Agoonkii hooyadii illaaway, Q10AAD W/Q; C/fitaax Maxamed Xaambe

 

IMG_3559E2-264EEF-F588B1-3014B1-C3C857-F408ED

AGOONKII HOOYADI ILLAAWAY Q 10AAD.

 

Odawaa waxaa u billowdey nolol tii hore ka duwan, wuxuu galay marxalad marna uusan maankiisa ku hayn, wuxuu yeeshay asxaab aan tii hore ahayn, waxaa hoy u ah meel aan nooluhu jeclayn, inkastoo ay tahay meel loogu tala galay Aaadami laakiin waa kii mutaysta.

Xabsiyada inta badan waa la isugu xoog sheegtaa, qofkii cusubna soo dhaweyn ayaa loo sameeyaa! haa soo dhaweyn! waxaa u sameeyaa Maxaabiista meesha uga soo horreeyey, laakin maaha soo dhaweyn wanaagsan oo sooryo ama marxabayn wadata ee waa mid hanjabaad, hantaatuqin, hargardaamo iyo haraanti laguugu soo dhaweynayo.

Odawaa ma ahayn nin xooggan ee wuxu ahaa xayeysi ama nin aad u tabar yar oo ay ka muuqato diiftii iyo daqaradii ka soo gaaray daroogooyinkii uu isticmaali jirey awoodna uma lahayn in uu iska caabbiyo raggii uga soo horreeyey xabsiga oo qaarkood ahaayeen rag loo soo xirey falal dilal ah.

Odawaa maalintii uu xabsiga galay, wuxuu la degay nin ka soo jeeda yurubta barri oo dhac, boob iyo kufsi lagu soo xiray horena u ahaa waddamadii shuuciga, adduunkana ugu neceb madoowga, markii loo soo geliyey, waa nin xoog weyn oo askarina ahaan jirey, intuu kuleetiga qabtay ayuu ciraa u qaaday, wuxuuna u sheegay in maanta wixii ka dambeeya uu ka mid yahay shaqaalihiisa weliba uu yahay addoonkiisa, sidoo kale, wuxuu amar ku siiyey inuu urkiisa ka dhaqaajiyo, uu uusan qolka soo gelin isago jooga, haddana uu iska dhaqayo gacmaha uu ku taabtay.

Guuleed waa maqli jirey meelahaana iyadoon waxba kala dhaxay dad midabkiisa neceb, maantase xeruu la galay,   sharci ka celinayaana ma jiro, oo adduunka in maxaabiistu is garaacdo waa iska caadi, waxayna ka mid tahay, ciqaabaha aan la sharciyeyn si uu qofku u dareemo dhibka uu sameeyey wuxuu ku muteystay.

U awood sheegasho badan ka dib,  Odawaa wuu iskala qabsadey qaab nololeedkii xabsiga wuxuuna noqdey nin u hugaansama amaradii kaga imaanayey  kaabbayaasha xabsiga xoreystay ee aysan maxaabiistu ka daba hadlin.

Markii laga soo tago dacdarooyinkii uu kala kulmay dadkii kula xirnaa xabsiga, Odawaa waxaa asaga u dheeraa dhibaato u gooni ahaa maadama ehel, asxaab ama qaraabo ku soo booqata Xabsiga uusan lahayn, wuxuuna dareemi jirey ciil iyo caloolyoow markii dadkoodu u yimaadaan dadka ay xasbi wadaagta yihiin. wuxuuna dib u milicsa jirey barbaarintii hooyadii iyo dayacaaddii uu sameeyey.

Odawaa miisaan ayuu isa saaray, wuxuu is weydiiyey, maxaa kuu diiday inaad ehelkaaga xiriiriso, maxaa kuu diiday inaad sida dadka kale ee Soomaaliyeed sharafta ugu noolyihiin ugu noolaato, maxaa kuu diiday inaad guursato oo ubad iyo oori yeellato, maxaa kuu diiday??? Weydiimahan ayaa is weydiinayey, markuu warcelin u waayona inuu iska ooyo ayay dani ku jujuubtey, Guuleed xaalkiisu waa “ Talo waa mar aad garan weydo iyo mar aad gaari weydo” hadda maanta qol ayuu ku xabisan yahay ma gaari karo, maalin uuse xor ahaa oo dad badan la taliyeen uu ka dhego adaygey baa jirta oo uu garan waayey.

 

Odawaa waxaa la gaaray xilligii ay ugu ekayd ciqaabtii xabsi oo ahayd muddo 15 sano ah, laakin asagaa waa kala dheerayd 150 sano, aad ayuuna u dhararayey in uu mar xeendaabka xabsiga ka baxo. la yaab malahan waa qof xoriyadiisii laga qaadey, noolahana wax walba waxaa uga qaalisan xoriyadda.

Ka dib markii Odawaa u dhamaatey 15 kii gu’ waxay dowladda Holland guda gashay sidii ay dib ugu celi lahayd Odawaa dalkiisii Soomaaliya, waxayna qeyb ka ahayd ciqaabihii ay maxkamaddu ku xukuntay. waxaa muddo kale qaadatey sidii loo sharciyeyn lahaa nidaamkii iyo habkii loo mari lahaa safarkii lagu gayn lahaa dalkiisa hooyo, laakin waxaa ugu dambeyn soo idlaadey hannaankii iyo waddadii looga geeyn lahaa loogana dejin lahaa Muqdisho.

Odawaa oo labada gacmood laga jeebeeyey ayaa la saarey Diyaarad gaar ah waxaana lagu daray ciidamo u qaabilsan dalka Holland dib u celinta dadyoowga, goor subax ah ayey ka degtay garoonka caalamiga ah ee  Adan Cadde ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Nasiib xumo ma jirin cid Odawaa ku soo dhaweysay garoonka, magaalada ama guud ahaan dalkaba, sababa badan owgeed oo laga xusi karo in aan walaal, waalid ama warasa kalaba uusan lahayn, haddii asxaab ay isku dugsi ama iskuul ay ahaayeen ay soo dhaweyn lahaayeenna meelba kuma sheego oo muddo aad u dheer ayuu dalka moogaa xariirna cidna lama lahayn waa tii uu xataa hooyadi gooyey, waxaana u sii dheeraydba in cimrigiisa intii badneyd uu marna maandooriya ku mashquulsanaa marna uu xabsi ku jirey.

Kaga sii darane Odawaa shilin  ma wato, waxaa dani ku khasabtay in uu ka soo lugeeyo gegida diyaaradaha si uu magaalada u soo gaaro. Cadceedda iftiinkeeda iyo dabayshuba waa dhibayaan odawaa waayo waqtigii dheeraa ee uu xabsiga ku jirey looma saari jirin bannaanka waana midda kaliftay in nolosha bannaanka ay nuuc kale la noqoto. Odawaa boorso ama alaabo kale  inuu wato iska daaye xataa dhar ma haysto oo waa arradanyahay inta ugu jirta “xiranyahay” wax uu isaga badalana gacan kuma hayo.

Odawaa markuu yimid bartamaha Magaalada meel uu u, jahaysto ama u dhaqaaqo ayuu garan waayey, dhinac walba markuu eegay, waxay la noqotey in uu yimid magaalo uusan waligiis dhaayaha saarin, isbadal dhinac  burbur iyo dhismayaal cusub isugu jira ayaa ka dambeeyey, hal qof oo uu waji garanaya indhihiisu kama dhicin! Dhafakaar, dhaygag iyo yaab ayaa ka soo haray, dhafoorka ayuuna gacanta saartay.

Waa hubaal in Odawaa xoriyadiisii dib u helay, laakin xoolo ma hayo, xeelad uu ku shaqeysto malaha, xirfadna ma baran, xoog uu ku xamaashana kuma jiro oo waa nin xabsi iyo xaalado dhib badan soo daadhadeen.

Horaa loo yiri; “ Salaadi say kuu qabataa, loo tukadaa.” Odawaa waxaa dani baddey inuu ku biiro darbi jiifka magaalada. Da’diisa dadka ah kuma badna dadka gidaarada jiifta oo inta badan waa dhallinyaro, laakin asaga waa waddada kaliya ee u furneyd. Wuxuu faquuq kala kulmay ciyaalka darbi jiifka ah waasa u dhabar adeegay sidii ay isku fahmi lahaayeen, waxayna wax uga ogolaadeen xabagta kollada ay dhuuqaan taas oo ka caawisa in ay isku illaawsiiyaan dhaxanta, dhamacda qoraxda iyo dhibka nolodha ay ku jiraan.

Odawaa wuxuu ku noolyahay reereebka maqaayadaha ay daadiyaan habeenkii markay alaabaha xalanayaan iyo wixii uu ka helo dad waddooyinka maraya oo uu gacanta u taagto “ Tuugsi.”

Odawaa asagoo jiifa gidaar/darbi aan saas laamiga uga fogeyn ayaa waxaa dhacay qarax lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo la bartilmaameedsanayey waxaana soo gaaray qaraxii goobtuu jiifay  darbigii oo dhaxanta uga gabanayey iyo asagiiba dhulka ayey isla galeen. Odawaa nafba lama soo gaarin kooxihii gurmad ee goobta yimid, maydkiisiina cad lagama helin oo wuxuu ku milmay burburkii qaraxa iyo dhagxaantii.

Odawaa meeshuu ku dhashay waxaa ogeyd hooyadiis, oo ku faraxday, balse, meeshuu ku dhintey cidina ma ogeyn, waayo isagaa baylihiyey oo ilaaway qofkii ogaan lahaa, Odawaa hadduu hooyadii xariir wanaagsan la yeelan lahaa, dhibkani ma gaareen oo ehel iyo aqooninba ma waayeen, wuxuuse tuurey furihii keliyaata ee uu dalka iyo dadka ku soo geli lahaa.

Ugu dambayn silic iyo saxariir ka dib wuxuu si xun ugu dhintay iyadoon cidina ogeyn, dareensanayn, ka murugeysneyn, tabaynin.

Noloshu waa geed,   geedku waa midabeeya, Mar waa   doog iyo cagaar, Hoos, Ood iyo miro leh, marna waa laamo qalalan oo abaari heshay hase yeeshee laga dhursugayo in beri hadduu roob helo la heli doono waxtarkiisa, marna waa Dogob qalalay oo dab iyo xaabbo ayaa laga dhigtaa, marna iyadoon intaas midna laga helin ayaa intuu iska jabo xar gala wuxuuna u burburaa sida buunshada wuxuuna ku darsamaa ciida, geedkaasi wuxuu noqdaa mid aan laga helin waxtarkii dhirtu lahayd, Odawaana wuxuu noqday geedkaas oo kale.

 

Dhammaad.

 

C/fitaax Maxammad Xaambe

Xaanbe@hotmail.com

SHEEKOOYIN