Adeegsiga Af-soomaaliga iyo Cilmibaarista| W/Q: Cabdiraxmaan Cali Ibrahim

Adeegsiga Af-soomaaliga iyo Cilmibaarista| W/Q: Cabdiraxmaan Cali Ibrahim

Horudhac:

Maxaa u diiday in cilmibaarista lagu qoro Af-soomaali? Waa su’aal u baahan in la iswayddiiyo, lagana fiiriyo meelo badan, lana falanqeeyo.

Maqaalkani waxa uu isku dayi doonaa in uu jawaab u raadiyo su’aashaas,  isaga oo ka fiirinaya sababaha u diiday in Af-soomaaliga loo adeegsado cilmibaarista, sidoo kale waxa uu iftiimin doonaa faa’iidada ku jirta in Af-soomaaliga loo adeegsado cilmibaarista. Gabagabada waxa uu soo gudbin doonaa talooyin ku saabsan, sidii si guud loogu horumarin lahaa adeegsiga Af-soomaaliga xagga waxbarashada,  si gaar ahaaneedna cilmibaarista.

Sababaha keenay adeegsiga afafka qalaad:

Inkasta oo ay jiraan hay’ado cilmibaariseed oo Af-soomali ku qora cilmibaaristooda, haddana inta uu qoruhu ka warqabo ma jiraan Jaamacado cilmibaaristooda ku qora Af-soomaali. Waxaa dhici karta, in sababta aan loo adeegsanayn Af-soomaaliga ay tahay sida uu qabo (Bare Sare Cabdulwahab Cabdullahi Cilmi), Gugdoomiye ku xigeenkii hore ee Jaamacadda Jamhuuriya,   inay hoosayso aqoonta loo leeyahay Afka-Soomaaliga ama in loo arko sharaf ama darajo in cilmi baaris lagu qoro af ingiriisi, iyada oo la liidaayo Af-soomaaliga.

Waxaa la ogyahay in ardayda dhigata waxbarashada sare, badankoodu in ay wax ku bartaan afka ingiriiska.  Waxa la dhihi karaa sababta ugu wayn ee taas keentay inay tahay agabka waxbarasho oo la heli karo in uu ku qoran yahay Af-ingiirsi. Sabab kale waxa ay noqon kartaa in   jaamacaduhu ay doonayaan inay cilmibaaristooda la wadaagaan dunida kale iyo ardayda ay soo saaraan oo laga yaabo in waxbarasho sare ay u doontaan waddanka dibaddiisa, taas oo uga baahan adeegsi af-qalaad,  sida af-ingiriis.

Caqabadaha heysta barayaasha iyo ardayda:

Duruufaha ku xeeran ardaydeenna dartood, heerka ardaydu ay ka joogaan afka ay wax ku baranayaan ma gaarsiisna heerkii laga rabay in uu joogo arday dhigta jaamacad. Sidoo kale waxaa laga yaabaa in baraha maaddada naf ahaantiisu uu heerkiisa aqoon-afeed uusan gaarsiisnayn heerkii laga rabay. La iskama indho tiri karo in ay jiraan barayaal sare oo leh aqoon iyo karti ay ku gudbin karaan cilmiga ay dhigayaan, sidoo kalena soo saari kara cilmibaarisyo caalami ah iyo arday heerkooda afeed iyo aqooneed uu sareeyo.

Haddii ay daldaloollo ka jiraan aqoonta loo leeyahay afka wax lagu baranayo, ka dibna loo adeegsanayo cilmibaaris, maxay noqon karaan miraha ama natiijada ka dhalan karta cilmibaaristaas?.  Marka dhinac laga fiiriyo waxa ay noqon kartaa in cilmibaaristaasi ay ka soo baxaan natiijooyin fiican; dhinaca kalena waxa ay noqon kartaa, maadaama ardayga cilmibaaraha ahi iyo baraha hagayaba uu hooseeyo afka ay u adeegsanayaan cilmibaarista, in tayada cilmibaaristooda aysan gaarin heerkii laga doonayey. Sababta oo ah fikirka qofka ku jiro waxa ugu wanaagsan ee uu  ku cabbiri karo ama ku fikiri karo waa afka uu sida fiican u yaqaanno, kaas oo gaarsiisan heer afeedka laga doonayo qof cilmibaare ah.

Iyada oo ay caqabadahaas aqoon-afeedku ay jiraan, haddana waxa la dhihi karaa dadaal ayey sameynayaan ardayda iyo barayaasha jaamacaduhu. Sababta oo ah in af-qalaad u adeegsadaan waxbarashada, gaar ahaan cilmibaarista, waxaa ku qasbay duruufaha ku xeeran.

Talo jeedin:

Haddaba, sidee ayaan ku gaari karnaa in aan ka faa’iidaysanno afkeenna hooyo,  uguna adeegsanno cilmibaaris, loona awdo daldaloollada kor ku xusan.  Waxa aan dhihi karnaa, marka hore waa inaan ogaannaa in afkeennu yahay kan ugu mudan, uguna fudud oo aan ku fikiri karno, wixii maskaxdeenna ku jirana aan dhigaal iyo dhihidba ugu soo gudbin karno.

Tan labaad: haddii aan  badinno adeegsiga afkeenna, waxa aan kordhinaynaa tarankiisa.

Tan saddexaad: waxaan sare u qaadaynaa qiimaha afkeenna.

Haddaba si loo hirgeliyo adeegsiga afka xagga waxbarashada sare iyo cilmibaarista waxaan talo ahaan u soo jeedin lahaa:

– In maaddo Af-soomaaliga lagu barto oo qasab ah lagu daro maaddooyinka lagu qaato laamaha kala duwan ee jaamacadaha dalka.

– In jaamacaduhu ardayda u oggolaadaan, kuna dhiirrigeliyaan in cilmibaarista u adeegsadaan Af-soomaali, sidoo kalena dhigaallada qalinjebinta/qalinbedelashada iyo imtixaannadaba ku qoraan Af-soomaali.

– In Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ay dhiirrigeliso hirgelinta arrintaas, iyada oo adeegsanaysa awoodaheeda fullineed.

– In Akadeemiya Goboleedka Af-soomaaliga (AGA) iyo Guddiga Af-soomaaliga ee dhawaan la sameeyey  ay arrintan diiradda saaraan oo ay jaamacadaha ka caawiyaan sidii ay u hirgelin lahaayeen adeegsiga Af-soomaaliga, sidoo kalena doodo arrintaas ku saabsan ay u qabtaan dhammaan inta ay khuseyso.

Fulinta arrimahaas waxa ay keeni karaan in afkii horumar sameeyo. Waxaa billaaban karta in buugaagta cilmiga la Af-soomaaliyeeyo oo ardaygii uu helo ilo tayo leh oo uu ka heli karo agabkii ka caawinaayey waxbarashadiisa. Ujeeddadu ma ahan in meesha laga saaro adeegsiga buugaagta ku qoran afafka qalaad ee kaliya waa xoojin ku wajahan Af-soomaaliga.

Waxa aan shaki ku jirin in haddii la billaabo arrimahaas kor ku xusan, in uu isbeddel ku imaan doono adeegsiga Afka.

Haddaba waxa aan aragnaa in ay soo badanayaan dhigaallada ku qoran Af-soomaaliga, kuwaas oo u badan dhigaallo  la  xiriira suugaanta iyo arrimaha bulshada, balse, waxaa imaan doonta in la gaaro xilli uu Af-soomaaligu sii horumaro, laguna qoro culuunta kala duwan sida:  Tan Sayniska iyo tiknoolajiga, culuunta bulshada sida dhaqaalaha iyo cilmi-nafsiga iyo tan aadamaha (humanities) iwm. Taas waxaa la gaari karaa marka qiimo loo yeelo adeegsiga Af-soomaaliga, loona adeegsado waxbarashada guud, gaar ahaanna tacliinta sare.

W/Q: Cabdiraxmaan Cali Ibrahim

Bare, Dugsiga sare Fredrik II, Fredrikstad, Norway.

NAGA LA SOO XARIIR:

laashin77@gmail.com

admin@laashin.com

 

SHEEKOOYIN