Aduun baa hooyadeed ah!!Q2aad. W/Q Yaasiin Xasan Muuse..

Aduun baa hooyadeed ah!!Q2aad. W/Q Yaasiin Xasan Muuse..
Maalmaha shaqada aan aado waxa aan geeyaa meelaha ciyaalka lagu hayo (Crèche) oo bishii lacag layska qaado. Laakiin wali culayskii iyo cidhiidhigi kama bixin sabab too ah,(Crèche) ka  3:00 PM galabnimo ayaa la xiraa, aniguna shaqada waxaan ka imaadaa 5:30 pm Gabadh aan daris nahay oo iyadduna cunug geysata (Crèche) ka ayaan ka codsaday inay marka ay cunigeeda ka soo ka xaynayso, wiilka yar horay iigu soo waddo. Wali baahida aan u qabay wehel iyo waxtar aan ka arko dhankeeda waa sideedii.
Waxyaabo badan ayaa maankayga ku soo dhaca, marmar waxa aan kaligay iskula talamaa inaan meelaha dhaqan celinta geeyo, haddana waxa aan ka fikiraa armay ka sii dartaa.
Shaqo kale oo wanaagsan ayaan ka helay magaalada Johannesburg balse waxa aan waayay cid aan cunuga yar iyo guriga  uga tago. Dhibkaas iyo in kalo badan oon qarinayo ayaa  i haysta, maradaydii ayaa igu gubatay, waxa aan ka baqayaa dhiigkar inuu igu dhaco.
Yaab iyo amakaag ayay igu noqotay sheekadan muragada badan ee haweenaydu sida kadiska ah iila wadaagtay.Durba waxaa igu soo dhacday, odhaahdii Soomaaliyeed ee ahayd “nimaad dhashay kuma dhalin, iyo waxaad dhashay kuma dhibee waxay dhaleen yayna ku dhibin”.
Runtii laxow iyo dareen murugo leh ayay igu reebtay, waxa aan dhaho iyo waxa aan ku hadlo anigoon garanayn ayaan si halhaleel ah u idhi, Marwo (SORRY), waan ka xumahay wax walboo kugu dhacay,runtii waxaa tahay hooyo wanaagsan  oo u dadkeeda jecel, waxa aan rajaynayaa, gabadha inuu garaad ku kordho oo ay danteede garato, wanaagga iyo aayatiinta fiican eed la jeceshahayna inay fahanto.
Adiguna waannaada iyo waxsheega inaadan kala quusaan, sababto ah  si walba oo ay tahay, aduun baa hooyadeed ah.Ma jirto cid kale oo dan kale oo ka  damqanaysa dhibkeeda. Waxaad ogaata haddii aad dayriso inay ka sii darayso, hadhowna xumaheeda adiga lagugu eedayn doono. Dadku waa indho ku garaad leh, markay arkaan gabadhaadii oo dacdaraysan, dulaysan, diifaysan, oo asaageed ka hadhay. Waxa ay dhahayaan hooyadeed ayaan si wanaagsan dhaqanka u barin, oo jidka toosan ku ababin. Hooyadeed ayaan waxbarasho geyn.Hooyadeed ayaan sidan iyo sidan u samayn.
Haye waad mahad santahay intay i dhahay ayay tiri nabad galyoo.
Haye Marwo adigaa mudan ayaan aniguna ugu warceliyey.
Haddaba ujeedada mucda sheekadan.
Si guud ahaan carro edeg qaarad, waddan iyo deegaanba uumiyaha ku nool si walba oo ay ugu kala aragti duwanyihiin xagga diimaha iyo dhaqanka, haddana marwalba waxa ay ka siman yihiin xurmada iyo xaqdhawrka waalidiinta.
In kastoo diinteena islaamku aad ugu uga dardaartey inaguna boorisay wanaag falida waalidka ilaa heer ilaahay subxaanahu watacaalaa uu inoo sheegay is kadaa dhib loo gaystee in xitaa hadal ay dhirfaan aan dhihin, sidoo kale qofka muslimku adduunyadda dusheeda waxaa ugu wanaagsan ee u ku hammiyayo aakhiro waa jannada nabigeena Muxumed SCW wuxuu inoo sheegay baarinimada iyo samafalka waalidiinta in lagu helo jano. Sidaa darteed muslim iyio gaalba waxaa laga rabaa inay waalitiinta u baarinimo falaan..
Bal qiyaas hooyadu dhibka iyo xanuunka ay ka marto xiliga walaca, sagaalka bilood ee ay uurka ku sido, dhalmada iyo ilaa koriinka ilmaha. Dhibka iyo xanuunka waxay howl u dhabar adeegto hooyadu.
Waxa ay ku hammiyaysaa oo ay hanwayntahay sidii ilmaheedu asaagii u dhaafi lahaa oo u noqon lahaa mid dhisan oo dhisma oo aan ceeb iyo dhaliil lahayn. Laakiin marka ilmaheedu kaalintii ay rabtay ka soo bixi wayoo hooyadu waxay dareentaa umal iyo uurku taalo aan hadhaynin.
Bal arag hooyadu waxay leedahay maansadii Hadraawi
Qofaad halab-saariddiisa
Daryeelka horseedadiisa
Dedaallada heensihiisa
Habeenna ka seexan weydey
Ku meel maray heegantaada
Markuu hagar kuu banneeyo
Dharaar ku haleeli waayo
Hortaada waxaa yimaadda
Sidaad ugu heellanayde
Harraad iyo waa kalkiise
Hillaac baxayow dhegayso
Siday talo kaaga hoostay.
Hooyadu ma jecla ilmaheeda inay aragto isagoo diifaysan dacdaraysan liita oo la liiday, balwad iyo tumasho ay dilootay oo asaagi ka ka haray, hawo beena iyo tamashleyn ku fogaaday, hooyadu iyadoo ilmaynaysa oo uurka ka ooyaysa ayay halgaad iyo cadho dusha uga ridaa hawada cunugeeda duufsatay, bal eeg maansadii Hadraawi.
Hawiyo tumashay dhashayda
Ka daa gacan haatiskaaga.
Ugu dambayn waxaan ku boorinayaa qof walba inuu u dhaga nuglaado waalidiinta kuna dadaalo wanaag falidooda.
W/Q yaasiin xasan muuse

SHEEKOOYIN