Albaabkii Jinniga Q3AAD W/Q Cabdullaahi Muuse Yamyam

13343028_624219357740398_3837843725319502066_n

Albaabkii Jinniga Q3AAD

Bar-baarta laga baqo waxay bilaabeen inay raad-raacaan wiilkii yaraa ee Raage ahaa, Raage markii uu kaynta galayba waxa uu fuulay geedwaynoo barde ah. “Bar-baarta laga baqo” waxay isu qaybiyeen labo raac, qayb wiil-ka yar ka baadi goobta dhulka buuralayda ah, iyo qayb kaynta ka baarta. saddexdii nin ee loo xilsaaray inay kaynta ka baaraan judhii iyo ay kaynta soo galeen-ba waxay soo hoos istaageen geed-kii bardaha ahaa ee uu Raage saarnaa, halkaas oo ay ku lafa gureen qaabkii ay hawl-galka u guda gali lahaayeen.

Sidoo kale waxay ku hishiiyeen inay halkaan isugu yimaadaan markay soo dhammeeyaan baadi-goobka, hawshoodii bay bilaabeen iyagoo geed walba iyo surin walbaba ka raadinya wiilkii yaraa, ilaahay amarkii judhii ay dhaqaaqeenba Raage waxa uu ku soo dhacay dhulka baqdintii haysay awgeed, intaas waxaa u dheeraa inuu aad u gaajaysnaa, habeenkii oo dhanna uu soo jeeday.

Cabaar haduu dhulka ku raftay, waxa uu ahaa nin ad-adayg u dhashayee isla markiiba boorka intuu iska jafay buu geedkiisii fuulay. Raggii baadi-goobkii way ku soo daaleen, waxayna isugu yimaadeen meel Barxad ah. midbaa hadloowuxuu yiri “War waa anagii ku hishiinay inaan isgu nimaano geedkii bardaha ahaaye waa see xaalku?” waa runta intay ugu warceliyeen bay u dhaqaaqeen dhankii Bardaha. isla markii ay soo istaageenba waxay arkeen in balo meesha ku gal-galatay, yaab iyo amkaag baa kasoo haray!!. geedkii bay kor u fiiriyeen waxbana way arki waayeen maadaama geedku ahaa mid si aad ah laamihiisu isugu dhex baxeen oo humbulan.

Ka dib bartii geedka hoostiisa ayay ku go’aan ku gaareen iney yara seexdeen,Raage kor buu yara fiiriyay mise Mas wayn oo Abris ah oo geeso leh afkana xunbo kasii daynaya baa laan korkiisa ah kasoo dagaya,naxdintii iyo argagax ayaa ku dhacay xaalkiisuna wuxuu noqday wuxuu ku noqday wiilkii yaraa “Adigoo hoyan la’ ma laguu soo hargalay”.

Raage wuxuu billaabay inuu laamihii waawaynaa ee geedka ruxo, inuu mar istaago marna fariisto, wuxuu ku sigtay inuu qayliyoo sarajooga ka dhaco. Raage wuxuu ogaa in haddii uu qayliyo in ay toosi doonaan raggii hoostiisa jiifa ee baadi goobaye, kadibna ay ka daba gayn doonaan qoyskiisii uu ka haray, sidoo kale wuxuu ogaa in haddii uu meesha sii fadhiyo Abriskaan uu hal mar laqayo, balse hal adaygiisii wuxuu go’aan ku gaaray inuu meeshiisa fadhiyo oo uu Abriskiisa iska cuno, ileeyn waa laba dhimasho midna mid uma dhaante,Abriskii wuxuu ku soo dhawaaday Raage. Raagana markuu arkay in bahalku dhowr taako u soo jiro waaba uu suuxayba. Abriskuna umaba socdo wiilkan yar, ee hoos buu wuxuu ka arkaa hilbo ka badan hilbaha wiilkan yar.Abriskii dhulkuu udaadagay oo si saf mar ah u qaniinay raggii meesha hurday. “bar-baarta laga baqo”  mid kama kicin midna kama xaraarugine mid walba wuxuu la dhintey waabeeyadii iyo mariidkii Abriska.

Dhanka kale raggii iyagu ka baarayay dhanka buuraha waxay aad uga raadinayeen dhanka godadka, hadba siday god u galayeen, markii danbe waxay dalaq soo dhaheen god bohol ah oo haadaan dusha ka daboolan hoostana ka hulan meelo meelo yaryar ka bannaan Afka horena aad u af wayn aadna u dheer. Markii ay galeenba waxay arkeen lafo iyo madaxyo dadeed, gacmo iyo lugo go’an oo meesha daadsan, show godkuba waa god libaax. ” Aqal libaax lafo laga ma waayo” bay soomaalidu ku maahmaadaa. tii baa haysata raggaan.

Waxay socdaan godkii hulaabta ahaa dhexdiisa waxay luga hooda ugu tageen, toban libaax oo taagtaaga, la is arkag, raggani rag libaax lagu bajiyo maahan oo waad raggaan cabsi iyo il libiqsata lahayn dhimashona dan ka lahayn, xilligu wa casar liiqii, oo qoroxdu way sii dhacaysaa, tobankii Aar-na wax weerar ah masoo qaadin, oo waxay damacsanaayeen markay qoraxdu dhacdo inay si wacan ugu casheeyan raggaan.

Haddana ay cagta u dhigaan illayn waa rag warmo, seefo iyo gaashaanba watee oo laguma deg-degi karo, raggiiiyaguna way fahmeen waxa uu damacsanyahay libaaxu, talo baa ku

caddaatay, mid jirta waa inaysan godka ka bixi karin, oo haddii xataa ay baxaan iyagoo meel dhexe maraya bay qoraxdu dhacaysaa, libaaxuna waa dabaa gelayaa oo hareerayn iyo weerarku waa u fududaanayaa, in lays horfadhiyo ayay go’aansadeen oo halkooda joogaan.

Xaalku wuxuu noqday “ragg shir lagama daayo”. dib bay isugu noqdeen oo shir deg-degoo nafta lagu badbaadinayo bay yeesheen, kii waynaa ba u taliyay oo wuxuu yiri ” war nimanyahow xaalku suu yahay waad ujeedaan, libaaxuna wuxuu damacsanyahay markay gudcur noqoto inuu na soo weeraro, habeenkiina waad ogtihiin waran la tuuray noo soo noqon maayo, dagaalkuna waa daba dheeraan karaa. anigu waxaan ku taliyay inaan dhagax gurano, dhufays-na galno kii noo soo dhawaadana aan boqol dhagax hal mar kuwada dhufano”.  ragii kale hawraarsan bay ku soo dhaweeyaan taladaas. libaaxyadii iyagu halkaas meel ah bay taagan yihiin, oo waxayba kaga dhagantahay “ninkii balaayadaada raba, bawdkaagu qori ka jabsadaa”.

Qoraxdii way dhacday mugdigiina wuu bilwday, roob mahiigaan ahna waa yimid, cirkii iyo dhulkii baa is qabsaday, libaaxiina dinaahyayn iyo hiinraag ayuu bilaabay uu ugu goodinayo raga kuna baqe gelinayo, markii cida libaaxyada, onkodka roobka, biriqda dhacaysa iyo mugdig jira ay isku darsameen godki oo dhan baa gariiray, mar iftiinka hilaacu usoo galay godka , raggii waxay arkeen in libaaxyadu hadda soodhaqaaqeen, markaasay billaaben tuuryo iyo halgaad bay hadhka uga dhigeen. “Colka waraf ma lagu dayay”  bay xaajadiigaadhay, bal libaax dhagax ku dhacay muxuu ka tari?.

Mar labaad buu hilaacii iftiimiyay godka mise libaaxyadii shan tillaabo wax ka yar bay u soo jiraan, ragga qaar baa dhagaxyadii gacanta ay ku hayeen tuuri waayay, qaarna indhaha bay siin waayeen libaaxa, kolkaasay indhaha isku qabsadeen qaarkood, taasina waa burjiga illaahay ku galladay libaaxee, raggii halkaasuu libaaxii weerar ku ekeeyey cagtana mariyey dhammaantood oo hilibkooda feentay.

Raage, si nabad ah buu geedkii uga soo dagay, wuxuu soo dul maray raggii oo ay si fiican u gashay waabaayadii masku, midabkoodii waa uu is baddalay, aadna waa ay u barareen. waxa uu cagta saaray wado mari jirtay jiinka wabiga, isagoo aad moodid inuu akhrinayoo meerisyadii abwaankii soomaaliyeed ee ahaa:

 

  • Amarkii ilaah iyo waqtiguba kaa, Awood badane,
  • Nin anbaday halkuu aaday way, Ula ekoonaydee
  • Anigoo arkayaan wadadda, Eeriggoo maraye

La soco qaybaha kale.

 

W/Q Cabdullaahi Muuse Yamyam

 

SHEEKOOYIN