ABUL ACLA AL Mawduudi  : AFARTA ERAYBIXINOOD EE QURAANKA

ABUL ACLA AL Mawduudi  : AFARTA ERAYBIXINOOD EE QURAANKA

 

 

 

 

 

 

 

ABUL ACLAA  AL-Mawduudi  (1903-1979)  Waa fikaraaga muslimiinta  ee qarniga labaatanaad kuwooda ugu saamaynta badan, waa hoggaamiyihii xarakaatka islaamdoonka ee  qaarad-yaraha  Hindiya,  wuxu dhidibada u taagay  Jamaacada Islaamiga ah  sanadkii  (1941) baaqiisa dacwadeedna waxa caroog u  ahaa  majaladdii  ( Turjumaanka Qur’aanka) qoraallo iyo buugaag door ah ayuu  leeyahay.

Afarta eraybixinood ee Qur’aanku waa maqaallo si joogto ah ugu soobixi jiray majalladdii Turjumaanka Qur’aanka  oo markii danbe uu  buugyare ka dhigay.

Mawduudi buuggiisan wuxu ku ballaysimayaa in   aasaaska Qur’aanka iyo udub-dhexaadka uu ku wareegaa  yihiin  Afar eray  ( Ilaah ,Rabbi , Cibaado  iyo Diin) haddii aan qofka waxba uga baxsanayn afartaasna aanu Qur’aanka fahmi kararin. Cid kasta oo Qur’aanka inay si dhab ah u fahanta rabtaana waa inay  afartaas eray ka duushaa. Qallooc kasta oo bulshada muslimka ah galay horrayso iyo danbaysana wuxu u tiirinayaa qalad fahanka afartaa ee eray.

Manhajka uu u raacay sharaxaadda afartan erayna waa inuu soo bandhigo, eraybixinta afeed ee qaamuusyada ku kaydsan iyo inuu ku xoojiyo aayadaha Qur’aanka ah, sharax koobanna dul dhigo.

1-ILAAH :   Marka uu soo bandhiga macnaha luqadeed ee erayga (ILAAH) kuna  badhitaaro  Qur’aanku sida uu uga hadlay, fahamkii Carabtii diinta ka horraysana ku ladho, wuxu ku soo gunaanadayaa  in ubucda ILAAHNIMADU  tahay Suldadda oo aan qaybsamin, Allena ay gaar u tahay.   Awood oo dhami in ay Eebbe u gaar tahayna waxa  ka dhalanaya in wax kasta oo xukun ku xidhiidha ALLE loo celiyo gaarna looga dhigo,  Dawladnima, xeerdejinta iyo  arrimaha oo dhanna waa inaa cid lala wadaajin.

2-RABBI :  Halkanna wuxu ku soo bandhigayaa  macnayaasha badan ee Rubuubiyadu ugu soo aroortay Qur’aanka, waxaanu soo bandhigaya in ummadaha hore  laga soo bilaabo  reer NUUX (CS)  illaa  inta Qur’aanka laga soo dejinayey, waxa ay ku baadiyoobeen ay ahayd in ay Rubuubiyada kala dhanbaleen oo badhna Alle u gaar yeeleen, inna cid kale la wadaajiyeen. Wuxu ku soo gunaanadayaa cutubkan,  in RUBUUBIYAH ay la mid tahay AL-XAAKIMIYAH (xukunka in Alle uun loo daayo)

3-AL-CIBAADAH :  Cibaadadu waa addoonnimo , hoggaasamid iyo Eebe isu dhiibid.  Waan in Alle keligii loo gaar yeelaa. Cibaadada wuxu ku xidhayaa  labada eray ee ka horreeyey,  kumana koobna  buu leeyahay Meesha cidhiidhiga ah ee la geliyey, cidda aad xeerarka iyo awaamiirta ka qaadanayso, haddii aanay Alle  ahayn, waad caabudday oo shirkii  baad ku jirtaa ayaa  nuxurka dooddiisu isugu biyo-shubanaysaa.

4- DIIN  : Erayga afraad uguna danbeeyaa waa DIIN,   Macnayaasha badan ee eraygani leeyahay marka uu soo bandhigo siyaabaha Qur’aanku u adeegsadayna ku xoojiyo,  wuxu ka soo dhiraandhirinayaa in erayga DIIN ee Qur’aanka  ku soo arooray inuu koobsano afar wax:

       b- Xaakimiyada  iyo  taliska sare (ALLE)

        t- In loo hoggaasamo loona hogto awooddaa sare.

        j- Nidaamka, shaqada iyo afkaartuna inay ka dhinbiil qaataan Xaakimiyada Alle.

        x- Abaal marinta Alle ugu talagalay   cidda si badhaxla’ u raacda xukunkiisa .

Wuxu leeyahay badhaxtirku waa in arrimaha oo dhan Alle loo daayo oo aan lagu qabsan talada, haddii madaxda ama culåimada loo daba fadhiistana, diintii madaxda ayuu qofku qaatay, oo tii Alle waa baalmaray.  Diintu waa nidaam dhammaystiran oo dhinacyada nolosha oo dhan in lagu dabaqo u bahaan ayuu ku soo gunaanadayaa.

Tafsiirkan Mawduudi culimada badan oo ay isku xilli ama duruuf ahaayeen ayaa Naqdiyey, waxa ka mid ah, Abu Xasan Annadawi buuggiisa (Tafsiirka siyaasadeed ee Islaamka) sidoo kale waxa isna sutida u qabtay Waxiid Addiin Khaan buuggiisa (Gef Tafsiir)

Sida Mawduudi lagu yaqaan wuxu dedaal badan geliyey inuu dhidibada u taago Falsafadda Dawladda Islaamiga ah, ee ay wadaadda muslimiintu ku baaqayeen, wuxu ka duulay in nidaamada dhulka muslimka ka jiraa ay yihiin, dawladnimo Jaahiliya ku dhisan una baahan in diinta lagu soo dabbaalo, sida keliya ee lagu hunuuninayaana ay tahay in dib loogu fasiro Ilaahnimada, diinta iyo cibaadada, marka jaahiladdu ka jafantana ay dawlad Islaam dhisan doonaan.

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.