Agoonki hooyadii Illaaway Q3AAD W/Q: C/fitaax Maxamed Xaambe

IMG_3559E2-264EEF-F588B1-3014B1-C3C857-F408ED

Agoonka hooyadii Illaaway.

Inkastoo Abyan uurka, ka go’aansatay in aysan nin dambe oori u noqon, raggu kama aysan deyn xod’xodasho iyo in ay u soo hanqal taagaan haweeneydan heybadda iyo hadal wanaagga u dhalatay.

Ninba, inta uu nin, ka hodansanyahay ayuu ayay u soo kala horeyn jireen iney la haasaawaan, haddii ay ka yeeshana xoola ka dhiibo. Si walba waa loo holli waayey. Miyiga halka inta badan lagu kala hadal qaato waa: goobaha kulamada sida aroosyada, Ceelasha xooluhu ka cabaan ama laga magaaleysto, ama ciyaaraha. Abyan inta badan ma tagi jirin goobahaas Goobaha ciyaaraha iyo Aroosyada balse, ceelka waa u adeeg doonan jirtey haddii jilaal lagu jirana dhaan iyo xoola waraab waa u aadi jirtey.

Waa rag iyo xeeladiise, waxaa la billaabey in meel aan ka fogeyn gurigeeda lagu qabto ciyaaro, ayagoo maanka ku haya markii Abyan maqasho jiibta iyo jaanta la isla helay, in ay xagooda soo jalleeci doonto, inta jidbooto. Marka loo eego inta ay u jiraan halka ay ku jabinayaan wiilal jilibyo culus ah, waa tahay arrin aan laga joogi karin, waxaana kaloo jira in aanba laga jiifa karin, jugta dhulka iyo jawiga oo habeenkii aad u dagan. Dhowr habeen markii ay ay dhag jalaq u sii diidey, jiifkana ay dheeraysatay Abyan, ayaa wiil af maal ahaa wuxuu yiri” caawa aniga ha la ii daayo, suugaantayda ayaa goobta keeni doonta Abyan”Wuxuuna yiri:

 

  • Sidii onkod nuur udgoon badan baa
  • Abyaneey aragaadu noo yahayeey,
  • asagaabaa i wax dheertahayoo
  • Abyaneey mar la arag ayaa tahayeey,
  • waxaan orka meel agtaada ahiyo
  • ardaaygaada na keenay waa Arrine
  • Ha aamusine ashaa hadaloo
  • Ajiib dheh farrinta waa alkume
  • Aadyarna Ooda uga soo bood.

 

Habeenkaasna waa lagu hungoobey, in ay heellada timaado Abyan, wiil kii isbidey af maalnimada wuxuu waagu ugu caddaadey ammaanteeda, wuxuuna goobtii ka hulleelay markii ay dhawaaqeen shimbaraha arooryaad, kiiyoo daal maahee aan danahiisa gaarin.

Abyan maaha qof lagu dagi karo dabinnada ay qoolaan rag doonaya in ay damacooda meel mariyaan, wax dan ahna kama ay lahan in nin dambe dirsado(guursado).Waxaa ka go’an inay himiladeeda gaarto, guulna ku ogaato gabankeeda Odawaa,adduun waa wareegto, xilliyadu halkooda ma joogaan, barwaaqo iyo basanbaas midna laguma waaro.

Waxaa la galay jiilaal, daba dheeraadey, Jilaal waa cadowga dadka xoola dhaqatada ah iyo beeraleyda, Jilaal waa foolxumada iyo hantaaqada xoolaha, waa basaasta indhaha oo geed ubax iyo man leh arki maysid, kayn cagaaran oo carfoon, dhul deegaan iyo doog leh, reer miyigu waa la col jiilaalka, balse, waa meerto iyo xili aan alle mooyee cid kale doorin karine.Abaar ba’an oo dhirtu engagtey, dhulku xaab iyo xuluul ka dhammaatey, xooluhuna caato weyd ah la goteen gaajo, baad iyo biyo la’aanina dhacdey oo waxaad arkaysaa reeraha geediga ah ee qoloba dhinacay joogtay, inetey ka quusatay dhanka kale dheef ka raadisay.

Hayaanka iyo geediga dhul dhawr habeen loo dhaxayo oo suugaan iyo dhir magoola lagu sheegay ninkii itaal iyo ciidan lahaa u dooley, arrintan oo kale waa mid wanaag iyo waxyeeloba wadata, oo marka qofku ka dhulyaallo deegaankiisa wuxuu la kulmaa dhibaatooyin kale, in xoolaha laga dhaco in la dilo, maadaama uusan deegaanka ka jirin maamul iyo nidaam ay ku midaysan yihiin, marka laga reebo xeer dhaqameedka ay ku wada noolyihiin.Wanaagna waa laga helaayo, in halkaa xiriir wanaagsami ka unkumo oo reeraha wada degaa iska guursadaan, la xidido, oo wanaag iyo xigaalnimo ka dhalatana waa dhacdaa.

Dadka waxaa heshay kaliil daba dheeraatey oo dad iyo duunyaba gaajo la golangoleen, waxaa nafta iyo niyadaba lagu sasabayey in uu di’i doono gu’ lagu diirsado laguna ilaawo diihaalkii iyo diifta jilaalku dadka baday, waqtiguse mar walbaa mawacnaadee wuu baaqsadey, taasoo ka dhigan in xaalladu cakirantahay.

Geelu inta badan waa ka adkaysi badanyahay duunyada kale, in badan ayuuna biyo moogaan karaa, waa gaadiid meel dheer gaara kuuna qaadi kara inta itaalka yar, wuxuu u kala gooshi karaa geyiga Soomaaliyeed gees ka gees. Ha yeeshe nasiib darro goor hore ayaa gacantooda laga maroojiyey reerka Abyan wixii Guulle geel ku manaystay.Geesleydu (ariga iyo lo’da) maaha kuwa biyo ku nool waxaana la yiraa waa Nugeyl oo ma moogaan kara inta badana waa ku dabar go’aan abaartaan oo kale.

Abyan waxaa intaas u sii dheer in aysan haysan rag ceelka biyaha yar ku garbootama uga shuba, gabankeeduna weli si wanaagsan uma hana qaadin xoogiisuna ma buuxsamin, laakiin dadaal ma aysan yaraysan, waxayna isku dayeen wax walba oo ay islahaayeen waad uga samata bixi kartaan xaaladdaan silloon. Si kastaba oo ay ahaataba, mid ugama harin Idihii, abaartii ayuu ku wada ruqdey, waana gacan madoobaadeen, gacantoodana waxaa ku soo haray waxoogaa Riyo ah, wax aan Riyahaas ahayn kuma tiirsaneen, haatanse meel cidla ah ayey ku soo dhaceen. waa halkii laga yiri”Cidi uma maqna,ceelna uma qodna”.

Abyan markale ayey dib u milicsatey nolol murugo leh, maskaxdeeda awalba waxaa ku daabacnaa sooyaalkeedii nololeed, silicii seygeedii Colaad iyo sidkihii geelaha ahaa ee rag kale suntadey.Abyan waxay is tustey meeshaan in aysan joogis u lahayn, ayadoo cuskanaysa dhowr sababood; waa marka koowaade reer aan duunyo lahayn duurka ma joogi karo, waa mar labaade waxay isdareensiisay in halkaan ku nagaashaheeda aysanba abshir ugu jirin, waxayna ku sheekaysatay: “ wiilkeygu wuu soo koraya, dhulkani, waa mid colaadeed, waa meeshii aabihiis lagu diley, waa rage aarsi ma dayn doono”

Waxayna hoosta ka xariiqdey in ay ka hayaanto. Waa hubanti ma taqaano meel ay afka aadiso(Saarto)Rogrog badan ka dib waxaa u soo baxday in ay dhankaa iyo magaalada qabato, inkastoo aan wax gooniya ugu diyaarsaneen, hadana waxaa naftu u sheegtay in aysan xamaal ka waayi doonin ugu yaraana wiilku ugu bad’baadi doono waxbarashana u heli doono. Abyan dad badan magaalada kama aysan garaneyn, horreyna uguma badneyn tagista magaalooyinka. Waa loo soo baytiyey nin ay ilmo abti ahaayeen oo daganaa magaalada ay u soo tacabirtey.

Heybsi ka dib waa heshay ina abtigeed oo la oran jirey” Hanad” dhab ahaantii nin xun ma ahayn waana soo dhaweeyey, laakin dhibta jirta Hanad ma ahayn nin hanti u dhoobantahay magaalada daarana ugama dhisneyn, laakin biilka ayuu dhacsan jirey. Wuu dadaalay wuxuuna boos ka siiyey magalaada bannaankeeda, halkaas ayeyna gabaad ka samaysteen, maaha guri dhagax ah ama jiingad, ee waa mid laga waxay dhisatay aqal kii Soomaaligana u eg oo oo ka duwan, hoosna Falkooyin iyo ayay ku deyrtey, yacaygana daasado iyo foostooyin ayay ka dhigatay, halka dushana uu shiraac roobka ka celiya u keenay, Hanad, Buul yaroo qurxoon ayay iska dhisteen, bannaanka waab weyn oo dhis iyo caw baar dusha looga dhoobay ayay ka samaysteen.

Siba si ayey dhaantaa, Soomaali ayaana tiri “ Salaadu sey kuu qabato, ayaa loo tukadaa”Abyan maaha mid isdhiibta waana is yaqaanaan gadgadoonka adduun, garashadeenu waa sareysaa, waa ruux aan gadaal eegin ee u gigsatay gaajo iyo golongol intaba.

Mar haddii meel dhaxanta looga gabado la helay, waa in loo guntadaa sidii magaalada looga soo dhacsa lahaa gasiinka nololeed iyo wixii dhuunta la marin lahaa iyada iyo gabankeedu. Waxyaabo badan ayey fooda galisay, balse goortii dambe ayey gamber iyo miis isla heshay, waxayna biloowdey yaanyo gadoow, gacan weyne “Allah” kuma qadin ee waa ka heshaa maalin quudashada ayada iyo wiilkeeda.Reerkii waa dagaan diifteena waa ka yaraatey, Abyan quluubteeda waxaa ku taagan sidii meel sare ay u gaarsiin lahayd wiilkeeda, waxayna gaysay dugsi qur’aan.

 

La soco qaybaha dambe.

W/Q C/fitaax Maxamed Xaambe

xaanbe@hotmail.com

 

 

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.