Al-israa iyo Almicraaj W/Q: Ali Heris (Ali Kabayare)

 

Al-israa iyo Almicraaj

 

Al-israa iyo Almicraaj: guureysiintii mucjisada ahayd ee Nebigeena SCW oo laga qaaday Makkah ilaa Masaajidka Qudus iyo Korintii la korsiiyey dabadaha cirka

 

Goor faafinta islaamku meel dhexe mareyso oo dhextaal guul dhinac ah iyo cadaadis dhinac ah oo nabiga (CW) iyo Rumeeyayaashii Islaamka lagu hayo.

Xoogaa xiddigo rajana ay meelo fog fog ka iftiimayaan ayey dhacdadaan guureysiintu (Dheelmadku) dhacday.

Waqtiga oo xaddidan ama sax ah waa laysku qilaafsan yahay oo culimadu kama gaarin waqti cayiman.

Hasse ahaatee waxay culimadu u badan yihiin inay dhacday taariikh u dhexaysay 16-12 bilood ka hor inta aan nabigu (SCW) u haajirin Madiinah.

Tafaasiisha dhacdadaan waxaan halkaan ku soo bandhigi doonaa ayadoo kooban insha Allaah.

Ibnul-Qayim waxa uu yiri rasuulka waxaa la dheelmay oo sax ah isagoo jir iyo ruuxba caadi ah. Macnaha qof caadi ah oo aan la doorsiinin.

Nabigeena suuban (Swc) waxaa laga qaaday masjidka Xaramka, waxaana la saaray faras lagu magacaabay Al-Buraaq oo jabriil (CSM) ku wado.

Waxaa la geeyey masjidka Al-Aqsaa (Qudus), markaas buu halkaas ku degay oo nabiyadii Imaam u noqday oo tujiyey salaad. Buraaqada (Al-buraaq ) waxaa lagu xiray biraha iridda masjidka middood. Dabadeed habeenkaas waxaa Quddus looga qaaday xagga samada soke, oo jabriil baa u dalbay in samada soke laga furo, Markaas baa loo furay.

Wuxuu samada soke kula kulmay nabi aadam aabihii dadka (CM) wuu salaamay , asna waa soo dhaweeyeye wuxuuna qiray nabinimadiisa, wuxuuna Alle u kashifay oo nabiga la tusay nafaha Shahiidyada oo nabi aadam Midigta ka xiga iyo kuwa shaqiyada oo Bididxda ka xigay.

Dabadeeed waxaa la soo koriyey samada labaad oo jabriil u warsaday in loo furo, markaasuu dhexdeeda ku arkay Yaxyaa bin Sakariya iyo nabi ciise ina Maryama. Nabigu wuu u tagay wuuna salaamay. Markaas bay iyana salaantii ka qaadeen oo soo dhaweeyeen, nabinimadiisana u qireen.

Dabadeed waxaa la sii koriyey samada saddexaad, wuxuuna ku arkay nabi Yuusuf (CM), isaguna salaantii buu ka qaaday oo soo dhaweeyey, nabinimadiisan qiray.

Dabadeen waxaa la soo koriyey samada afaraad, Jabriil (CM) ayaa u dalbay in loo furo samada waana loo furay.mar kasta oo jabriil (CM) malaaikta samada waardiyeysa uu waydiisto in laga furo waxaa la su´aalayey yaa kula sucda? Asna wuxuu u sheegaayey in nabi Maxammed uu la socdo.

Sida la soo wariyey malaaiguhuna way salaamayeen nabiga CSM wayna soo dahweynayeen. nabigu (CSM) wuxuu samada Afraad kula kulmay Nabi Idris (CM), wuu salaamay wuuna soo dhaweeyey nabinimadiisana wuu qiray.

Ka dib samada 5aad ayuu koray oo uu ku arkay Nabi Haaruun, wuu salaamay, isna waa ka qaaday waana soo dhoweeyey.

Samada 6aad ayuu dabadeed koray halkaas oo uu ku arkay Nabi Muuse, wuuna salaamay, isna waa ka ajiibay waana soo dhoweeyey. Markuu Rasuulku SCW ka tegey Nabi Muuse ayaa ooyey. Markaasaa lagu yiri “maxaa kaa oohiyey”, wuxuu yiri “waxaa iga oohiyey wiil gadaashay la soo diray oo ummaddiisa jannada gelaysaa ay ka badan tahay ummaddayda jannada gelaysa”. Ka dib wuxuu Rasuulka SCW koray samada 7aad oo uu kula kulmay Nabi Ibrahim, wuu salaamay, isna waa ka qaaday waana soo dhoweeyey.

Maantay intaas ayaan ku soo koobaynaa haddii Alle idmo qormada labaad ayaan ku dhameystiri doonaa inta naga dhiman habeenkii rasuulkeen ala dheelmay.

 

W/Q: Ali Heris (Ali Kabayare)

bashirhrs@gmail.com

SHEEKOOYIN