Agoonkii indheer garadka ahaa! Q2AAD W/Q: Bashiir M. Xersi

11050945_874761502567054_1962156517_n

Agoonkii indheer garadka ahaa! Q2AAD

 

Markan u kala dhigdhigay waxa wiilka ka hadliyey, ayaan ku iri;

“Waa ayaan wanaag iyo ayaandarro isu huwan, oo mar isaga aabbihii waaba geeriyooday, oo ah ayaan wanaag, maadaama uusan ifka joogin, meel kalana uga maqnayn, haddana, waa ayaandarro, oo waxaa ka maqan foolka aabbennimo! Waa laba kala daran”.

Markaa bay madaxa luxday, sidii iyada oo u riyaaqday hadalkayga, dabadeedna igu tiri:

“Aabbihii wuxuu ahaa, nin fariidnimo iyo faxalnimo isku darsaday! Waxaan hubaa hadduu maanta noolaan lahaa, in wiilkaygu uusan sidaa dheheen!” si aysan dareenka iyo gocoshada ugu dheeraan, ayaan hadalkii ka boobay, oo ku yiri:

“Waa hubaal in aabbe fiican dhalay, haddana, geerida ayaanba kula tashanayn, oo mar walba, qofka wanaagsan uun dafta, halka kan xun ay kaliya disho markay u kaadiso ka dib!”

Si aan ugu sii xoojiyo in wiilkeedu, in kasta oo geerida eebbihii ay u tahay ayaandarro, haddana, maadaama uusan noolayn u tahay ayaan wanaag, ayaan waxaan ugu sheekeeyey, lammaanayaasha kala taga, isna fura, ka dib markii ay nolosha isku fahmi waayeen, ee ubad u joogo.

Waxaan meeldhaw ka tusay, dhibka ay ku jirto, in aysan kali ku ahayn, haddana, loogaba sii daran yahay, illayn iyadu qof ay eeddaa saartaa, oo aan Malagga geerida ka ahayn ma jirtee, saa isagaa ka dishay saygeedii, oo ka dafay xilli loo hamuunqabay wilkeeda aabbiise, heer loo darsaday ama loo dararay.

Waxaan u muujiyey inta hooyo soomaaliyeed, ee kaligeed ilma korisay, haddana, aan saygii hore iyo ilmaha aabbohood ka haysan gacan, gunno iyo guubaabo toona. Waxaa ka sii daran ragga qaarkood, in ilmahooda oo u jira in ka yar 50KM aysan u tagin, soona booqan, nac ay ku nacaynayaan dumarka iyo inaysan dareensanayn xilka aabbennimo mid ay tahayba.

Silica hooyooyinka kalida ah ku jiraan lagu kala daran, oo hooyada saygeedii godgalay, inaysan gacan aabbe marna sugayn waa mid la wada guddoomay, iyaduna garawsan tahay, balse, waxaa ka sii daran, hooyada ay sayga kala tageen, ee hal qaarad, waddan, gobol ama magaalo ay iskula nool yihiin, haddana, aan ka haysan gargaar. GABLAN!

Run ahaantii hooyo ubad kaligeed koronee, waa dawlad ku jirta dagaal, ee aan haysan ciidan, cudud iyo hub toona, haddana, aan marna diyaar u ahayn in goobta iyo gulufka looga guulaysto, kuna dedaalaysa mar walba sidii ay uga gool keeni leheed, una gacan sarrayn leheed. Ugeeddadeedu waa “Gobeey liic, oo ha jabin!” mar waa galiilyo iyo ciil, marna waa daal iyo diid, mar waa hammi iyo rajo ku nool, maalin uun baad guran miro macaan, oo ay ka helidoonto ilmahan agoonta aabbaha leh ah!

Midbaa macangag ah, oo meelna loogu baxsan! Ma dhaqdo mana dheefsho, dhibtana kama daayo, hadday ku hammido inay nolosheeda sii wadato, halkan ayuu la taagan yahay col iyo hujuun micnihiisu uu yahay “Cadow ama ku cunay ama ku ciideeyey!” iyo haddaad aniga i dhaaftay, si kale iyo san ku neefle kale, kuguma dheefsado, kaamana dheefsado. Ku dhaaftaye, isku dhufo, oo kala dhifo!

War ragoow inta dib isugu laabataan, bal FURRIINKA iyo FASHALKA QOYSKA ha u fiirinnina kaliya, inaad is fahmi wayseen marwooyinkiinna, ee sidoo kale u fiirsha korriimada iyo ababinta ubadkiinna, maxaa yeelay, mar walba, oo ay waayaan foolka aabbennimo iyo kaalintiinna, waxay halis ugu jiraan inay ku dhacaan cudurrada maskaxda iyo xanuunna dhimirka, oo ay adag tahay in laga daweeyo, lagana dawoobo.

In kasta oo geeridu tahay astaan dumin, haddana, waxaa ka dhib badan FURRIINKA, oo dhimashadu waaba lama huraan iyo lama dhaafaane, FURRIINKA isaga maxaa la dhihi karaa? Inuu xal u eke iyo xasarad damiye yahay doodi kama taagna, haddana, waa xal dayac wata iyo diif dambe, oo durriyadda haleesha, mararka qaarna lammaaha qudhooda ku daba mara.

Ani ahaan walxaha aan maqalkooda necbahay geerida iyo dhimashada waxaa ii labeeya waa FURRIINKA, marka maxaad iga filan kartaa, markaa aan arko ama dul istaago raadxumadii FURRIINKA iyo rafaadkii ka dhashay? Waa hubaal inuu noqoyo xanuun joogta ah iyo gocosho aan laabta ka go’in, anna dhacdadan sidaa ayey ii noqotay, oo maankayga waa ka go’i la’dahay!

Dhammaad.

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

www.bilediraac.wordpress.com

 

SHEEKOOYIN