Aduumbaa hooyadeed ah!Qaybti 1aad W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

Aduumbaa Hooyadeed Ah!

Aduumbaa hooyadeed ah Qaybti 1aad
Wajigeeda cadho ayaa ka muuqatay hadalkuna waxaad moodaa inuu yara dhibaayo, labba qof oo rukun ah oo ka horreeyay intay soo dhaaftay ayay cod hoose ku tidhi “waxaad iga iibisaa (air time) kaarka ku hadalka laba meelood oo min R12, oo Vadacom ah, lacag R100  ayay miiska ii saartay.
Haddana R10 ayay ii dhiibtay markaasay igu tidhi “My friend lacagta baaqigayga R80 ayaan ka rabaa ee hoo R10 oo ii soo celi R80.
Haye Marwo, Intaan dhahay ayaan si dhaqso leh durba  kaarkii ku hadalka iyo baaqigeedi oo R84 aan miiska u saaray.
Haweeneydi oo aad mooda inayna lacagta si fiican u eegin ayaa la soo booday, Lacagta baaqiga aad I siisay ma dhammo oo wax baa iga dhiman.
Intaan xisaabiyihii soo qabsaday ayaan u xisaabiyay, kaarka ku hadalka ee R12 waxaan gadnaa R13 markaa R110-R26=R84 ayay baaqigu noqonayaa, balse  kuma ayna qancin, xilli mashquul ah oo dukaanka dad badan oo rukun ah (Customers) buuxaan ayay ahayd.
Haweenaydi iyadoo xanaaqsan oo u qabta in lacagtii baaqiga badh ka maqantahay ayay baxday.
 Haweeneyda Unati waa islaan aqoon leh, aad u dhaqan wanaagsan, xilligii gumaysiga midabtakoorka u soo joogtay waayo arag ah, muddo ayaan xaafadda daganaa aqoon fiican ayaan u leeyahay,
ka  sakow in ay rukunka dukaanka tahay waxay ka mid tahay guddiga xaafadda, sidoo kale masuuliyiinta xaafadda ee xisbiga faca weyn ee ANC.
Magaranayo maanta waxaa ku dhacay ama ka si ahaa? Subaxdii ayay  dukaanka iigu timid, salaan kaddib, waxay tidhi “waxaan doonayaa inaan kaa raaligeliyo sidii qalloocnayd een shalay kuula hadlay,  dhabtii lacagtii haraaga ahayd eed i siisay way dhammayd, balse baryahan diiqad (stress) iyo walwal ayaa igu furan.
Gabadhii aan dhalay ee Asa oo runti korinkeedii iyo waxbarashadeedii aad ugu tabcay kuna hanwaynaa inay lafaheeda waxtarto aniguna aan ku nasto ayaa waxaa aanan filayn iyo jahwareer igu riday.
Dugsiga sare markay dhammaysay waxaan u diray jaamacad, hal sano markay dhiganaysay ayay ka caga jiiday,.
Asxaab iyo dhalinyaro ayay ku lug xiratay waad ogtahay waddanku waa hannaan qof iyo madax bannaani ayaa ka jirta (Democratic) saaxiib (Boyfriend) ayay yeelatay oo isna aan iyadda waxba dhaamin Mudo kaddib uur ayay yeelatay waxa ayna dhashay wiil.
Anigoo awalba dhibkeeda u taag la’aa ayay imikana lammaanaatay.Hooyo wax dhashay ayaan ahay oo ubadkeeda jecel waxa aan ku hanwaynaa oon mar walba  filaayay sida asaageed inay noqoto wax barato, shaqaysato, oo aayatiin fiican yeelato balse riyada caynkaas ah raadkeedii iyo ifafaalaheedi iima muuqato, waxa ay noqotay gacan hoo baratay looma taag helo.
Anigu meel yar ayaan ka shaqeeyaa oo bilgoosad  “mushaar” aan sidaas u badnayn ka qaataa, yeelkeedee awal waa nagu filayd, balse hadda dhaqaalihi waddanka oo is badalay iyo noloshii oo kot u kacday owgeed waan u tabar waayay inaan daboolo nolasha iyada iyo cunugeeda.
Waxa aan ku fikiray inaan meherad yar oo dumarka lagu qurxiyo u furo,  lacag badanna ku baxayso, qorshuhu wuxuu ahaa in bisha December oo ku beegan maalmaha fasaxa, ciida kirismiska iyo sannadka cusub oo meherada dumarka lagu qurxiyo ay suuragal tahay inay kanshadaa wax ka taransato.
Ayaandaro tamashleyn iyo wareeg ayay ka bixi weyday, waxaa igu sii batay walwalkii, mar walba waxaan ka fikiraa bad qabkeeda, waxa aan ka baqaa in meelahaa lagu dilo,
Sababtoo waxaa dhacda mararka qaar in ayna toddobaad guriga iman, waxaa taa igaga daran cunigii yaraa ay dhashay wax iga reeba oo aan kaga tago ma jiro, maalmaha shaqada aan aado waxaan geeyaa meelaha ciyaalka lagu hayo (Crèche) oo bishii lacag layska qaado.
Balse wali baahida aan u qabo wehel iyo wax tar aan ka arko dhankeeda waa sideedii.
Wax yaabo badan ayaa maankayga ku soo dhaca mar mar waxaan kaligay iskula talamaa inaan meelaha dhaqan celinta geeyo haddana waxaan ka fikiraa…..
Lasoco qaybta xigta
W/Q yaasiin xasan muuse

SHEEKOOYIN