Annaga iyo Diinta: af iyo dhaqan ka la duwan! W/Q: Naciima Xasan Xuseen

Annaga iyo Diinta: af iyo dhaqan ka la duwan!

 

Diinta Islaamka waa diinta xaqqa ah ee uu Alle ku nasakhay diimihii horay u jiray. Alle SW wuxuu usoo dejiyay inay noqoto mid kulansata wax kasta oo ku saabsan nolosha bini aadamka, haddii ay ahaan laheyd Caqiiddada saxda ah, Cibaadada, Siyaasadda iyo dawladda, gar-soorka iyo sinnaanta, xiriirka qoyska, dhaqaalaha iyo wada noolaashaha bulshooyinka kala duwan dhanka diinta iyo dhaqankaba.

 

Waxaa jira 5 walxood oo udub dhexaad u ah diinta, in la ilaaliyana u  Alle na faray, kuwaas oo kala ah:

 

1) Nafta

2)Caqliga

3)Diinta

4)Taranka

5) Hantida

 

-Nafta:  Alle wuxuu faray in lagu ilaaliyo waxyaabaha uu Alle faray, lagana ilaaliyo in loo horseedo halaag iyo halis.

-Caqligu waa midka haga dadka, kana sooca noolaha intiisa kale, Alle na wuxuu faray in laga ilaaliyo wax kasta oo maandooriya ah,

-Diintu waa hormuudka liiibanta adduunyo iyo midka aakhiro.

Alle na wuxuu faray in lagu ilaaliyo la imaashaha waxa ay na farayso, lagana ilaaliyo wax kasta oo dhaawac u geysanaya sida: xumaanta, bidcada, iyo dib in looga noqdo diinta ( Riddada)

-Taranka waa waxyaabaha uu Alle ugu tala galay in lagu camiro dunida si uu usii socdo jiritaanka aadanaha.

Waxayna ku imaan kartaa guurka

Wuxuuna Alle xarrimay Gogol dhaafka iyo xarig aan sharci aheyn in ilmo ku dhashaan.

-Hantida waa laf dhabarka nolosha, diintuna waxay ku ilaalisay in ay boorrisay shaqada iyo wax bixinta

Waxayna diidday in la dayaco ama loo gacan geliyo dad maan gaab ah.

Marka diinta sidaas uga hadashay ilaalinta nafta, caqliga, taranka, iyo hantida waxay na tusineysaa inay tahay mid u horseedeyso aadanaha nolol wacan iyo horumar.

Diinta Islaaamka waa naxariis, fudeyd, nabad galyo, wada noolaasho, dhex dhexaadnimo (aan aheyn gaabis iyo xag-jirba).

Balse waxaa wax lala yaabo ah kooxaha kusoo kordhay bulshada oo sheeganay in dhaqan galinayaan diinta, haddana fulinaya falal liddi ku ah dhambaalka ay xambaarsan tahy diinta Islaamka.

Waxay ku dhaqaaqeen Xasuuq, Xad-gudub, been, hab la dhaqan xun, ballan darro. Iwm

Taas oo u horseedday diinta islaamka sumcad xumo kadib markii la baal maray farriinteeda.

Loona aaminay bulshada muslimka ah inay yihiin dadka qalalaasaha iyo kala dambeyn la’aanta dunida muslimka ah u horseeday.

Waxaa taas sii dheer inay horseedday amaba horseedi karto inay dib uga laabtaan dadka diinta soo galay, markii ay arkaan dhaqankan argagaxa iyo xag-jirnimada ah.

 

*Farriin:

 

Fadlan aynu iska qabanno cid kasto oo u horseedi karto Diinta Islaamka iyo Muslimiintaba falal dhinac marsan dhambaalka diinta.

 

W/Q: Naciima Xasan Xuseen

asmaa891@hotmail.com

 

SHEEKOOYIN