Aniga iyo Xaaskayga Amaal W/Q Cabdiraxmaan M. Axmed(Warmooge)

 

warmoogeAniga iyo Xaaskayga Amaal

Laba sanno ka hor ayaan is guursanay, Guur xalaal ah dhammaan noloshaydii oo dhan ayaa is beddeshay, oo dhammays noqotay, madow hadday ahayd iftiin ayay u noqota, cidla hadday dareemaysay wehel ayay u noqotay, bidix haddaan ahaa midig ayay ii noqotay,dhaqdhaqaaqa wadnahaygu hadduu aniga igu xidhnaa, hadda iyadanna wuu ku xidhan yahay, farxad hadday noqoto iyadaa I siisa, Murugo warkeedna haba sheegin, intay iyadu dhinnacayga joogto waabay iga cabsootaa.

Dhib kasta oo dhaca waannu qaybsanaa, oo haddana wadaagnaa. Naxdintii ugu xumayd ayaa ahayd geeridii aabbaheed, maalintii geerida, laabtayday ku ooyaysay, illintii dhabanadeeda sida dooxa shubmaysay, ayaan baabacooyinkayga kaga tirtiraayay. Jidhkeeda oo dhan ayaa jareynayay, qalbigeedda ayay ka daalacanaysay xasuustii aabbaheed iyo godkii lagu riday daqiiqado yar ka hor, maalintaa madoobayd dareenkay ku sugnayd ayaan la waddaagayay.

Xaaladda noocaasa qofka ku sugan, hadalada lagu dajiyo kuwa ugu habboon, ee ugu wanaagsan ayaan ku lahaa, booskii aabbaheed, hooyadeed iyo walaalaheed ba inaan buuxin karo ayaan tusiyay, unna xaqiijinayay. Dadka dhexdooda, kolkaan madaxeeda laabtayda saarayay, kunna lahaa “Shaydaanka iska naar, oo is daji xabiibi, wax kastaaba sidan way ka wanaagsanaan doonaan, oo way is beddelayaanne.” Aniga ayaa degannaansho iyo farxad ku dareemayay inaan xaaskayga garab-siinayo, iyadunna igu kalsoon tahay.

Maalmaha madow ee noloshayda soo mara inta ay iyadu ila joogto ma dareemo. Maddadaalo iyo ciyaar, dhiirigalin iyo sheeko ayay igu mashquulisaa. Waxaan aamin sanahay cabsida iyo murugada la sheegaaba inay iyada igaga baqaan. Habeen iyo maalin garabkayga ayay taagan tahay, xanuun haddaan dareemo, dawadiisay noqotaa, xanuun la sheego gaastari ayaan leeyahay, hadduu igu kaco iyadaa dajisa,oo haddana dhayda.

Hadday noloshu dhinnaca xun I tusto ama aan arrin ka werwero, hal mar oo ay i dhunkato ama dhabanka i salaaxdo ayaan dhididaa, oo indhuhu i furmaan, degdegna u boodaa. Waligay ma dhirbaaxin, iyanna iguma buuqin. Maalamaha nolosha inta aanu wadaagnay sinna iima saluugin, anna ma sagsaagin. Wajigeeda furan iyo qosolkeeda dabacsan kama daalo, iyanna igama xiiso dhacdo. Toosinta iyo hoggaamintu doorkayga weeyaan, iyadunna waa hoyga tallada iyo tusaalaha.

Dun caaradeed hadday adduunka uga baahan tahay, qalbigeedaan ka dareemaa, daqiiqadna waan u keenaa, farxad kolkay dareento, ee dhoolla-caddayso ayaan anna deggaa, oo nasasho dareemaa. Bal hadda u fiirso in yar,subaxa cidday u kacaysaa, ee dabka u shidaysaa, ka dib u dul fadhiisanaysaa hanfiga iyo kulayku waa aniga dartay, suuqa dantay u tagaysaa, ee u soo addeegysaa, haddana dab kale u galaysaa, ee u karinaysaa waa aniga dartay. Qofkay guriga dartii ugu xidhan tahay, ee isla gurigii u haggaajinaysaa waa isla aniga.

Dharka dhididku midabka ka qaaday qofkay u maydhaysaa, ee haddana u kaawiyadaynaysaa waa aniga un. Dhibka foosha iyo xanuunka qofka kula shuraakoobay, ee haddana la qaybsan karin waa aniga. Korinta iyo barbaarinta carruurta qofka la qaybsada ee haddana ay kaga hawl-karsan tahay waa aniga. Agoonnimo si aanay u dareemin, noloshaydoo dhan ayaan hadyad u siin lahaa, waaban u siiyee.

Hoggaanka qoyska waan ku magacaabanee iyadaa hoggaamisa. Habeenka oo dhan indhaheedaan daawadaa, sida muraayada. Kaalinta ay noloshayda kaga jirto ayaan sawirtaa, qof ii buuxin kara adduunka inuu joogo ayaan is weydiiyaa? Sidan aan maanta ahay iyo dhammayskay iga dhigtay inaan ahaan lahaa la’aanteed ayaan shaki galiyaa, kolkaasaan istaqfurulaystaa, oo indhaha isku qabsadaa intaan danbaabi lahaa.

Habeen aniga oo cagaha u duugaya ayay i waydiisay su’aal qalbigayga ka nixisay. “Cabdiraxmaan ma isku dayi lahayd inaad gabadh labaad guursato, haddaad fursad u hesho illeyn ragga afar baa loo banneeyee?” aad baan isku beddelay, waxaan se ugu jawaabay “Waa haddii adiga labo lagaa dhigayo!” way ogtahay inaan iyada laba dhigi karayn, waxaannay la mid tahay inaanan iyada la guursan karayn.

Kaftanka iyo sheekada joogtada ahi waa midka dhidibada u sii adkeeya sii jiritaanka qoyskayaga. Dunida dadka ku nool oo dhan wixii ay noo qaban lahaayeen, annagaa isu qabana. Annagaa is maddadaalina. Annagaa isku sheekayna, oo iska sheekayna. Waan isku qanac sanahay oo isku farax sanahay. Qoysaska adduunka, gaar ahaan kuwa is jecel inay nagu daydaan, oo tusaalle naga dhigtaan waa hiigsigeenna ayay igu tidhi xaaskayga Amaal.

Nolosha macaankeedu waa lammaane,   lammaanaha guushoodu waa is af garad iyo wadajir,   haddii aanu qoysku noqon, dadku midaysan dhibka iyo dheefta, haddaanu noqon xubin qudhaata oo wada dareemada dhibka iyo dhiilada,   Farxada iyo Obsiga, guusha qof keliyaata ma dhaliyo ee waxaa lagu gaadhaa midnimada iyo iskaashiga hawsha labada dhinac isu haya,   labada lammaane ee iyagu is jecel ayaa dhala oo hela ubad is jecel waalidkoodna jecel.

 

Mahadsanidiin

Cabdiraxmaan Maxamed Axmed(Warmooge)

Email: Warmoge111@gmail.com

facebook: Abdirahman Mo Warmooge

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.