Aqooni waa aqris W/Q: Cabdulqaadir Cali Axmed

1264201_231557887002179_696387047_o

Aqooni waa aqris

 

Bartamihii 2005tii, ayaan dhammeeyay dugsi sare. Waxay ahayd, xilli ay dadka Muqdisho aqoonta u heellanaayeen, waxbarashaduna ka taya roonayd sida ay hadda tahay. Markii aan dhammeeyay imtixaankii ugu danbeeyay, ee aan nastay dhowr maalin, ayaan is iri; bal buug soo qaado, oo dhowr sadar aqri, aniga oo markaa buuggii ka la rogay, xilli galab ahna ay tahay, ayaa waxaa na soo salaantay Hooyo deris na la ahayd, kana warhaysay inaan iskuul dhammeeyay. Waxay i waydiisay:

“Oo kaalay miyaadan dhammeyn wixii la baranayay? Muxuu yahay buugga aad haysaa?” Waxay igu noqotay, su’aal da’wayn, oo i mashquulisay! Waan u garaabay hooyadaas fikirka ay ka haysato aqriska, maxaa yeelay, weli ma aysan dhadhansan macaanka wax aqriska.

Haddii aan hooyadaa ugu garowno, kuna garsiinno, in aysan iskuul dhigan- taas oo aysan iyadu eed ku lahayn- maxaan ku garsiinnaa, haddii ay su’aashaas oo kale, i waydiiyaan dad jaamacado ka soo baxay, oo haysta shahaadooyin sarsare?.

Diinta Islaamku aad ayay u dhiirrigelisay aqriska, marqaatina waxaa u ah, in Aayaddii ugu horreysay ay ahayd AQRI. Nasiib darro, dadka Muslim ka ahi, waxay ka mid yihiin, kuwa ugu liita xagga wax aqrinta. Haddaba, iyada oo ay aqrintu tahay wax la barto, iyaa haddana, dadku ku ka la horreeyaan wax aqrinta. Dad ayay nolol maalmeedkooda uga mid tahay, in ay wax aqriyaan qoraalna sameeyaan. Waxaa la is weydiiyaa, meeqa daqiiqo ayaad wax aqrisaa maalinkii? Imisa bog ayaad maalin kasta aqrisaa? Meeqa buug ayaad aqrisaa bishii ama sanadkii? Qof kasta, inta uu wax aqriyo, ayuu maskaxdiisa kobcin karaa.

Marka la joogo Somaaliya, qofka wax aqrinta jeceli, ka ma helo bulshada dhiirrigelin, tababarna warkiisba daa, waxaa intaa dheer, iyada oo ay dadku si dadban kuu nacsiinayaan aqrinta. Fikirka jaamiciga Somaaliyeed ka haysto aqriska, waa aragti u dhow tan uu qofka ummiga ahi ka aaminsanyahay, in wax la aqriyo! Haddii ay asxaabtaadu ku arkaan adiga oo buug aqrinaya, su’aalahan iyo kuwa kaleba way ku waydiin doonaan:

Saaxiib jaamacad miyaad billowday? Iskuul cusub miyaad aaddaa? Macallin miyaad tahay? Ma imtixaan ayaad diyaarinaysaa? Waadiga buug weyne, ma bare ayaad isu badashay? Buug ka ma weynaatid miyaa?

Su’aalahan iyo kowa la midka ahi, ma ahan kuwo dhiirrigelinaya, in qofku wax aqriyo, ama uu aqoon kororsado, wayna dhacdaa, in dad badani ka xishoodaan wax aqriska iyo qorista, ka dib marka ay jawaabo u heli waayaan su’aalaha uga imaanaya bulshada ay ku dhexnoolyihiin! Dadka dunida wax ku soo kordhiyay, ma ahayn dad uun is ku koobay, intii ay iskuul ama jaamacad ka barteen. Waa kuwo furaha laga siiyay iskuulka/jaamacadda uga faa’iidaystay, in ay ku furtaan albaabbada ogaalka, si ay gudaha ugu galaan cilmiga. Ma is waydiisay laba wiil ama laba gabdhood, oo hal sano ka wada qalinjebiyay iskuulka ama jaamacadda, oo midna uu aqoon leeyahay, kii kalena uu tii iskuul halmaamamy, mid kalena uusan siyaadsan? Sirtu waa wax aqriska iyo aqoon kororsiga.

 

FAA’IIDOOYINKA WAX AQRISKA:

 

Marka aad aqriso aragtiyo ka la geddisan, ayna ka la qabeen dad aan is ku fikir ahayn, waxaa kugu dhasha su’aalo badan, oo ah; yaa labadan fikir xaqiiqada u dhow? Fikirkan qofka keenay, muxuu cuskaday? Mararka qaar waxaa laga yaabaa, in ay kuu soo baxdo aragti seddaxaad, waxaadna xaqiiqsanaysaa, in ay runtu u dhexayso labada ra’yi. Tusaale ahaan, marka aad aqriso buug laga qoray waxqabadkii maamulkii Maxamed Siyaad Barre iyo mid kale oo looga faallooday caddaaladdarradii iyo gaboodfalkii uu gaystay, waxaa kugu dhalanaya su’aalo ah: Dowladdii mellaterigu ma ahayd maamul suubban? Muxuu maamulkaasi dalka ku soo kordiyayay, oo xumaan ama samaan ah?.

In kasta, oo aan la soo koobi karin faa’iidooyinka aqriska, bal aan dhowr qodob ka xusno:

  • Aqrisku, wuxuu kaa xoreeyaa ciriiriga dhuleed iyo waqti, oo qofku dhul badan, oo uu san lugihiisa gayn, ayuu aqrisku geynayaa, waqti uu san nooleynna ummaddii joogtay ayuu waayahoodii ogaanayaa.
  • Aqrisku, wuxuu kobciyaa xusiista qofka.
  • Aqrisku, wuxa uu qofka ka dhigaa, mid wax saadaalin kara.
  • Aqrisku, wuxuu kugu caawiyaa, in aad gaartid guulo badan, oo aad ku hamminaysay.
  • Aqrisku, wuxuu kaa jeediyaa welwelka, buug aad aqrisay, ayaa ku illowsiiya walaacii ku haystay, kuuna sawira duni kale, oo xasilloon oo aad ku raaxaysato.
  • Aqrisku, wuxuu kugu caawiyaa helitaanka macluumaad badan, oo kugu gacansiiya, in aad xalliso duruufaha nololeed, ee ku haysta.
  • Aqrisku, wuxuu ku siiyaa, caqli iyo murti cusub, oo aad wax ku abuurto, buugta waxaa ku kaydsan fikrado iyo aqoon wixii dunidan soo maray.
  • Aqrisku, wuxuu kuu fududeeyaa qabashada waxyaabo badan, oo aad is lahayd suuragal ma ahan in aad qabato.

Ummadda wax aqrisaa, waa ummad horumarsan, oo ka ilbaxsan ummadaha kale. Dalalka horumaray, waxay caan ku yihiin maalgelinta aqoonta iyo goobaha aqriska. Ummadaha dib u dhacayna, waxaa lagu gartaa, in aysan daryeelin aqoonta iyo goobaha aqriska, dadka aan carruurtooda ku barbaarin aqriska, waxay halis ugu jiraan, in ay ka dhacaan horumarka dunidan ku socda. Dadku sida ay u ka la horumarsan yihiin, waxaa lagu qiimiiyaa: Literacy-ga ( Inta wax aqrisa iyo kuwa aan wax aqrin ) Waxaana la is ku raacsanyahay, in qofba kan uu ka aqris badanyahay, uu ka aqoon iyo garashsa sarreeyo.

 

W/Q: Cabdulqaadir Cali Axmed

E-mail: abdulkadiralieco@gmail.com

SHEEKOOYIN