Anigu sigaarka ammaanimaayo, kii sameeyeyba ma ammaanin! W/Q: Maxamed Haybe Axmed

Anigu sigaarka ammaanimaayo, kii sameeyeyba ma ammaanin!

 Sheekadan waxaa iiga sheekeeyay nin ganacsade ah oo Ibraahim layidhaa. Wuxuu yidhi: “barigii hore sigaarku wuxuu iska ahaa wax iska caadiya bulshda dhexdeeda. Waxaa lagu cabi jiray meel kasta. Baabuurta basaska dadweynaha ee Magaalada Hargeysa, kursi kasta wuxuu lahaa khaanad yar oo sigaarka lagu bakhtiiyo. Rakaabka qofkii doonaa wuu iska cabi jiray, lamana dhibsan jirin oo dadku sida ay hadda diinta u barteen umey baran.” Anigu Ibraahim ahaan, sigaarka waan cabi jiray. Waxaan lahaa Tukaan weyn, sigaarkana waan iibin jireay. Waxaan kasoo qaadan jiray qolo ku xidhan shirkadda sigaarka oo Hargeysa keeni jirtay.

Waxaan u ahaa macmiil weyn oo waxaan ka qaadan jiray, kaartoon badan oo sigaara. Maalin maalmaha ka mid ah ayey qolodii sigaarka keeni jiray, waxay xaflad ugu sameeyeen macaamiishoodii hudheelka Maansoor. Waxaana Hargeysa looga yeedhay laba boqol oo nin oo sidayda macaamiil waaweyn ahaa. Booramana laba boqol oo nin; Burcana intaa in la’eg. Hudhaalkii baanu tagnay. Xafladdu waxay aheyd mid aad loo soo agaasimey. Waxaa ka soo qeyb galay madax waaweyn. Ilyartu wey is-qabatey. Dadka lagu soo casuumay, waxaa ku jiray wasiirro dadka lagu soo maamusay laguna karaameyey waxaa ka mid ahaa: Xaaji Cabdikariim Xuseen oo loo garan-ogyahay: (X. Cabdi-waraabe). Xafladdii baa la furay. Qofkasta oo dadka la hadlaa, wuxuu leeyahay: sigaarkani wuu ka fiican yahay sigaarradii hore. shirkaddaan sigaarkuna waxay soo kordhisay wax wanaagsan!. Sidoo kale, qofkasta oo hadalka qaataa, wuxuu amaanayey dadkayagan macaamiisha ah ee sigaarka ugu badan iibiya. Waxaa la-lahaa: Raggani waa ragga sigaarka socodsiiya! Ibraahim wuxuu yidhi: “waxaan ka yaabay, raggaygan waaweyn ee lagu amaanayo SIGAAR bey iibiyaan.

 Immika markii aan xasuusto waan yaabaa. Sigaar ma wax la-isku amaanaa?. Waxa igasii yaabiyeyna wuxuu ahaa, markuu makaroofanka qaatey nin wasiir ihi ee isna hadalkii dadka uun raacey. Sigaarkani waa ka fiican yahay sigaarradii hore! Cajiib!. Waa masuul qaran, ummadiisa la-doonaya inay cabbaan sigaarka dilaaga ah, waa nin ganacsatadiina ku dhiirrigelinaya inay sigaar badan soo-gelinayaan dalka!  Amakaag iyo af-kala-qaad!.

Wasiirkii markuu hadalkiisii dhameystey wuu iska fadhiistey. Cid u sacabisayna ma jirin! Waxaan is-leeyahay, waxay sidaasi u dhacdeyna, hadalka ayaan aheyn hadal masuul, lagama fileyn inuu sigaarka taageero, isagoo masuul ummadeed ah. Waxay aheyd maalin taariikh leh. Waxaan u maleynayaa inay aheyd: (2005tii) qiyaas ahaan. Anigu (Ibraahim) hadda, sigaarka ma cabo mana iibiyo. Alxamdulillaah, Eebbihii iga joojiyaa mahaddaa leh. Haddaba, waxay xafladdii socotaba, waxaa kolba qof lagu soo dhaweeyo ba. Hadda garo ammaantii iyo xayeysiintii sigaarkuna mar qudha ma kala gu’in oo dhegahayaga eyey ka badatey. Iyadoo xaalku sidaas yahay, ayaa waxaa makarafoonka lagu soo dhaweeyey: X. Cabdi-waraabe, maanta wuu innaga hooseeyaaye, Illaahey janno-fardowsa ha ugu deeqo. Markii uu gacanta la haleeley makarafoonkaba, wuxuu hadalkiisii ku billaabey oo yidhi: “Anigu sigaarka ammaanimaayo, kii sameeyeyba ma ammaanin, balse, inamadda xafladda soo agaasimey waan bogaadinayaa”. Intaa markii uu yidhi: ayaa waxaa madashii is qabtay sacab is-dabo-jooga oo sida darandoorriga u dhacaya.” Halkaas ayuu sheeko-tabiyehu ku soo af-meerey, isagoo goob-jooge ahaa.

Haddaba sheekadu way ila durugtay geeddi dheerna waan idin saaray ee halka aan doonayo inaan geeddiga ku furo waa hadalka Xaajiga ee xikmadda lahaa. Waxaan doonayaa inaad halkaa ku nasataan, harraadkuna idiinka baxo. Xaaji Cabdi-waraabe, wuxuu yidhi: “anigu sigaarka ammaanimaayo, kii sameeyeyba ma amaanin; balse, inamadda xafladda soo agaasimey waan bogaadinayaa.” Bal aynu dul istaagno, dhuuxno oo dhadhaminno hadalkaa. Marka hore, waxaa cajiib ah, sida uuna runta uga gaban ee uu xaqa ugu aadaamey. Maxaa yeeley, waa runtii oo kii sigaarka sameeyey ba ma amaanin. Waxaa lagu daabacey baadhka sigaarka dushiisa fariin sheegeysa siduu caafimaadka u waxyeelleeyo; “Tubaakadu waxay aad u waxyeelleysaa caafimaadka”.

Waxaa kale oo hadalka Xaaji Cabdi waraabe ka mid ahaa: Inamadda xafladda soo agaasimey, waan bogaadinayaa. Cajiib! hadalkanina wuxuu muujinayaa, xigmadda, xeeldheerida iyo gobonnimada Xaajiga. Waxaad arkeysaa, sida inamaddii munaasibadda kusoo maamuusay, aanu u bahdilin, balse, uu u karaameyey uguna mahadnaqay. Haddaba, anigoo soo afmeeraya hadalkeyga aan ugu dambeysiiyo waxyaabaha aan ka baran karno sheekadan yar ee gaaban; waa kuwan ee iga hoo:

  1.  Inuu sigaarku yahay masiibo ku habsatey bulshadeenna.
  2. Sida dowladdeenna iyo dadkeennuba  ilaa iyo hadda u moogyihiin dhibaatada SIGAARKA.
  3. Inuu Xaaji Cabdi Waraabe ahaa, nin madaxa oo masuula, damiirkiisa iyo dadnimadiisuba aaney oggoleyn, wax bulshadiisa dhibaato ku ah.
  4. Inay waxyeellada ama mashaqada sigaarku yahay, wax cid walba indhaha ku heyso, haddana ku sii koraya dalkeenna Soomaaliyeed.

W/Q: Maxamed Haybe Axmed

Email: mo.haibe03@gmail.com

NAGA LA SOO XARIIR:

Laashin77@gmail.com

admin@laashin.com

SHEEKOOYIN