Anigoo Roon bay i rogtey W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

pizap.com14704152200801

Anigoo Roon bay  i rogtey.

Mahad wuxuu u xidhxidhay Socdaal dheer oo laysaga gudbayo, waddamada Jarmalka , Swiska iyo Talyaaniga, Socdaalkaas oo dhulka ah, oo baabuur  lagu marayo, waa hubaal inuu  waqti badan  qaaddana doono oo saacado ah.Mahad wiilashii waa la soo dardaarmeen wixii talo iyo tusaalena ahna waa u sheegeen  ee socdaalkiisa ku aadaana, waxayna kula dardaarmeen  meeshii lagu qabto inuu lafteeda iska dhiibo oo aanu cabsan, maadaama uusan lahayn  faro  waddan kale  ka yaalla oo uu magangelyo weydiistay, waana loo soo duceeyey, goor habeen badh ahna waxaa u yimid, Ninkii Qaadwalaha ahaa oo laba nin oo kalena la socota, waxayna guda galeen socdaalkoodii dheeraa.

Habeenkii ayaa guure lagu soo dhaqaaqay, wixii hadba meel laga soo dhaco,  isaga dhulku waa isugu mid, meelna ma yaqaan, Ragga kale waa qayilayaan, waana Fayaan iyo Murqaan isagu waa daalay wuuna iska seexday.

Waa soo gudbeen Xadkii laga baqayey  ee Switzerland,  balse,  meel dhexe markay marayeen ayey ku soo dhaceen, Bar  Kantarool  oo ay  ciidama booliis ahi dhex dhigteen  Jidka weyn ee Haloosiga ah(High way)ga, waa la istaajiyey,  ka dibna  waxaa la weydiiyey, sharciga baabuurka iyo aqoonsi,  balse,  iyadoo is wareysigii lagu jiro,  ayaa waxaa la arkay Afkooda oo Cagaaran,  taasoo ciidanka mid ka mid ahi fahmay iney  qaad cunayaan,  markii la ogaadayna waa la baadhay, mise gaadhiga ayaa 10 Jawaan oo mid  100 xabbo oo qaad ah sida.

Markaasaa  dhammaantood  lagu amrey inay dhulka soo degaan,  Booliiskiina waa isu habarwacday,  Markii aqoonsiyadii laga qaaday, waxaan  haysan wax aqoonsi ah, Mahad, Mahad isaga waaba la jeebeeyey,  waxaa markiiba la keenay  Baabuur qafilan waxaana loo taxaabay  Xabsiga.

Qof walba waxaa lala galay qol,  waxaana loogu dhaqaaqay,  su’aalo weydiin iyo xog wareysi,  Mahad  naxdini uma dhina  waayo, markuu maqlay, waxaad sidaan Darogo qaadkuna waa daroogo, waxaadna  mudaneysaan  ciqaabta dalka  u taal, ayuu  wuxuu isku ciil kaambiyey, maxaa ku soo raaciyey,  waxaad ku qaamoowday, gar iyo mag la’aan,  wax aadan adigu  gelin iyo fal aadan  shaqo ku lahayn ayaad  ku xidhantay.

Markii la wareystay ayuu go’aan ku gaadhay inuu runta sheego, oo yidhi nimankan  waxay iga soo qaadeen Jarmalka waxaanan  u socday talyaaniga  Yurubna sidaas ayaan ku soo galay mana jiro waddan aan iska dhiibay,  Askarigii ayaa u sheegay ninkii  darawalka  wareysanayey intuu bannaanka ula soo baxay, inuu wax ka weydiiyo wiilka yar.

Nasiib wanaag  Salaad oo ahaa  darawalku wuxuu  sheegay sidii uu u sheegay inuu lacag ka soo qaatay,  rakaabna yahay uusana waxba ka ogeyn arrinkan,  Askarigii ayaa usoo noqday, wuxuuna u sheegay inuusan wax dambi ah lahayn,  Xabsigana u hoyaneyn, balse,  uu xor u yahay inuu dalka iska  dhiibi karo, hadduu doono oo magangelyo doon yahay.

Mahad markaan wuu quustay hadduu xabsigii ka badbaaday ma jirto doorasho wuxuu u sheegay inuu is dhiibayo, Askarigii ayaa bannaanka ula soo baxay,  wuxuuna u dalbay  kafee, markaas ayuu wareystay ma jirtaa  wax aqoonsi ah oo aad dalkaaga ka haysato,  Mahad ayaa aamusay,  Askarigi ayaa fahmay wuxuu yidhi:“ Aqoonsiga aad dalkaaga ka haysataa wuxuu kaa caawinaya, in aanay Soomaalinimadaa madmadow gelin,  sidoo kale waxaa  kuu fududaanaysa in  dacwadaada la dhegaysto, haddaad  qaaradan soo gashay  haka cabsan in Soomaaliya lagugu celiyo ee xuquuqdaada  hayska  aasin  arrinka aan kuu sheegayo waa mid  sir ah layma ogola  ee   haddaad aqoonsi haysato diyaarso“

Mahad ayaa hadalkan ku qancay  sida wanaagsan ee ninku ugu  faahfaahiyey,  ka dib ayuu u sheegay in shahaadooyinkiisii dugsiga sare iyo Pasporkiisii oo  ay  ugu jiraan  emailkiisa,  balse, hadda uusan aqoon meel uu ka soo daabacdo,  Askarigii ayaa xafiiska kula noqday, wuxuuna  soo daabacday  Dokumentiyadii,  wuxuu usoo geliyey bushqad,  Askarigii ayaa  wuxuu u wacay telefoon wuxuuna u wacay  Taxi, waxaa la siiyey  warqad yar oo  magiciisu ku qoran yahay taasoo ahayd aqoonsi Hoteelka loo direy  aysan u  diidi karin, waxaana  la siiyey, Khariirada meesha layska dhiibo iyo warqad kale oo wareysigii laga qaaday ku qoran yahay oo uusan fahmayn oo Af Jarmal ah.

Mahad waxaa loo sheegay inuu caawa Hoteelkaas u hoydo, Berina  Tigidkaas qaato oo uu tago meesha layska dhiibo, oo tareen loo raacayo  ilaa ugu yaraan  50 Daqiiqo magaalada uu joogo,  Mahad haatan waa ilbax oo Tareen iyo Bas  sida loo raadiyo, wuu yaqaan,   wuxuu habeenkii telefoonkii Hotelka kala xidhiidhay  eedadiis oo sugeysay  waana u sheegay arrinkii dhacay, balse,  eedadiis iyo qaraabadiisii kale waa ka biyo diideen  tallaabada uu qaaday,  iyagoo u sheegay inuu ka baxsado Hoteelka oo ay dad kale u soo dirayaan, isaguna  wuu ka diiday arrinkaas.

Mahad wuxuu tegay  Xeradii  dadka magangelyo doonka ahaa,  waxaa loo dhiibay  warqad  waxaana  la yidhi is diiwaangeli, Magacaaga,  Da’daada,   meeshaad ka timid,   waxyaabaha ugu yaabka badnaa, warqada waxaa ku qornaa Af Soomaali, balse,  markuu marayey  meesha   Jinsiga ama kala saarista Labka iyo dhediga  ayaa waxaa ku qornaa,  Jinsi:  LAB , DHEDIG, WAX KALE?!

Mahad weligiis ma arag  Foom  la buuxinayo,  oo ay ku qorantahay wax kale  wuu fahmi waayey,  ka dib ayuu  wuxuu  weydiiyey mid  shaqaalaha ka mid ah, Maadaama Saddex Af ku qornaayeen  maxaa loola jeedaa? Ninkii shaqaalaha ayaa ugu warceliyey,  “ isagoo qoslaya:  Waa dadka jinsigoodii ka guurey,  ee Jinsi kale u guurey  Rag iyo dumarba kay  doonaan ha ahaadeen“  Arrintan ayaa Mahad ka yaabisay,   wuxuuna iskula xanshashaqay:“ Wallee inaan dhul aan kala dhaqan iyo diin nahay  imid, waxaa  caddeynaya  waxaan ceebta u aqaanay inaysan ceeba ka ahayn oo laysku diwaan gelinayo“.

Mahad wuxuu galay  xeradii, waxaana  la geeyey,  Qol ay taallo,  Lix sariirood  oo laba laba isu saaran,   waxaana ku jira oo la degan qolka  dadyoow   Jinsiyaddo kala duwan,  waxaana la siiyey, Kaadh loo sheegay inuu u furayo Khaannad ka mid ah, Armaajooyin iyo kabadhada dharka oo meesha yaal,  waxaa la siiyey,  Daawada  Cadeyga iyo  Brush,  waxaana laga reebay dhammaan wixii qalab  Koronta ahaa, ahaa  iyo dhammaan waraaqihii uu sitey, kuwii aqoonsigiisa caddeynayey iyo kuwii Booliisku soo siiyey.

Mahad waxaa la siiyey  warqad ay ku qorantahay  habdhaqanka iyo  hannaanka xerada,  waqtiga wax la cuno,  waqtiga la seexdo, waqtiga bannaanka loo baxo,  waqtiga  shaqooyinka la qabto nadaafadda, oo loo sheegay inuu maalinba meel ku qoran yahay,  Bannaanka, Muraayadaha, Qolalka,  Musqulaha,  Jikada iyo Barxadaha,  wuxuu aad ula yaabay  nolosha  cusub,  hase yeeshee wuxuu ku gunnaanaday,    “Qayrkaa wuxuu qabo qasaare kuugu dhan“

Mahad waxaa looga yeedhay  qaybta Xafiisyada magaciisa ayaa laga naadiyey Codbaahiyaha, waxaana lala galay,  qol. Isagoo loo sheegay inuu maanta marayo,  Baadhitaanka  caafimaadka ee dhiigaga iyo Talaal wada socda,  sidoo kale in isla maanta laga qaadi doono,  Faraha loona samayn doono   Aqoonsi ku meel gaadh ah oo  hadduu dibadda u baxo,  tusi karo  ciidanka Booliiska iyo haddii wax ku dhacaanba.

Mahad wuxuu haystay  waxoogaa  hadhaadi u ah lacagtiisii hore iyo lacag kale oo Booliisku siiyeen habeenkii si uu cunto ugu cuno, wuxuu la xidhiidhay waalidkiis,.  Wayna ku farxeen kuna qanceen markuu uga warramay  sida  ay u dhacday arrin, waxayna ugu duceeyeen in meesha alla  ku ammaansado.

Mahad  kuma dheeraan inuu ku sii jiro Xeradii  layska dhiibayey,  waxaana loo soo beddelay,  laba toddobaad ka dib waxaa loo beddelay, Xerada uu hadda  degan yahay,  waxaana la dejiyey, Qol isaga iyo wiil kale oo ka soo jeeda  waddanka  Bangaladeesh,  wuxuuna hadda la qabsanayaa  nolosha  keli noolaanshaha iyo  maareynta  dal iyo dad  aannu aqoon.

Waa tan keentay maanta inuu keligiis kaxaysto Baaskiil kuna soo wareego, agagaarka degmada uu ku noolyahay, waana sababta  keentay iney is bartaan isaga iyo dhallinyaradii  ay ku kulmeen jidka.

La soco qaybaha kale

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com

Galayr777@gmail.com

 

SHEEKOOYIN