Albaabkii Jinniga Q1AAD W/Q Cabdullaahi Muuse Yamyam

13343028_624219357740398_3837843725319502066_n
ALBAABKII JINNIGA Q1AAD
waxay ahayd abbaare saqdii dhexe markii uu qoyska reer Geedi uu ku soo biiray wiil yar oo loo bixiyay Raage, qoyska reer Geedi waxay ka koobnaayeen sagaal carruura, Hooyadood, aabahood iyo Raage  oo ah yaraanka reerka. halka ay daganyihiin reer Geedi waa meel baadiye ah,oo kaymo badan, sidoo kale buuraley ah. dadka noloshoodu waxay ku tiirsantahay beeraha. Geedi oo ah aabbaha Raage waxa uu leeyahay beer wayn oo ay ka baxaan dhammaan qaybaha dalaga. meesha waxa wada daga qabaa’ilo farabadan oo cadaw isku ah. markuu dagaal dhaco waxay kala

dhacaan L’oda, sidoo kale waxay kala gubaan beeraha. Raage waxa uu ka dhashay mid kamid qoysaska ugu tabar yar deegaanka. tiro dhowr ah baa gabood fal lagula kacay isaga iyo qoyskiisa.Waxay ahayd xilli barqo ah markii Geedi iyo wiilkiisii yaraa ee Raage oo beertooda falanaya uu u yimid oday hogaamiye-beeleed  u ah mid kamid qabaa’isha laga baqo ee ku caan baxay dhaca, kufsiga iyo dilka. odaygii wuxuu dhinac u la baxay Geedi. wuxuu u sheegay inuu maanta ugu yimid inuu labadiisa gabdhood ee waawayn uu siiyo, si uu ugu guuriyo
labadiisa wiil. Geedi xaaladu waa ku adkaatay, waayo horay ayuu labadaan gabdhood u siiyay labo wiil oo uu walaalkiis dhalay, taaso jirta ninkaan hortaagan looma sheegi karo waxaas; waxbana looma diidi karo.

Geedi asagoo qalbigiisu gubanyo ayuu wuxuu bixiyay jawaab baqdini keentay “waan ku siiyay” ayuu yiri. odaygii wuxuu ugu warceliyay hawraarsan birri fog baan kuugu imaanaya. Raage wuxuu ahaa wiil yaroo aad u caqli badan, isla markiiba wuxuu fahmay wel-wel ka iyo walbahaarka aabihiis lasoo noqoday. Raage isagoo qaylinaya wuxuu yiri “Aabo ma sidii sanadkii hore buu naga rabaa boqol kiish oo baad ah markuu dalagu noo soo boxo”. Geedi oo wili hoos fiirinayaa ayaa wiilkiisii yaraa wuxuu ku yiri maye aabo wuxuu doonanyaa inaan siiyo Cawo iyo Cosob. Raageoo aad u naxay ayaa aabihiis ku celiyay Cawo iyo
Cosob!? haa aabo. Geedi maalintaas waxay ku noqotay maalin masiibo wadata, oo maxay masiibo u wadan wayday, soo tan birri fog labada
gabdhood laga rabo. oo marka muxuu usheegi doona walaalkiis iyo labadii wiil uu adeerka u ahaa oo gabadhaha uu horay u siiyay? isagoo galab gaabkii geed wayn hoos fadhiya waxaa halkaas uga muuqday saddex fardood oo soo kadlaynaya, labo geesha ayay xigtaa midna dhexda ayuu ku jiraa. faraska dhexda ku jira wuu ka yara dheeryahay fardaha, midabkiisu waa Caynab(madow), si heer saraysa buu u kooraysanyahay, waxaana saaran nin laba lafood ah oo gar guduudan watana laba gaashaan iyo seef.

Geedi oo markii hore u qabay marti ayaa wuxuu ogaaday inuuyahay hoggaamiye-beeleed kale . la isa salaan xooga beeraha iyo lo’dana la iska waraysay, in canshuurtii laga qaadi jiray la kordhinayana loo sheeg Geedi. Geedi oo indha ilin kasocoto wuxuu yiri “war nin yahow sanadkaan dalaga soo go’aya wuu yaraanayaa, taas waxaa ugu wacan in xoogii reerka qaar meesha ka baxayo labo gabdhoodna la iga soo doonay, waxaana iga ka xaysanaya birri wayrax”. intaas markuu maqlay oday Colaad, indhihii baa guduutay oo dhibic dhiiga noqoday, oo waa uu dawakhay, wuxuuna ku sigtay inuu sara jooga ka dhaco.

Asagoo qaylinaya wuxuu yiri ” war waxa safarka intaa le’eg aan u soo galnay waa Cawo iyo Cosob, adna waxaad na leedahay nin baan siiyay labadaa gabdhood. ama aan caawa kaa kaxaysto ama anigoo biri fog dagaal usoo diyaar garoobay baan indhihiisoo shan ah ka xaysanaya”. Geedi talaa ku caddaatay garay in birri jilibaha la isku aasi doono. dhiiga daatana in
asagu masuul ka yahay. cid talo ka dhagaysanaysana ma jirto oo waa dadka la xaqiro. Wuxuu yaqaana   Wayrax iyo Colaad mid walba. waa laba oday oo kala hoggaamiya labo qabiil oo aad u tiro tayo badan. boqolaal sana isa soo dagaalayay. mid walba wuxuu leeyahay dagaalyahano muuqda laga baqo

 La soco qaybaha danbe
W/Q Cabdullahi Yamyam

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.