Afar garood mayska garab dhalan karaan? W/Q: Abwaan Maxamad Xuseen Faarax

15591732_1284959444880589_108035411_n

Afar garood mayska garab dhalan karaan?

 

Waxaa la yiri; “Labo garood oo is ka garab dhalatay waa la arkay, balse, labo bilood oo is ka garab dhalatay la ma arag!” Ninbaa haddana yiri; “anigu waxaan arkay afar garood oo is ka garab dhalatay” waxaa la yiri; “sideey ku dhici kartaa?”

Wuxuu yiri ninbaa lagu yiri; nin hebel gabar wanaagsan ayaa u joogta. Isagoon gabadhii arag ayuu aabbaheed u tegey, wuxuuna ku yiri; nin yohow waxaan maqlay gabar wanaagsani in ay kuu joogto, ee gabadha i sii. Aabbihii gabadha dhalay wuxuu yiri; waan ku siiyey, ee orodoo Sheekh la imow. Sheekhii ayuu la yimid, gabadhiinna waa lagu nikaaxiyey. Dabadeed odagii ayaa ninkii ku yiri; Gabadhu waa mindhisyo, oo aniga ayaa kuu aroosinaya, ee hadda is ka bax. Maalinta maalin heblaa, oo bishu intaas tahayna imow adigoo dibi wata.

Muddadii markii la gaarey, odagii wuxuu diyaariyey aqalkii iyo wixii arooska ku saabsanaa, ee looga baahnaa aqalgal miyi, dabadeed galabtii ninka la sugayey inuu yimaado, isagoo dibi wata, ayaa odagii gabadhii u yeeray, wuxuuna ku yiri meeldhow ayaan ka soo laabanayaaye aqalka sii joog, oo inta aan maqanahay haddii nin dibi wataahi kuu yimaado waa ninkaagiiye, soo dhowey, oo dharka ka bedel, dhigaalkana sii una sii sheekeey.

Odagii markii uu tegey, ayaa roob yimid. Roobkii oo da’aya, ayaa waxaa yimid nin kale oo musaafira, oo dibi wata, aanse ninkii gabadha la siiyey ahayn. Gabadhii inta soo oradday, ayey ninkii ku tiri; dibiga geedkaan ku xir, dabadeedna gurigii ayey geysey dharkii cusbaa, ee loo diyaarshay ayey u soo bixisay, hilibkii iyo caanihiina waa u keentay. Isagoo dhigaalkii cunaya, oo diirrimaad helay, calooshana buuxsanaya, ayaa waxaa yimid ninkeedii, oo isna dibigii wata. Dibigii ayaa dibigii herti ku la booday, dabadeed gabadhi ayaa soo oradday, oo ninkeedii oo aysan garaneyn ku tiri; nooga celi dibiga dibiga wax qaldan baa tahaye!

Ninkii waa uu yaabay, oo isu wuxuu qaadan waayey sida isu qaban la’yihiin. Wuxuu ku socday ballan iyo gabar la siiyey la aqalgalkeed, mise, wuxuu la kulmay waxa uu qaadan wayey; Reerku waa reerkii, muddaduna waa mudadii! Gabadhu waa aroos oo nin dhar cusub wata ayaa la jooga! Dibi waa xiranyahay! Oo ah intii uu odagu ku la soo dardaarmay, in uu yeelo.

Ninkii isagoo yaabban, oo meel is ka taagan ayaa odagii yimid. Wuxuu is la celin waayey ninkii xanaaq, oo odagii ayuu ku yiri; adeer miyaadan nin Muslima ahayn? Maxaa sidan iigu gashayoo, gabadha haddaad nin siisatay, maxaad ii soo luggoysey ood iigu cayaareysaa?!

Odagii ayaa yiri; maxad aragtay? Ninkii wuxuu yiri; galabtu waa galabtii aad i ballamisay, dibina waa kuu xiran yahay, gabadhiina nin ayey guriga la joogtaa!

Odagii ayaa yiri waxyar i sug. Odagii wuxuu u tegey gabadhii, wuxuuna ku yiri; ninkaagii waa kane, waa maxay ninka kale oo guriga kuu jooga iyo dibiga kuu xirani?.

Gabadhii ayaa tiri; aabbe ninka aad i siisay, miyaan garanayey, mase, dibiga uu wato ayaan garanayey? Aniga nin dibi wata, ayaad iga la ballantay. Nin dibi wataana ii yimid, waana soo dhoweeyey, wax kalena ma samayne, maxaad igu haysataa?.

Odagii haddana wuxuu u tegey ninkii musaafirka ahaa, ee reerka soo martiyey, wuxuuna ku yiri: war maxaa gurigan ku gelshey, oo goortan kugu soo beegay? Maxaa dharka aadan lahayn kuu gelshey, oo dhigaalka aan adiga laguu dhigin u cuntay, digigase maxaad u soo wadatay?.

Ninkii musaafirka ahaa ayaa yiri; anigu waxaan ahay musaafir, Muslim u baahan, reenkana waan soo martiyey, digana baadiyaan u soo helay, gabadhaan ayaana waxaan cunay i siisay, dharkii qoyanaana iga bedeshey, aqalkana waan ku okortay, intaasina muslinnimo ayaan u qaatay, wax kalena ma sameyne maxaad igu haysataa?.

Odagii ayaa yiri:

1: wiilyow “seyga gabahda uu siiyey” xanaaqu waa gartaa oo qalad baa dhacay

2: Gabadhana waa garteed, oo ku ma aysan garan

3: Ninkaan socotadaana waa gartiis, oo wax ma ogayn

4:  Anigana waa garteey, oo qaladka dhacay eed ku ma lihi. Micnaha meesha ma joogin.

 

Bulshooy, “gari labo nin ka ma wada qoslidee” bal gartaan galoo, afartan qofood ha la sheego; yaa gar leh, yaase gardaran?!

 

W/Q: Abwaan Maxamad Xuseen Faarax

SHEEKOOYIN