Afafka lagaga hadlo qaaradda Afrika W/Q:Dr. Suldaan Maxamed Suldaan Ibrahim Siciid (Suldaan Garyare)

2 Afafka lagaga hadlo qaaradda Afrika

2.1 Afka Xamito-Semitig (Afro-Asiatic)

Afka Xamitic-Semitic oo ah af ay ku hadlaan dad lagu qiyaaso in ay kor u dhaafayaan ilaa saddex boqol iyo konton (350) malyuun kuna kala dhaqan qaybo ka mid ah Waqooyiga iyo Geeska Bari ee qaaradda Afrika iyo weliba Bariga Dhexe ayaa ka mid ah afafka ugu ballaaran ee dunida lagaga hadlo waana afka afraad marka laga reebo afka loo yaqaan Indo-Europeanka ee lagaga hadlo qaybo ka mid ah qaaradda Yurub, Koonfurta iyo bartamaha qaaradda Aasiya waxaana ku hadla dad tiradooda lagu qiyaasay todobo boqol (700) oo malyuun, kan isna loo yaqaan Niger-Congo oo ay ku hadlaan dadka Bantuuga ee ku dhaqan qaybo ka mid ah Galbeedka, Bariga, bartamaha iyo Koonfurta qaaradda Afrika, tiro ahaanna dhan lix boqol (600) oo malyuun iyo Sino-tibet oo isna lagaga hadlo qaybo ka mid ah Bariga, Koonfurta iyo weliba Koonfurta Bari ee qaaradda Aasiya, ayna ku hadlaan dad tiro ahaan lagu sheego afar boqol (400) oo malyuun.

Afkan Xamito-Semitigga ayaa ka kooban ilaa lix (6) bahood ama jibsinood waxa ayna kala yihiin:

  • Afka Semitigga
  • Berberka
  • Chadic
  • Afkii Masaaridii hore
  • Omotig iyo
  • Kushitig[1]

    Bahdan Xemito-Semitic ayaa la rumaysan in qoraalkii ugu horreeyey ee lagu qoro uu ahaa fartii Masaaridii Hore muddo hadda laga joogo 5400 oo sano. Sida uu tilmaamayo taariikhyahanka afafka ee u dhashay dalka Ruushka Igor Mikhailovich Diakonoff waxa uuna ku nuux-nuuxsanayaa in bahdan afka ee Xemito-Semitig lagu hadlay muddo laga joogo 10,000 oo sano Nebi Ciise hortiis (cs). Af-yaqaanka kale ee isna la yiraahdo Christopher Ehret, una dhashay dalka Maraykanka waxa uu qabaa in ay intaas ka badan tahay muddadii lagu hadlay afkan, ayna tahay 11,000 oo sano Nebi Ciise hortiis (cs). Sida ay ku doodayaan aqoonyahanno dhawr ah, afafkana cilmi-baaris ku haya waxa jirta in bahdan, Xemito-Semitig, loo kala qaybiyo laba waaxood ama qaybood, ahna sida lammaanaha magaca ka muuqataba Xemitig iyo Semitig.

Xemitigga ayaa la rumaysan yahay in uu yahay afka lagaga hadlo Afrikada Bari iyo qaybo ka mid ah Waqooyiga Afrika. Waxa kale oo jirta heshiis la’aan dhextaal khubarada afkan wax ka qortaa waxa ayna isku maandhaafsan yihiin afka loo yaqaan Omotig, lagagana hadlo koonfur Galbeed ee dalka Itoobiya in uu ka mid yahay iyo in kale bahdan Xemito-Semitig waayo waxa ay ku doodayaan in qaab-dhismeedka afkaasi uusan waafaqsanayn xeerarka naxwe ee u degsan bahda Xemito-Semitig. Khuburada arrintan ku doodayana waxa ka mid ah Joseph Harold Greenberg oo u dhashay dalka Maraykanka iyo Hayward, Richard J. oo isna u dhashay dalka Ingiriiska, ahna aqoonyahanno wax ka qora afafka dunida lagaga hadlo, gaar ahaan afka Xemito-Semitig (Afro-Asiatic).

Waxa iyana jirta qayb yar oo ka mid ah bahdan in su’aal la gelinayo ka mid ahaanshaha afka Xemito-Semitig waana afka loo yaqaan Ongoto oo isna lagaga hadlo Koonfur Galbeed ee dalka Itoobiya, afkan ayaa warbixin ay soo saartay hay’adda dunida u qaabilsan dhaqanka iyo aqoonta ee loo yaqaan UNESCO sannadkii 2012kii waxa ay ku tilmaantay in afkani dabargo’ay ayna ka hareen dadkii ku hadli jiray 115 qof, waayeelna u badan waxaana booskiisii galay af kale oo la yiraahdo Tsamaai oo aagaggaa lagaga hadlo. Culimmada qabta in aan afkani, Ongota, uusan ka mid ahayn bah-afeedkan la yiraahdo Xemito-Semitig waxa ka mid ah khabiirka af-yaqaanka ah lana yiraahdo Harold Crane Fleming, una dhashay dalka Maraykanka, kaas oo ku doodaya in aan afka Ongotaha lagu tirin karin bahda Xemito-Semitig.[2]  Bahdaan Xemito-Semitic ayaa la rumaysan in qaybo ka mid ahi ay xiriir qoysnimo la leeyihiin afafka kale ee dunida. Semitig oo ka mid ah afkan Xemito-Semitig (Afro-Asiatic) ayaa ah mid xiriir la wadaaga bahda afka ee loo yaqaan Indo-Europeanka ee lagaga hadlo qaybo ka mid ah qaaradda Yurub iyo Aasiyaba. Holger Pedersen iyo Louis Trolle Hjelmslev oo ah af-yaqaanno u dhashay dalka Denmark ayaa iyagu rumaysan xiriirkan ka dhexeeya Semitigga iyo Indo-Europeanka waxa ayna ugu yeereen bah cusub oo afafka ku soo korortay lana yiraahdo afka Indo-Semitig.[3]

La soco qaybta xigta 

Dr. Suldaan Maxamed Suldaan Ibrahim Siciid (Suldaan Garyare)

[1]Mansuur iyo Wikipedia.

[2]Joseph Harold Greenberg iyo Richard J. Hayward.

[3]Holger Pedersen iyo Louis Trolle Hjelmslev.

SHEEKOOYIN