Agoonkii Hooyadii Illaaway Q1AAD W/Q C/fitaax Maxamed Xaambe

IMG_3559E2-264EEF-F588B1-3014B1-C3C857-F408ED

Agoonkii Hooyadii Illaaway.

ODAWAA wuxuu ka soo jeedaa qoys Reer miyi ah, oo noloshoodu ku tiirsantahay, xoolaha dhaqasho waa qoys raacato ah, saddexda meesi ee xoolaadna weynuhu ugu deeqay, Geel, Ari, Lo’ iyo gammaanba waa u joogan, waxayna wax la qabaan nolosha dadka meeshaas kula noolan oo wada raacato ah intooda badan, Aabbihii waa nin bulshada dhexdeeda magac ku leh waxaana la yiraahdaa Colaad,  waxaa Hooyadiisna la oran jirey “Abyan”.

Colaad wuxuu Abyan ka dhiibey Yarad ( xoolo) aad u badan marku reerkooda u doontey, geelaas oo ku dhawaa 50 Halaad! reerka Abyan dhalayna si wanaagsan ayay ugu guuriyeen oo dhibaadii sodoheed iyo diiqaba waa isugu soo dareen,maadaama gabartooda geel badan laga bixiyey, sidii dhaqanku ahaa.

Gabarta haddii xoolo badan laga bixiyo, waxaa la raacin jirey, dhibaad badan Sababtuna waa dhaqanka berigaas oo saas ahaa, tii oo ay u dheerayd Abyan in ay ka dhalatay Reer Wanaagsan, Wax iska celin, Wada noolaasho iyo war aqoonimo kulansaday. Shaqsi ahaanteedana waxay ahayd Qof ka sheegan Deegaanka Haddii ay ahaan lahayd qurux iyo qaayo intaba.

Qiyaastii muddo sanad ah markii ay isqabeen Abyan & Colaad, ayaa deegaankii waxaa ka dhacay abaar iyo jiilaal ba’an iyo roob la’aan taasoo kaliftey in laga hayaamo halkii beeshu daganayd, maadaama baadkii iyo Biyihii cariiri) galeen. Wax la sii guuraba waxaa geeddigii lagu furey dhul aan biyo iyo baad la’aan toona ka jirin, cosob ah, carro san ah, naqa iyo nagaarkuna saameeley, waa dhul inta dayrtiina u samaatey, gu’giina ku laba lixaadsaday, faraqa iyo daba muluclaha dhirta ka laalaada ayaa dhulka xaabaya, maadha iyo dureemaduna waxay gaartey nin joogii, cawska iyo cayada isku baxay ee dharabku meel cag la saaro lahayn, yamaaruga iyo dhulkaa dooga yaalla.

Horaa loo yiri “Nimca weliba Nusqaanteeda leh” Dhulku waa mid Colaadeed, waa meel laga cabsadey, waa Furin looga kala cararay dagaal. Waa aaf aan cidna isku aamineyn, waxaa loo yaqaan deegaanku markuu sidan oo kale noqdo, colaad darteedna dhirtu sidan u hawrto “ Waranbixi

Colaad ma mooganeen arrintaas, balse, wuu ku dhiiradey waayo wuxuu ahaa nin aad u xoolo jecel geesi aan gabbanna ah!Wuxuuna doorbidey intii xoolahiisu uu ku furi lahaa guri diq ah oo dulin leh, ama abbaartii uu ka soo hayaamey oo kale xooluhuna uga dhammaan lahaayeen oo ku cayrtoobi lahaa inuu halkaa reerkiisa ku furo, eebbana talo saarto, wixii u yimaadna iska dhacsho, col iyo ciidanba.

goor galab ah oo cadceeddu cirifka godka la sii galayso, kaaheedu weli joogo balse inteeda badan hoobatey, waa marka xoolaha qofka meesha uu joogo ka soo duubo ee caraabada iyo carceersiga hoyaatinku billowdee, iyagoo kuraydii geela la jirey, Colaad iyo Cabsiiye oo walaalo ah ay geela golaha (xerada)u soo wadaan ayaa waxaa dhexda u galay, qolo gaade ah, waxaana ku billowdey dirir kedis ah oo lama filaan ah.

Colaad(Odawaa aabihi) iyo walaalkii Cabsiiye waxaa halakeeyey raggii soo weeraray, waana lays mutey, Colaad waa nin lafaad iyo jimmaad u dhashay, dagaalyahana ahe, markiiba intuu boodo qaaday, ayuu geed salweyn hoostiisa ka galay difaac, Cabsiiyana geed xagar ah oo humbulan ayuu hoosta ka galay, waa laba nin iyo rag ku dhawaad toboneeyo ahi, waxay is caabiyaan, ragna waa ka dhaawaceen nina waa ka dileen.

Dagaalka waxaa soo qaadey waa rag ilaaleystay oo colaad iyo utun horre kala dhaxeysay reerkooda, waa dagaalameen Colaad iyo walaalkii Cabsiiye, balse, waa la hareereeyey, waana la dhabar jebiyey, taasoo sababtey in ugu dambeyntii waa laga gacan roonaadey. waxaana saas lagu diley Colaad iyo walaalkiis oo ahaa wiilka kaliya ee la dhashay. Geelii iyo Senge uu taxaabayey Cabsiiye oo u ahaa gaadiid iyo labadi QORI oo ay wateenba waxay galeen gacantii colka duulaanka soo qaadey.

Abyan(Colaad Xaaskiisii) Halkaas ayey ASAAY(Hengal) ku qaadey kuna waysay ninkeedii iyo waliba dumaashigeed. inkastoo arrin aad u xanuun badan dhacday wixii xoolo iyo dad reerku lahaayeenna laga gacan madoobaadey, haddana waxaa jirtey arin la dhihi karo ahayd Ayaansamo iyo cawo taasoo ahayd Abyan in ay uur lahayd.

Murugo iyo mugdi badanka dib, Abyan waxay go,aansatey in ay nafta ku   sabarsiiso ubadka caloosheeda ku jira oo aysan ogeyn wiil iyo gabar midka uu noqon doono, iyadoo nafta iyo nabdiga u sheegaysey inuu noqon doono wehelkeeda rumaad, waxay Nolosheeda ku maarayn jirtey xayn ARI ka hartay wixii xoolo Reerku lahaa.Abyan waxay la daalaa dhacdaba noloshii adkeyd ee isku darsatay kallinimo ciil iyo tiiraanyada iyo Itaal yari ciidanba, waxaa habeenkii dambe u dhashay wiil, wiilkan oo loogu wanqalay ODAWAA.

Maalintaas ay umushay Abyan waxay u ahayd aalintii ugu Farxadda badneyd! waxaana Farxadeeda heerkaas gaarsiiyey miyiga iyo dhaqankii Soomaaliga oo ahaa mid wiilku gabdhaha kale tixgalin badnaa. waxaa kaloo la dhihi karaa Abyan farxadda waa ugu wacnayd maadaama ninkeedii uu dhintay ciidan iyo cid u caawisa, bah iyo bililiho aysan haysan waxaa halkaas uga soo bidhaamey, iney nafta ugu sheekayso, maanta keli ma tihide waxaad haysataa wehelkii rumaad.  Aad bay ugu han weyneyd, inuu in uu wiil noqdo canuga caloosheeda ku jirey ee ah dhaxalka kaliya ee ay kala hartay SAYGEEDDII COLAAD.

La soco qeybaha kale

 

W/Q C/fitaax MAXAMED XAAMBE.

xaanbe@hotmail.com

 

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.