Agoonkii hooyadii illaaway, Q9AAD W/Q; C/fitaax Maxamed Xaambe

 

IMG_3559E2-264EEF-F588B1-3014B1-C3C857-F408ED

AGOONKII HOOYADII ILLAAWEY Q9AAD.

Inkastoo Odawaa uusan la dhacsaneyn in haweenayda ula timid haawasaha iyo hammigii jaceyl ee ay u qaadey inuu naftiisa u hibeeyo, haddana danta ayaa u run sheegtay oo wuxuu ku jirey xaalad ay adagtahay qofka ku jiraa inuu wax diido ama doono. Murtibaa waxay dhahdaa ” Faqiir dookh maleh”. Odawaa haatan waa nin aan Dookh iyo doorasho lahayn, waxan uuna ku khasnabaadey inuu aqbalo dalabkii haweenayda, waayo? Waxay ka mid tahay shaqsiyaadka ugu sareeya shabakadda maandooriyaha ee ah isha kaliya ee uu ka helo nolol maalmeedkiisa iyo balwadiisa, wuxuuna isdareensiiyey haddii uu ka hor yimaado dalabka haweynaydaas in uu meel cidla ah ku soo dhici doono.

Odawaa waa nin dhex sabaynaya badweyn oo aan haddana dabaal aqoon, maan iyo maskax ahaan maaha nin deggan, waxaana uur ku taallo ku reebay geeridii hooyadi iyo gefkii uu galay, Odawaa maaha nin u dhashay xumaan ama geed qaraar ee waxaa la tagey dabeyl dhalinyarinimo. waa halkii laga yiri ” Labaatan jir intuu geed ka boodo ayuu talana ka boodaa” taas oo ay u dheerayd kala fogaashana dhaqan ee dalkii uu ka yimid iyo kan uu soo magansaday. Odawaa intii uu joogey dhulkii hooyo uuna dhiganayey Dugsi QUR’AANKII iyo Iskuulladii kale ee waxbarasho maalin lagama soo caban, dharaar qurana hooyadii wax dhiba muu dhihin. Laakiin wuxuu ahaa wiil ka sheegan inta aynigiisa ah ama ay isku gu’ ahaayeen, qof walba oo yaqaanna wuxuu laabta iska oran jirey ” ALLA hooyada dhashay waa nasiibsatey, baarisanaa” mar walbana waxaa hooyadii Abyan soo gaari jirey ammaanta Odawaa waana ay ku uur qabooji jirtey wanaag walba oo looga soo wariyo.

Waxaa laga yaabaa in ay maankaada ka guuxayso waydiin ah; hadduu saas ahaa markuu joogay ciiddiisii, maxaa baddalay markuu ka soo fogaadey? waa waydiin meesha ku jirta, una badan in ay ku soo degdegto qof walba oo daalacanaya sheekadaan. waxaasa is xasuusin u baahan maahmaah ka mid ah kuwa Soomaalida lana dhihi karo waxay ka mid tahay kuwa ugu miisaanka culus. waxay leedahay ” Dad kaa badan iyo biyo kaa badan ba waa ku qaadaan.” Mid kale oo aan ka dhicin ayaa ah; ” Dariskaa, intaan caddaan iyo madoow ahayn waa ku qaadsiiyaa.” Runtii haddii aad u kuur gasho Af-keena hooyo iyo hoga tusaalaynta ka buuxda waxaad xaqiiqsanaysaa in wax walba oo ku xeeran nolosha iyo waayaha nololeed ee Aadmiga u dhanyihiin.

Dhanka kalana waxaaba la dhihi karaa qofkii ku dhaqma una hoggaansama digniinaha iyo wacyigelinta uu xambaarsanyahay Afkeenna guunka ah in uu ka badbaadayo halista badan waxaana uga kordhaya aqoon iyo ogaal badan.Odawaa wuxuu si buuxda ugu gacan galay haweenaydii ka mid ka ahayd madaxda shabakadda maandooriyaha iibiya. Waxaa taaba galay wax badan oo ay ku taamaysay haweenaydu, waxaana u suurta galay ujeedooyinkeedii ay awalba ka lahayd Odawaa, oo laga xusi karo in ay asaga u dirto meel walba oo u baahan in laga gudbiyo daroogooyinka. Odawaa dalka Holland oo kaliya kuma uusan koobneyn, laakiin wuxuu u kala gooshi jirey dalal badan oo ay ka soo dhoofsan jireen ama u dhoofi jireen muqaadaraadka.

Muddo markuu ku dhex jirey kala daabullidda, kala daad guraynta, kala dalaalista, kala dirista iyo kala dabarista daroogada ayaa la gaaray maalintii uu dabin halis ah dhexda dalaq ka dhihi lahaa. Waa maalin ka mid noqon doonta maalmihiisii madoobaa ee uu horey u soo maray, mase oga, mashaqada ku soo fool leh, mana mooga in waxyaaba mamnuuc ah uu faraha kula jiro, macquulna ay tahaay in mar uun qoorta la soo qabto, laakiin asaga uma muuqato haadaanta uu ku sii socdo, waana halkii ay Soomaaliyu ka tiri; “ Nin meelu u caddahay, meelu ka madoow.” Waxaa laa dhihi karaa naftiisa balwadda u daacadda ah ayuu daba ruclaynayaa, wuxuuna u raacaa hadba halkii ay u jahaysato. Talo iskuma kaa sheegto.

Waxaa dhacdey iney is qabteen haweenaydii uu saaxiibka la ahaa iyo ninkii lahaa ugu hantida iyowadaagga badnaa ee mareegtan maandooriyaha, muran xisaabeed badan ka dib, waxaa laysku dayey in la khaarajiyo haweenayda,   balse, waxaa ka badbaadiyey ciidan ilaalo u ahaa iyo jaallayaasheeda kale, haweenaydii waxay go’aan ku gaartey inay ninkaas jilbaha dhulka ugu dhufato, waxaa usoo baxdey, ganacsiga ugu weyn ee uu leeyahay oo markaas ku maqnaa   Odawaa kana keenayey waddanka Kolombiya iney ka sii digto, iyadoon is caddeyna booliiska u sheegto,   waa   lama filaane, Odawaa kama war hayo waxaa dhacay wuxuuna ka soo laabtay, Socdaal uu ku maqnaa muddo.

Odawaa wuxuu u socdaaley si uu dalka u soo galiyo Maandooriye, uu dalka Kolombiya ka keenay, laakiin, isagoo laga warhelay ka dib nasiib xumo, waxaa gacanta ku dhigey ciidanka Police Holland, asagoo wada Daroogo aad u badan oo uu ka keenay Kolombiya oo ka mid ah waddamada aad looga beero ee  Laatiin America. Waxaana loo taxaabay xabsiga, Sharciyan dalalka Dunida qofkii lagu qabto ka ganacsiga Xashiishadda ama asagoo dalka soo galinaya wuxuu la kulmaa ciqaab adag wuxuuna mutaysan karaa xabsi dheer. Waloow ay jirto in Holland ay ka mid tahay dalal faro ku tiris ah oo dadka loo ogol yahay in yaroo kooban “personal use” waa qaddar aad u yar oo aan dhihi karno waa in ku kooban wax hal mar la isticmaalo. Lakiin marnaba sharci maaha in laga ganacsado ama lagu arko qofka Xashiish badan.

Odawaa markii asxaabtiisii ay shabakadda ka wada tirsanaayeen ama uu u, shaqaynayey ka war heleen inuu af libaax galay, waa kala yaaceen, in gacan loo fidiyo iskaba daaye, Haweeneydii ay dad isugu dhawaayeen oo majaraha u haysay iyadaa naftiisa halistaan u horseeday, waa ay ka dhuumatay, ayadoo ka cabsi qabta in baaritaan haddii la sameeyo in raad soo galo, lagana daba geeyo Odawaa, inkastuu islaha qareenno ayey kuu qaban doontaa, waxay noqotey mid garabkiisa ka baxday wax caawinaad ahna kama uusan helin.

Odawaa 24 saac ka dib markii la qabtey waxaa la geeyey maxkamad, waxaana la dhagaystay dacwadii ka dhanka ahayd. Waxaa ku caddaaday dacwaddii loo haystay, waxaana ka mid ahaa dadka ku marag furey haweenaydii uu saaxiibka lahaa, taasoo weliba sheegtay inuu xoog ku haystay oo kufsan jirey, ayna ka baqaysay, Arrintan oo la yaab iyo amakaag ku noqotey, Odowaa uuna u qaadan waayey. Odowaa ayaan wax dood ah gelin, dhammaana qirtey dambiyadii lagu oogey isagoo dunida iyo nolosheeda ka niyad jabay.

Kadibwaxaana la keenay waxyaabihii lagu qabtay. Odawaa waxaa lagu xakumay 15 sano oo Xabsi ah. Waxaasa ka sii daran ciqaab dheeri ah oo la marsiiyo dadka asal ahaan aan u dhalan dalka lagu maxkamadaynayo ama awal soo galootiga ku ahaa, xataa haddii ayagu ku dhasheen ee waalidkood uu dalka yimid, ciqaabtaas oo ah in dib qofka loogu celiyo halkii asal ahaan uu ka soo jeeday. Qodobkaas ayaa qabtey Odawaa wuxuuna garsoorihii ku xakumey in Soomaaliya loo celiyo ka dib markuu soo laasto ama ka laaco 15 ka sano ee xabsiga ah! La gala noqdana sharciga dalka uu ku joogo, taasoo ka dhigan in uusan dib dambe u imaan karin Yurub, hadduu dib u soo tahriibi lahaayna, farahiisa oo ku astaysan dambiilenimo ayaa la galiyey aaladaha faraha lagu kaydiyo, waana soo baxayaan meel walba oo Yurub ka mid ah haddii uu isku dayo inuu sharci ka codsado.

Odawaa 15 ka sano ee xabsi waxaa kala xanuun badnaatey in dib loogu celiyo Dalkii oo weli ka jiraan duruufihii ka soo wadey, waxaana u sii dheer in uu gacan maran yahay, oo mood iyo nool midna uusan uga horeyn gayigii Soomaaliyeeed, gacal iyo xigaalana haba sheegin, oo waa tii god gashay hooyadii uu madiga ku ahaa, aabbihiina wuxuuba geeriyoodey asagoo caloosha hooyadi ku jira waana sababta magacaan Odawaa loogu baxshay.

Horaa loo yiri “ Ku qabatey iyo qadar Alle waa la qaataa.” Odawaa ha ka naxo ama ha necbaado laakin maaha mid uu wax ka badali karo go’aanka maxkamada, waxa kaliya ee la gudboon waa inuu shalaayaa, naftiisana uu eedeeyaa, laakiin maaha arrin wax ku soo kordhinaysa, malaha inuu uurka adkaysto ahaa loo qaatey.

La soco qaybaha dambe.

La soco qeybaha dambe

W/Q C/fitaax Maxamed Xaambe

xaanbe@hotmail.com

SHEEKOOYIN