Adduun aan wanaag lagu tacbeyn| W/Q: Farax Sh. Cabdirisaaq

Adduun aan wanaag lagu tacbeyn|

Tabnaanta iyo tognaanta ka dhasha ficillada nolosha ku gadaaman ayaa ku tusaya tiraba dhawr arrimoomood oo si fog kuu taabanaya markaad xagal toosan ka fiiriso natiija kasta oo aad gun iyo maan u dhugato.

Gadgaddoonka waayaha ayaa aadamaha ku abuura habrashooyin baqahooda wata oo ay kaga maagaan meelo badan oo ay laac ka doonan lahaayeen taasoo keenta in lagu dhiirran waayo himilooyin joogta ah oo fogaan arag filasho qurxoon lagu tiigsan lahaa. Inta badan ma dhacdo isku dheelli tirnaan tamarisa oo muddo badan dhidib adag kusii taagnaan karta marka loo eego is diiddooyinka nololeed ee siyaaba kala duwan ula xidhiidha asal raaca jiritaanka koonka iyo ifka guudkiisaba, taasoo jir, jiilaal, jirrab iyo jaanta roganba kumannaan jabad iyo jeesba la degta.

Halyay wax badan mudan oo hiil iyo hooba gala ayey marar badan ka hiillisaa adduunyadu oo ay ka sarraysiisaa hacoo horor hiinraac iyo midaan loo hoyanba waana cibraqaadasho inteeda la’eg oo dhugmo iyo wax ku qaadasho tebinaysa.

Humaagyada kala sarraynta iyo hayntu waa astaamo muujinaya isku xidhnaanta laba shay oo hoosaynta barkulan iyo isku tiirsanaan la wadaaga kana dhigan mahuraan aan sinnaba u kala tagsanayn ujeeddo ahaanna loogu tala galay inay ismiisaamaan oo aan dhanna culays ka iman si kale haddaynu u dhigno inta sarraysa waxay u halgantaa inta hoose kobcinteeda inta hoosaysana waxay ku hirataa hiigsashada inta sarraysa sidaas ayaanay u yihiin isma hurayaal habeen qudha is dheer arrintani waxay macna buuxa samaysa marka yaraysiga iyo is faquuqa laga koro ee aan abuurta lagu gafin!.

Ma tobnowdo adduunyadu oo dar Alla ayey qabyo u tahaye inta dhabbo ee ay ka aroorto ayaad ka garan kartaa gaddoonkeeda iyo gebi ka duulkeedaba waase inta ay garashadaadu ku siiso iyo hadba inta aad dareenkaaga ka gunuddo fahankeedu. Marar badan adduunyadu inay gurracantahay oo aan aad loogu sii hawshoon ayaad ku gaabsanaysaa marar kalena hami aan jirin ayaad ka dhex arkaysa boqollaal meelood oo hillaac ka bilig leeyahay xaqiiqaduse waa inay laba gellin mid uun tahay oo aan mid seddexaad la soo helayn hortaa jirana soo waayay waana gellin ay guban tahay iyo gelin ay godlantahay tani waa marag ma doon oo haddii ay daraf ka gudhantay ogow inay gees kale ka irmaan tahay sidaasaanay sidig ku tahay oo intay jirtayba lagu ogaa.

Meertada ifku waa tub lagu socdo oo ka baxsan awoodda noolaha waana toobiye la rabo in tacab iyo kayd laga sii helo oo haddeer iyo hadhow si uun kuu anfacaya baytal qasiidkuna waa in timaadada iyo tagtadaba wax loo aayo laga dheefo labada daaroodna ta hore ayey nasiib u tahay ta dambana nasteex bay u tahay sidaasanay ku tahay meel naqeega la goosanayo naf iyo ayaankeedba.

Inkasta oo aan la helayn adduunyo wada xariir ah oo xummaanta iyo qalloocaba xalay dhalay ka ah haddana muhiimadda ugu wayni waa in ay tuhun la’aan jirtaa oo aanay lumin qiyamkii saxnaanta intii ay dhib leedahayna dheefteedu ka badataa laba gooraaleba sidoo kale waa inay dariiq aqoontu hagayso ku bulaashaa oo aan hagardaamada iyo jahligu hoghaanka u qabannin intaa iyo in la mid ah marka la helo tacaddiga aadamaha dhexdiisa ka yimaada waa la xakamayn karaa oo tamarta awood sheegashada waxa burin kara kaallinta ay dadnimadu ku dhex leedahay bulshooyinka uuman.

Ugu danbayn qormadeennan waxaynu kusoo af meeraynaa tix aan ka fogayn hawraarteenna sare ku xusan waxaanay odhanaysaa:

  • Aduunyadan tasawdee luntee, toore kale qaadday
  • Adduunyadan tabaaladu heshee, tawsta la arkaayo
  • Adduunyadan tumaatida warmuhu, toos u kala goysay
  • Adduunyadan tudhaalaha gabteen, lays tix gelinaynin
  • Adduunyadan tilmaantii riddee, jaahil talinaayo
  • Ee aan tacliin lagu shaqayn, tacajab weeyaane
  • Adduunyadan tufkeedii go’een, taabka lagu haynin
  • Adduunyadan tiriiggi cadligu, nuurka tebin waayay
  • Adduunyadan ninkii taag lahaa, tamar ku faanaayo
  • Een miskiinkii wax loo soo tarayn, tacadi weeyaane
  • Soo inaan wanaag loo tabcayn, taa la garan maayo?!

W/Q: Farax Sh. Cabdirisaaq

NAGA LA SOO XARIIR:

laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN