Andalustii shalay iyo Soomaaliyada maanta! Q1AAD W/Q: Maxamed Xaaji Xasan

Cartina-L'Andalusia araba

Andalustii shalay iyo Soomaaliyada maanta! Q1AAD

 

“Waxaa ugu sugan qisadooda waano kuwa caqliga leh.” Suuradda Yuusuf, aayadda 111-aad.

 

Horudhac;

 

Dhacdooyinka dunidan ka dhaca hadday shalay ahaayeen ama maanta, waxaa inta badan ka dhaxeeya xiriirro si un kuu tusinaya in ay yihiin wax teedsan, oo inta badan soo laalaabta, laakiin taa waxa fahmi karaya un qofkii u fiirsada ama garaad dheeri ah Alle u hibeeyay. Indheergarad un baa garan karta.

Taariikhda Andalus waa mid aad u dheer oo qarniya soo jirtay, lehna wejiyo badan oo aad isku bedbedelay, sidaa darteed, marna suuragal ma aha in aan qoraalku soo koobo. Inta aan soo gudbinayo waxaa la arkaa in aan meelaha qaar ka tago, waayo, ujeedkaygu waxa uu yahay, inaan dul istaago meelaha ay aanu isaga eg nahay.

 

Bilowgii Andaluusiya

 

Andaluusiya ama Ibeeriyadii Muuriyiinta waxaa uu ahaa deegaan dhuleed ku yiillay inta u dhaxeysa waddammada maanta loo yaqaan Isbeyn, Bortuqiiska iyo qeybo Faransiiska ka mida oo ay muslimiintu ka talinjireen waqtiyo kala duwanaa intii u dhaxeysay sanadkii 711dii illaa 1492dii.

Ciidan uu hoggaaminayo Taariq Ibnu Zeyd baa soo cagadhigtay Gibraaltar taariikhdu markii ay ahayd bishii abriil 30, sanadkii 711dii. Saddex bilood ka dib waxay muslimiintu galeen dagaalkii Guadalete, oo dhacay bishii luulyo 19 sanadkii 711dii kaas oo ay guul ka soo hoyeen, deetana ku dhalisay in ay hore u sii socdaan illaa ay gacanta ku dhigaan jaziiraddii Ibeeriya muddo 7 sanadood gudaheed ah.

Hammigoodii waa sii sare maray, ka dibna waxaa ay weerar ku qaadeen Pyrenees oo koonfurta Faransiiska ah, laakiin waa lagu jabiyay dagaalkaas. Niyadjab kama aysan qaadin jabkaas ee waxa ay soo galeen abaabul kale oo ay kula wareegeen dhulal kale oo badan oo illaa bartamaha Faransiiska ah.

Jaziirad-la-mooddii Ibeeriya idil ahaanteed marka laga reebo boqortooyadii Asturiyas waxa ay gacanta u gashay xukunkii Umawiyiinta, taasoo wadatay magaca Andaluusiya. Dhiirranaantii iyo midnimadii ay dadkaasu muujiyeen waxa ay keensatay in ay xukumaan muddo siddeed qarni ku dhaw dhul ayan u dhalan, kana abuuraan ilbaxnimo illaa hadda lagu sheego waqtigii dahabiga ahaa ee Islaamka. Maadaama ay tahay taariikh dheer oo wajiyo badan leh si faah-faahsan uma soo gudbin karo, waxaanse isku dayi doonaa inaan dul istaago meelaha ay taayada maanta uga eg tahay wixii qarniyaal ka hor ku dhacay xukunkii Andalus iyo sidii uu u baaba’ay oo taariikh un maanta ka ah dunidan aynu ku nool nahay.

Duullaamo aan kala go’in bay boqortooyooyinkii u dhawaa ku qaadeen si ay magacaas iyo xukunkaasba uga taqallusaan laakiin isku-duubnimadii iyo aragtidoodii dheereyd baa diidday xagal-daacin kastoo lala damacsanaa. Awooddii Andalus waxa ay gaadhay heer ay JIZYO ka qaataan boqortooyooyinkii damacsanaa inay tirtiraan. Kuma ekaan dhanka xukunka oo keliya ee Andalus waxa ay soo saartay muddadaas culimo badan oo caalamka wax ku soo kordhiyay dhanka diiniga, luuqadda, cilmiga bulshada, sayniska iwm.

Dulduleello kasta oo ay lahaayeen waxaa awday dareen ay ka mideysnaayeen kaasoo ahaa in ay inta ay wadaagaan ay ka badan tahay kana qiima badan tahay inta ay isku maan-dhaafsan yihiin. Garaad sare iyo isku-xirnaan dhan walba leh bay muujiyeen illaa la waayo cid u babac dhigta.

 

Qeybta xigta waxaan soo koobi doonaa in shaa Allah horumarka dhankii cilmiga ahaa ee ay ku tallaabsadeen, culimadii ay soo saareen iyo waxyaabaha illaa maanta lagu xasuusto.

 

W/Q: Maxamed Xaaji Xasan

SHEEKOOYIN