Adigu maxaad u cuni wayday qaadka?! W/Q: Cabdiraxmaan Warmooge

1936309_888061754673711_7159891936177868320_n

Adigu maxaad u cuni wayday qaadka?!.

Su’aashan jawaabteeda akhristow adiga ayaan kuu daayey, bal se intaanad ka jawaabin aan kula wadaago dhacdadan yar ee aniga i soo martay ammin hore.

waxay ahayd 2011 sannadku markuu ahaa, kolkaas oo annagoo koox ah oo ka soconna magaalo madaxda gobolka Saaxil ee Berbera aan u baxnay tallaal una qaadnay, tuulooyin ku yaal xadka Jabbuuti, tuulooyinkaas waxa ku nool dad aad u tiro yar oo dayac badanna ka muuqdo, inta badan dadkaasi ma haystaan hoy, iyo guryo u gaara, waa xoolo dhaqato, dhaqda geel aad u badan iyo tiro yar oo adhi ah, waxa la yaab leh iyaga waa dadka deegaankaase iyo geelooduba habeenkii xeelliga badda ayey wada seexdaan. Mid ka mida carruurta deegaankaas oo aan wareysi ka qaadayey ayaa waxa iigu la yaab badnaa inay tidhi in muddo ah hooyadey ma arag!.

Markii aan weydiiyey ayeydeed oo gacanta ku haysay iyada waxiii ku dhacay gabadhan yar hooyadeed, waxay ayeeydeed ii sheegtay in habeen habeennada ka mid ah ay baddu qaaddey iyadoo sidii caadadu ahayd xeelliga la hurdo. Meherado ganacsi oo la sheegi karaa meeshaas kama ay furneen marka laga reebo hal makhaayad, taas oo uu haystay nin ka yimi Jabbuuti oo qaadka ka ganacsan jirey iyo alaabta kale ee bagaashka.

Markuu qaadka ka iibinayo dadka deegaanka kamuu qaadi jirin wax lacag ah oo go’an, bal se dadka oo is wada garanaya awgeed ninkastaaba wuu isku qori jirey oo buug ayaa lagu diiwaangelin jirey, kolka ay lacagta qaadku gaadho neef xoolo ah oo adhi ah ayuu keeni jirey oo ku dayn bixi jirey. Haddaba maalin maalmaha ka mida oo aan tagnay wershad ka shaqaysa ciidda madaw ee badda oo deegaankaas ku taallay ayaa waxaan la kulannay dad si fiican noo soo dhaweeyey, dadkaasi waxa ugu badan amma ugu waynaa ee xilligaa annagu ugu baahi badnayn ee ay na siiyeen waxay ahayd kartoommo biyo ah, halka markii hore caagadda biyaha ah ay nagu joogtay 4000 SL.Shilin (afar kun oo shilinka Soomalileyn ah).

Sidoo kale waxay dadkii wershaddaasi na siiyeen qaad fara badan, haddaba aniga iyo kooxdii aannu wada soconnay ayaa soo fadhiisanney makhaayaddii ninkii jabbuutiyaanka ahaa, markaas ayey kooxdii aannu wada soconnay iyo qaarkale oo deegaanka ahiba ay u fadhiisteen cunistii qaadka, hadda garo oo markan anigu keligay ayaan fadhiyaa oo caagad sharaab ah oo nooca KOKE loo yaqaan ayaan cabbayaa qaadna afkayga ma saarin, waxan sidoo kale dhagaysanayaa sheekadooda murqaanku horseedayo iyo raynraynta helidda qaadka. Nin ka mida dadkii deegaanka oo meeshu ku qayilayey ayaa su’aal aanan markaaa Maankaba ku hayn i weydiiyey oo i yidhi: “Adigu maxaad u qayili weydey?”.Su’aashaas xilligaas waan ka jawaabi karayey, bal se ixtiraaam aan u hayey bulshada intaas le’eg ee i hor fadhida kuna faraxsan cunista qaadka ayaan awgeed u gaabsaday. Adiga ayaan se hadda jawaabta ku daynayaa haddaad cunto qaadka, maxaad u cuntaa?, haddaad se aanad cunin maxaad u cuni waydey?.

 

W/Q:  Cabdiraxmaan Warmooge

SHEEKOOYIN