Agoonkii hooyadii illaaway, Q6AAD W/Q; C/fitaax Maxamed Xaambe

 

IMG_3559E2-264EEF-F588B1-3014B1-C3C857-F408ED

Agoonkii Hooyadi Illaaway Q6AAD.

 

Odawaa waxaa loo gudbiyey goobta “Xero” la geeyo dadka soogalootiga ah ee aan waliba ku soo galin dalka nidaam ogolaasho, si ay u dalbadaan codsi qaxootinimo.

Odawaa oo safar iyo Socdaal dheer oo dhib badnaa soo maray ayaa markii la geeyey qolkii iyo gogoshii loo asteeyey inuu si ku meel gaar ah ugu sii Madbeeyo/hakado ayuu hurdo la dhacay waxayna ku qaadatey ku dhawaad 24 saac inuu soo tooso.

Odawaa waxaa lagu war-galiyey inuu u diyaar garoobo wareysi iyo xaduur la weydiinayo waxyaabo badan oo ku saabsan noloshiisa tii hore iyo tan keentay inuu dalkan magangalyo weydiisto, waana habka iyo hannaanka u degsan inta badan dalalka Adduunka, si loo ogaado inuu u qalmo qof qaxooti ah, loona eego codsigiisa daganaasho ee uu Holland u gudbistay.

Maaha arrin fudud in laguu aqoonsado qaxooti ama maganyalo doon dhab ah, waxaana ka sokeeya dhowr wareysi iyo caddeymo looga baahanyahay inuu keeno qofka codsanaya deganaanta iyo ogolaanshiiyaha dalalka bixiya magangelyada. Odawaa asagu ogaal sidaa u buuran kama uusan haysan arrimaha la xariira codsiga qaxoontiga iyo magangelyada iyo dhibka laga maro arrinkaas, si loo helo ogolaanshiiyo, werwerka iyo walaahoowga, diidmada iyo digashada taalle, eek u xeeran dadyowga ka soo hangagaarey dhulkoodii, waxaasa maankiisa ka guuxayey in haddii uu mar cagaha dhigo ciidda reer Galbeedka wax walba madaxiisa iyo majahiisa yihiin. Maaha fikrad u gooniya asaga hase yeeshee in badan oo naga mid ah ayaa rumeysnaa haddana rumeysan oo malahdoodu yahay.Horaa loo yiri;“Alloow qof aan wax ogeyn ha caadaabin”.

Weydiimo iyo wareysiyo badan ka dib, markii lala yeeshay ayaa lagu yiri; “ Naga war sug, go’aankii aan kaa gaarno waan kula soo socodsii doonnaa”. Odawaa dharaar walba wuxuu dhowr mar soo eegi jirey halka waraaquhu  kuu dhacaan, jaqaf walba oo dhagahiisu maqlaanna wuxuu moodi jirey xaashi xog xambaarsan kana socota Laamaha sharci bixinta ee uu wacaalka ka sugayey. Sidoo kalana qofkii  soo bidhaama oo dhaayihiisu qabtaan ee dhogor cad wuxuu u malayn jirey in uu dhambaaal u wado.

Abyan xaaladda wiilkeeda Odawaa waxay ula socotaa si wanaagsan, waxayna habeen iyo dharaarba afka ku haysaa duco iyo Alla bari. Kama daasho ku noqnoqoshada  culimada diinta, waxayna ka dalbataa in shar iyo Sheydaanba  looga quraama akhriyo wiilkeeda.

Odawaa inkastoo hooyadii kala fogaadeen, haddana wuxuu rajo  ka qabaa in ay mar uun dib u midoobi doonaan, wuxuuna  u sheegaa mar walba oo ay wada hadlaan in uu soo dhoofi doono haddii uu sharciga helo, xaqna uu dalkuu joogo ugu yeelan doono in hooyadi loo keeno. Ballamo badan oo oofintooda looga fadhiyo ayuu horey u galay, sida inuu XAJKA gayn doono hooyadi iyo ninkii abtiga ugu aadanaa ee Hanad oo asagu magaalada ku soo dhaweeyey berigii ay miyiga ka soo galeen ahna ninkii siiyey boos/dhulkii loo iibiyey Odawaa ee uu ku soo dhoofay.

Odawaa oo Muddo sugayey war celin kaga timaada laanta socdaalka ee    dalka Holland ayaa maalin Isniin ah u dhaqaaqey bal in uu dhugto Sanduuqa waraaquhu ku soo dhacaan. Markuu gacanta galiyey wuxuu daf soo yiri  waraaq ku dhigan afka dalka looga hadlo, wuu furey laakin waxba kama uusan fahmin fariinta ay xambaarsantahay. Durbadiiba wuxuu la beegsadey guriga mid ka mid ah asxaabtiisa oo dalka uga soo horeeyey. Markii uu saaxiibkiis dul maray dulucdii dhambaalka ayuu si murugo leh ugu sheegay in loo diidey sharcigii, laakin uu racfaan ka qaadan karo, wuxuuna ugu beer qaboojiyey in aysan diidmada koowaad dhib lahayn ayna tahay wax badanaa lala kulmo, welina uu fursad wanaagsan leeyahay. Wuxuuna ku yiri “ Saaxiib ha niyad jabin, waad guulaysa doontaa marka xiga”.

Odawaa la yaab ayey la noqotey diidmada loo soo tuurey, werwer iyo walaac horleh ayaa ku  soo kordhey. Wuxuu xariir la sameeyey hooyadi Abyan una sheegay arrinta soo cusboonaatey. Waloow Abyan ay aad welweshay  markii wiilkeedu u sheegay wixii dhacay, warkii waxay ku soo koobtey kulana dardaarantay  Odawaa “ Wiilkeygiyoow, Weyne wehesho wax walba asaga ayaa awoodee”.

Odawaa wuxuu guda galay inuu racfaaan qaato, markale ayuuna dib u xareeyey codsi la xariira in la qaabilo loona aqoonsado qaxooti, wuxuuna ku doodey in uu mudanyahay in la caawiyo maadaama dalkiisii uu naftiisa kala soo cararay. Wuxuu gacan ka helay qaar ka mid qolooyinka u dooda xuquuqda soo galootiga waxayna u qabteen garyaqaan. Maxkamad ayuu maray Odawaa oo garab ka helaya garyaqaankii loo qabtey. Dood iyo fadhiyo badan ka dib waxaa loo ogolaadey daganaashihii Odawaa.

Abyan iyo wiilkeeda waxaa u soo iftiimey yididiilo waxayna si wada jir ah qalbiyada ugu aabuurnaa hiloow aan la soo koobi karin.Odawaa waxaa aqal uu ku noolaado laga siiyey mid ka mid ah magaalooyinka dalka ugu waaweyn, waxaana fursad loo siiyey in uu waxbarto shaqeystana haddii uu doono. Maadaama Odawaa uu ahaa wiil da’ yar wuxuu si sahlan ula qabsadey afkii iyo dhaqankii wuxuuna la xirtey  dhalin yaro da’diisa ah oo isugu jirey kuwa dalka u dhashay asal ahaan iyo kuwa waaliddiintood soo galoon oo lagu dhalay carriga Holland.

Maah-maaah ayaa ahayd; “ Dad kaa badan iyo biyo kaa badanba waa ku qaadaan”. Odawaa waa la duufsadey, waxaana loo dhigey duruus aan  ahayn kuwii lagu soo barbaarshey ee wanaagsanaa.  Waxa uu faraha la galay camallo sheydaan, wuxuuna billaabey balwado xun oo laga taaban Mukhaaddaraadka. Waxaa yaraadey xariirkii badnaa ee uu la samayn jirey hooyadi, markii ay la  soo hadashana malaha baarrinimadii ay ku taqaaney iyo hadal macaanidii toona.

Abyan waa dareentay in wiilkeedii wax iska baddaleen, laakin kama aysan daalin in ay ducada badiso si uu mar uun xeyndaabka wanaagga ugu soo laabto. Maalinba, maalinka ka dambeysa Odawaa waa sii fogaanayey waxaana gebi aahanba go’ay Xariirkii ka dhaxeeyey, wuxuu badashay dhammaan meelihii ay ka soo wici jirtey, in uu asagu raadshana warkeedaba daa.

Abyan Waxay diiradda saari jirtey sidii ay mar uun warkiisa u maqli lahayd. Dad badan ayey fariimo ugu soo dhiibtey, laakin Odawaa dhag jalaq uma siiyo. Waa beer wax dhalee dadka ayey ka xuuraansataa xaalka wiilkeeda, waana loo  sheega hadba siduu ku suganyahay. Dad horaa yiri “ Laba kala baridey kala war la”. Asna wuxuu hadba dhinac u roorsanayaa balwad iyo baacsi haween, hooyadina waxay besteed u tahay oo la balanbashay una basaastey muuqiisa iyo maqalkiisa.

Maanso uu Abwaan Hadraawi ka sameeyey dhacdo tan la mid ahayd ayaan u soo xushey sheekadaan. Waxaadba moodaa in maasadaan ay ka soo burqatey Abyan.

 

  • Hunguri calafbaa xukuma
  • Hantina dhaqanbaa shushuba
  • Dadkana hiddihiisa guud
  • Wixii la hayaa dhexyaal
  • Xaq iyo u-hal-buuxintiisa
  • Habboonkiyo waalid tiisa
  • Hilbiyo ku-arooridooda
  • Siduu uga hawl yaraysto
  • Halmaan laga yeeli maayo
  • Hawiyo tumashoy dhashayda
  • Ka daa gacan-haadiskaaga
  • Barbaar hanaqaad ku leexday
  • Duciyo habaar qaadan waayey
  • Cir iyo heeguu noqdaa
  • Hadhaysa dhul aan aqoone
  • Hoygii madhan wiilashiisa
  • Haween dumar baa ka sheegta
  • Hablaha kacaybaa u yeedha
  • Haldhaa jecel baa u qaybsan
  • Inaan hadlo maan sugaynin
  • Baxnaanana maan horjoogsan
  • Hubsiinana maan illaawin
  • Hoggeediyo xaajadayda
  • Dareenka haloosigiisa
  • Hugiisa inaan ka qaado
  • Hayaanka fogaaday baa leh.

 

  • Markaan cidla hiil ka waayey
  • Naftayda halaanhalkeeda
  • Waxaan huri waayey sheego
  • Haantii lulatay dhegayso
  • Hoobaanta agtaada taalla
  • Hadiinadu baadi weeye
  • Hashii korisaa u ciillan
  • Qofaad halab-saariddiisa
  • Daryeelka horseedadiisa
  • Dedaallada heensihiisa
  • Habeenna ka seexan weydey
  • Ku meel maray heegantaada
  • Markuu hagar kuu banneeyo
  • Dharaar ku haleeli waayo
  • Hortaada waxaa yimaadda
  • Sidaad ugu heellanayde
  • Harraad iyo waa kalkiise.
  • Hillaac baxayow dhegayso
  • Siday talo kaaga hoostay
  • Calooshu intay ku hoysey
  • Hiyigu ku baxnaaninaayey
  • Horraadka intaad jaqsiisay
  • Dhabtaydu intay ku haysey
  • Intaad huwanayd taftayda
  • Hobeeya hobey hobeyda
  • Intaan dusha kuugu heesay
  • Intaan hanad kuugu yeedhay
  • Hawraaraha kugu ammaanay
  • Intaan hubin kuu xambaaray
  • Dartaa u hoggaansanaaday
  • Hadhuubada aan ku siiyey
  • Habniin adigoo ku diidey
  • Intaan hambo kuu daboolay
  • Hammuun iyo gaajo qaatay
  • Adoo haqab-beel ku seexday
  • Intaan hurdo kuu illaaway
  • Ilaashay hareerahaaga
  • Hungaa i xasuusinaysa
  • Hayaydana meel shishaa leh
  • Hiloowga naftaa aloosan
  • Kashaa hinqanaysa goorba’an
  • Hankaa i waraysanaaya
  • Tolow hebel mee ku foogan.
  • Aniyo hirashaa is weyney
  • Higsiga noloshaa adkaaday
  • Adduun iyo haybsigiisa
  • Hangool li’idaan ku daayey
  • Waxaan ku hagaagi waayey
  • Dhankaad ku hagaagsanayde
  • Adoo ka hanweyn xaggayga
  • Qof kuugu hanweyn dantiisa
  • Cid aad ku hallaysay mooyi!
  • Halyeynnimadaada sheelan
  • Habawgiyo dhiirintiisa
  • Ayaan halis kuu tusayne
  • Intaan kugu hawlo-daaley
  • Intaan kugu hoodo-sheegtay
  • Intaan hebla’ kuugu faanay
  • Hilaado fog bay lahayde
  • Inaan hafarkaaga qaato
  • Sidaad ku heshaa da’ weyne
  • Adiyo habigaaga mooyi!
  • Habaaska inaad cantuugto
  • Adoo hanadaan ka dooratay
  • Xaggayga hibaan ku saaray
  • Anigu ku habaari maayo
  • Huqbaase ku raadinaysa
  • Hibaaq xalan maad ahayne
  • Hufnaanta dhibtii abuurtay
  • Inaanay hadhayn yiqiinso!
  • Hawaala adduun rabbaa og
  • Dadkuna kala hoodo weeye
  • Haddeer iyo tii haddeer
  • Hadhow iyo tii hadhow
  • Hoosiyo sare tii ku raacda
  • Anuunbaa hooyadaaya.

Abyan utuntii iyo uur ku taaladii ay ka qaaday aanfada la soo daristey wiilkeeda ayaa xanuuno ku reebay, waxaana u sii dheeraa dhaqaalo xumo iyo dheef yari, waxay noqotey dhul yaal, waxaa la dhigey Isbitaal, miirkeedu ash maaha. Geeridii iyo goortii ay teedu ku ekayd ayaa la gaaray, waana geeriyootey. Waxaa xabaalaha la geeyey ayada oo aysan joogin xigto ama xigaalo dhanka ciidda ku dhigta. Waxaana asturey dariskii oo goostey in ay waajibka iska ridaan.

 

Dhowr gu’ ka dib markii ay go’dey Abyan ayaa waxaa la kulmey Odawaa nin aydaris ku ahaan jireen dalkii hooyo kana war helay dhiilada iyo dhimashadeedii, wuxuuna dhagaha Odawaa ku dhibciyey in hooyadii galbatey.

La soco qaybaha kale.

 

W/Q C/fitaax Maxamed Xaambe

xaanbe@hotmail.com

SHEEKOOYIN