ADDOONTII YAREED! W/Q: Abdi-aziz Mohamed Shidane

sasassa

ADDOONTII YAREED!

 

Cubeyda waa gabar yar, oo ku dhalatay carriga Sacuudi Carabiya. Waxay calool gashay mar ey hooyadeed qaxooti magan-galyo doon ah ku aheed xerada Al-jaxiima ee waddanka Yaman. Hooyada dhashay Cubeyda waxay ka tillaawday soohdinta u dhaxeysa Yaman iyo Sacuudiga, si ey u hesho shaqo ey ku dabbarto nolasha adag, ee ey ku dhaxjirto, kadib qaxar iyo quursi ey kala kulantay xeradii ey martida ku aheed.

Waxay heshay shaqada adeegga guriga (Booyaaso), waxay u shaqo billaawday qoys Sacuudiyaan ah, oo hanti  Eebbe u dhiibay. Sharci ma lahayn, qandaraas shaqo iyo mid ceymis toona ma jirin. Waxay aheed qof baahi waddo misana uur leh. Shaqadu aad ayey u adkeed, toban iyo labo saac oo xariir ah ayey istaag ku shaqayn jirtay.

Marka ey xanuunsato waxaa la siinjiray kaniini siinaya awood si ey ku sii shaqayso. Waxaa intaa u sii wehliya aflagaaddada iyo gacanqaadka guriga dhaxdiisa lagula kaco. Ilmaha iyo hooyada qoyska loo shaqaynaayey waxay ka sinnaayeen af-xumada iyo gacan qaadka, jirdilka iyo jiirnax la’aanta.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa fooli qabatay,  gabadhii qaddaamadda aheed, oo waqti dheerna qaadatay, waxey dhashay gabar iyadiina wey umul raacatay, dhiigbax iyo  la tacaalid xumo aawgeed. Gabadhii yareed  waxaa qaatay  qoyskii Sacuudiyaanka ahaa, ma jiro aabbe sheeganaya gabadhaa, lamana yaqaan qaabka ey ku calool gashay, hooyana waa geeriyootay.

Gabadhii waxay la kulantay korriimo xumo ka dib markii ey soo hana qaadday da’deeduna garaty waxaa lagu badala booskii hooyadeed, waxaa loo bixiyey magaca (CUBEYDA) waxay iyada oo saqiir ah laga xayuubiyey nuxurkii nolasha, dhaayaha ma aysan saarin qof ku heyb ah ama ku waddan ah, kuma hadasho af soomaaliga.

Waxay la kulantay addoonsi, dil, quursi, iyo shaqo aad u adag, darbiyada guriga oo ka koobnaa lix qol ayaa lagu qasbi jiray in ey dhaqdo maalin kasta, xilliga qoysku cuntaynayo weel gaar ah ayaa wax uun loogu ridaa, meel gaarana waa la fadhiisin jiray, si eysan u soo dhex galin qaybaha kale ee qoyska, halka qoqob yar oo albaabka hore ee baabuurta la dhigto ku yaalla la seexin jiray.

Magaca qoysku ugu yeeri jiray gabadhan waxuu ahaa “ADDOONTII YAREED” naxariis iyo gacal waalid waligeed ma aysan arkin, waxay kala kulantay wiilasha qoyska fara xumeyn iyo kufsi yaraanteedii ilaa  intii ey ka soo qaan-gaartay. Waxay ku qasbi jireen kaniiniyo eysan garanayn macnahooda iyo waxa loo adeegsado. Waxay ahaayeen kaniiniyada looga hortago uurka, iyo kuwa qofka ka dhiga sarqaan aan waxba iska celin karin ama kala sooci karin.

Hooyada gurigaa ka talisa wey ogtahay fal xumada wiilasheeda, odayguna sidoo kale, haddii ey xanuunsato taqtar iyo daawo ma jirto, waxaa u sii wehliya  nabraha ku yaalla jirkeeda, oo ey kala kulanto wiilasha kacsi la boodka ah, ee qoyskaan u jooga iyo markii kushiinka wax uun si ka noqdaan, oo ay la kulmi jirtay ciqaabta ugu adag.

Waxay ku jirtaba nolashaan ka fog arxanka iyo anshaxa suubban, waxay isku badashay in uu odaygii qoyska ugaarsiga dhinaciisa ka soo galo, oo markii islaanta guriga ka masuulka ah ey maqantahay uu u daba maryeeyo, taas oo  gabadhii  quus  iyo qaraaro hor allaa sii galisay, kufsi dhinac kasta ah ayey la kulantaa.

Hooyada gurigu wax waa ka ogtahay uguna danqan mayso sida qof dumara, iska daa in ey ka danqatee, wayba ku qanacsaneed qaabkaas foosha xun, ee ay ku suganeed gabdhaan ay addoonta u haysato!

Cubeyda ma taqaan qaab ey uga baxdo jaxiimadaan ay ku jirto, mana aaminsano in uu jiro duul xalaala oo ka samata bixiya cadaabkaan qaraarka badan, xaaladdeeda caafimaad wey sii xumaanaysay, oo waxay billaawday in ey isla hadasho, xasuustana lumiso iyo hurdo la’aan joogta ah, taas oo ey ka dhaxashay kufsiga iyo jildilka joogtada ah ee ay la kulanto maalin kasta.

Qoysku xanuunkaan waxay u qaateen marmarsiyo ey ku diidayso shaqada iyo hawlaha ey u qabato wiilasha, waxayna sii labalaabeen ciqaabtii iyo tacaddigii joogtada ahaa illaa ey ka waalatay Cubeyda, oo ey billawday in weelasha guriga ku garaacdo dhammaan qofkii ka soo hor baxa guriga, iyaduna ay madaxa iskala dhacdo, qoyskiina markii ey u adkaysan waayeen qaabdhaqankaan waallida ah waxay uga xireen lugaha iyo gacmaha silsilad, waxayna ku dureen cirbado si ey u dagto, taas oo uga sii dartay marba marka ka sii dambeysa.

Cubeydo iyada oo sidaa ah ayey la kulmaysay galmada qasabka ah iyo garaaca joogtada ah, balse, adeeggii guriga wey awoodi waysay, in ey qubeysato looma oggala, waxaana lagu xiray qol yar oo ka mid ahaa qolalka alaabta iyo cafashka la iskaga rido, qol aad u wasaq badan oo mugdiya, halkaas oo eey dantu ku kalliftay in ey ku kaadiso kuna saxarooto isla qolkii yaraa dhaxdiisa, kana qaaddo cadho iyo  xanuuno kale.

Qoyskii Sacuudiyaanka ahaa ee addoonsanayey gabadha waxaa la soo gudboonaatay baqdin ku aaddan in ey ku dhimato addoontan, garaac dheer iyo xanuunno iyo cunto ka af heysi kadib, waxey u yeereen Ciidamada raafa soo galootiga aan sharciga lahayn, waxayna u sheegeen in gabadhii u qadaamayn jirtay iyaga ey xanuunsantahay, oo madaxa laga lagay, si ey yelaanna garanayn, iyaga oon sheegin in ey ku dhalatay Sacuudiga hooyadeedna umul raacatay, ciidamadii waxay la yaabban yihiin qof Soomaaliya ee aan ku hadlayn af-Soomaaliga, waxay iska geeyeen goobaha dadka dhimirka looga jiro lagu xannaanaeeyo, maxaa yeelay, Cubeyda waxay billaawday in ey qofka u gacanqaaddo, iskana hadasho, iyadoo adeegsanaysa af-Carabiga.

Haatan waxay ku nooshahay xaruntaas iyada oo aan ku heysan daryeel iyo dadnimo, duruuf xunna ku sugan, waalid iyo walaal aan haysan, waddan iyo wadaay lahayn.

Isla xarunta ey ku sugantahay waxaa loola dhaqmaa sida addoon waalatay, waxaa loogu yeeraa (ADDOONTI WAALATAY) mana hesho xannaaneyn wacan. Cubeeyda waxay dhax muquuranaysaa cadaab adduunyo, mana taqaanno waxa ey ku galabsatay intaan oo ciqaab iyo dar xumo ah, yaraanteedii, gabarnimadeedii iyo faraxddii nolaleed intaba ka hoojisay oo galaafatay, waxayna ku sugantahay xaruntaas dadka waalan loogu talagalay, iyada oon garanayn wax ey sugeeyso (Nolal iyo Geeri) taasoo labadaba eysan heeysan.

 

W/Q: Abdi-aziz Mohamed Shidane

Shidane05@hotmail.com

SHEEKOOYIN