Anigoo roon bay I rogtey Q6AAD W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

pizap.com14704152200801

Anigoo Roon bay I rogtey Q6AAD

Wuu soo fadhiistay waxaana isa soo dul taagay shaqaalihii Baarka oo salaamay maadaama uu ka mid yahay dadka sida joogta ah macaamiisha uga ah baarka, had iyo gooraale wax ka caba kana qaxweeya.LORA, wuxuu ka sugayaa Mahad waxay u wacdey ee aysan hordhaca ka siin, qalbigiisa waxyaabo badan ayaa ka guuxaya, balse, wuxuu is leeyahay ka war sug.Kaftan iyo is wareysi kaddib, Lora waxay guda gashay ujeedkii dulucdeeda, waxayna usoo bandhigtey inay doonayso inay la soo degto, si ku meelgaadh ahna ula noolaato.

Mahad arrintan dhib uma uusan arag, wuxuuna u arkay fursada keliya ee uu abaalkii badnaa ku gudi karo, haatan Mahad malaha Balwaddo badan, welina maaha nin ka siibtey habdhaqankiisii hore, balse, sidii u feejignaa uma feejigna ugumana ad adka dhaqanka iyo diinta labadaba.Waa laysku raacay arrinkii waxaana la aaday Xaafaddii LORA, iyadoo ka soo dhaadhicisay waalidkeed, iyaguna shiddo uma aysan arag waxay ka dalbadeen inay maalmaha Fasax ah soo hoyato oo timaado xaafadooda, waana la dardaarmeen inay taxadarto oo nafteeda ilaaliso.

Waxaa habeenkaas loo soo wada hooyday, Xaafaddii sidoo kale waxaa arrintii iyagana loo sheegay labadii Saaxiib ee kale, habeenkii ayaa meesha waxaa isugu yimid, labadii Saaxiib ee Frank iyo Niko oo ay la socdaan gabdho ay sheeko wadaag yihiin lammaane haasaawe, Lixdoodii ayaa u dabaaldegay habeenkan, waxaa la keenay cabitaano badan oo aad u kala duwan, waxaana la daartey Muusik iyo dararamle.

Mahad ayaa waxaa saaxiibadii ka dalbadeen isagoo xeerinayaa saaxiibnimada inuu caawa tijaabiyo, Cabitaanka Kulul ee Qamriga, iyadoo lala kaftamayo, ayay tidhi REGULA, saaxiibkiin wuu baqayaa, aniguba sidaas ayaan ahaa,   waagaan cusbaa, waxaanan ka biqi jirey in sir iga fakato ama wax kale, Qosol ayaa loo wada daatey markaasuu Mahad intuu dhaqaaqay, Dhalo BEER ah furta ka jaray oo qudhqudhiyey, waa loo sacbiyey,   Mahad ayaa riirixanyooday oo Sanka biyo kulul oo aashito ah ka keenay, waa laga sii daray Qosolkii waxaana laysku garaacay dhallooyinkii.

Mahad habeenkan waxa u furmay albaab cusub, wuxuuna habeenkan ku qaatay qosol iyo qaraaxo, mase oga inuu cagaha la galay albaabkii nolosha madoow.Habeenkan waxaa la kala tegay iyadoo qof weliba sakhrad iyo wareer la ciirciirayo, balse, waxaa isku hadhay Mahad iyo Lora, Mahad ayaa fadhiistay kursiga fadhiga isagoo dhalo weli gacanta ku haya, halka Lorana ay bac madoow ku gureysay dhalooyinkii iyo qashinkii ay saaxiibadood uga tageen, Lora oo la kaftameysa ayaa tidhi: “ Miyaadan istaagi karayn, maad i caawisid?”

Mahad ayaa isku dayey inuu istaago nasiib darro waxaa ka dhacdey meeshii looma fadhin, Mahad mar qudha intuu Sulaacay ayuu Miiskii iyo meeshii ay Lora taagnayd MATAG ka dul geeyey, waana wareeray oo waa istaaga ayuu tahli waayey.Lora ayaa dareentay in Khamradu ka tan badatay waxayna iyagoo isla dhacdhacaya la aaday dhinaca Musqusha qubeyska waxayna madaxa uga furtey biyo badan, way ka tirtirtey waxayna u tukubisay dhinaca sariirtiisa iyadoo siisay biyo uu cabo,

Mahad xaalkiisu waa is beddelay, Lora waxay ula ekaatey nooc kale, mar wuu qoslayaa marna wuu ooyayaa sidii ilmo yar oo dhallaan ah.Habeenkani wuxuu ahaa habeenkii waalida, Lora waxay dareentay inay qalad galeen iyada iyo saaxiibadeedii kale maadaama qof aan balwad aqoon ay si xad dhaaf u siiyeen.Waxay habeenkii oodhan haggaajineysay, gurigii uu haleeyey, waxay gashay hawl ballaadhan, ugu dambayntii ayay iyaduna meel ku gataati dhacdey iyadoo daalan.Habeenkii sidaasa lagu kala hooyday, waa camalka dhallinta galbeed dhibkooda ayay dheef u yaqaanan, meel ay ku ba’eena waa baashaal ayay yidhaahdaa, nin candadowlmayna waa caweys ayay yidhaahdaane, habeenkaas halkaasuu ku dhammaaday, waxaana saacado kadibna waagii ayaa baryey.

La soco qaybaha kale:

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

 

SHEEKOOYIN