ARADNAANTA UMADDA EE AFKA HOOYO….

Afka HooyoARADNAANTA UMADDA EE AFKA HOOYO.

Inta badan marka aad booqatid baraha bulshada waxaad dareemeysaa is fahmi waa u dhexeeyo bulshada soomaaliyeed ku gaar ahaan da’ yarta iyo Hal abuurka soomaaliyeed oo iyaga ugu badan adeegsiga aaladaha lagu wada xiriiro ee bulshadu ku kulanto iskuna dhaafsatto aragtiyaha, sida:- Faysbuugga (Facebook & Twitter) marka aan leeyahay Hal abuur aqriste waxaan ula jeedaa dadka wax qora ama curiya Suugaanta iyo sheekooyinka kala duwan.

Suugaanta soomaaliyeed ayaa leh qaybo kala duwan, qeybaheeda ayaa wuxuu hal abuurku u adeegsadaa inuu ugu gudbiyo, aqristayaasha ama dhegeystayaasha farriimo iyo halkudhigyo uu u arko inay waxtar u leeyihiin bulshada lana wadaago farriimahan ayaa ah kuwa aad muhiim,

Haddaba hal abuurka Soomaaliyeed ayaa waxay curinta iyo qorida ku bixiyaan waqti aad u qaali ah, dhinacyada Curinta qorida, faafinta iyo bandhigaba.

Waxaa dhacda in mararka qaar inta badan wax laga weydiiyo faah faahin ama qeexida araahda dulucda iyo erayadaba, mararka qaar eray eray gaarsiisan iyadoo intaasoo howl ah uu hal abuurkii maray ayaad arkeysaa in falanqeynta dhallinyarada inta badan eey ku soo gabagabowdo xaba kama fahmin.

Hadaba baahida iyo oonka xad dhaafka ee Afeed ee bulshada markaan arkay ayaan is weydiiyay su’aalo afar ah oon iila muuqday ineey u baahan yihiin is dul taago lana lafa guro.

Su’ aasha 1aad: ma ummadda ayaan rabin ineey afkooda fahmaan ?

Su’aasha 2aad: Ma hal abuurka ayaa xushay erayyo aan afkaba ka mid eheyn?

Su’aasha 3aad: Ma is dhexgalkii afguriga iyo lahjadaha afkeenna ayaa ka mid noqday aanooyinka lakala tirsanayoo ogaan baa leysu diidsiinayaa?

Su’aasha 4aad: Ma afafka shisheeye ee aqoonteenna gun dhigga u noqday ayaa sabab u ah is fahmi waagan?

Hadaba haddii aan isku dayo inaan ka jawaabo su’aasha ugu horreyso. .

Af kasto ee umadi leedahay waxaa hubanti ah inuu mar walbo koro oo kobco kuna soo biiraan eray bixinno cusub kuwaasoo inta badan kasoo burqado magaalooyinka iyo deegaamada umaddaasi ku dhaqantahay.

Haddii aaney jaan gooyo iyo dabbaqaad cilmiyeysan helinna aad u dhallan roga Erayga iyo oraahdii soo jireenka ahayd, ee umaddu isku fahmi jirtay islana fahmi jirtay. taasoo ugu dambaynta keenta in eraygii soo jireenka ah noqdo dhawaangal ama wax ku cusub dhegaha maqalkiisa, halka kii dabadii curtey noqdo mid laysla yaqaan.

Waxaay arrintani keenta in intii isla Oolin iyo xaydaab iyo xaafad ahiba ama isku dugsi iyo deyr ahba ineey yeeshaan Af gaar ah iyo erayo u guran oo ay isla yaqaanan.

Arrintani waxay sababtaa iineey isku dayaan dedaal dhaqangelineed iyo faafin ay ku kasbanayaan in Ereybixintoodii iyo halkudhegyadii ay samaysteen ay ka dhigaan wax jirey oo bulshada ka gadaan, iyagoo u adeegsanaya awood maskaxeed ayay isticmaalaan arrimo dhawr ah oo ay ka mid tahay in qofka aan la aqoonin yahay mid ka dambeeya ama dib uga dhacsan ilbaxnimada Af iyo aqooneed ee jirta, is af garashadoodii koobneyd eey ku asqeeyaan tii guud ee bulshada cidi aan la fahmeynna ku asteeyyaan cid afkiiba dibu dhac kaga yimi oo afreer magaalkii aan laba socan baadiye uuna ku xiran oo aan nololba lala qeybsan karin. .arrintan oo soo if baxday ka dib burburkii dowladdii dhexe ee umaddu kala tagtay dhammaan hey’ adihii maamulka dalkuna noqdeen kuwo aan shaqeyn nabadga- yadiina alloow sahal noqotay, Abaaro iyo aafooyin badanna eey soo noqnoqdeen ayaa noloshii miyiga ee inta badan Afka iyo dhaqankuba u hidde sheegan jireen noqotay mid laga hayaamo loona diga rogto magaalo joog aan meel fog sii jirin.

Qofkii nolol miyi lagu tuhmana waxaa laga dhigay TUKE BAALCAD iyo in farta lagu muuqo iyadoo ay la socoto, Bahdilaad iyo yasmo loogu tar iyo tamar sheeganayo magaalo iyo nolosheeda.

Arrintani waxay dhalisay in qofkii ka salkaco aqoontii iyo garashadii dhaqan iyo dhur wuxuu lahaa isagoo lagu badowsado, waxyaabaha yare eek a dhinaa aqoontiisa, sida “ Qaab lebiska. Qoraalka Afka Soomaaliga, aqoonta Aalladaha laga soo dhoofiyey waddamada kale iyo joogitaankii magaalo ee looga soo horreeyey”

Lama dhihi karo reer miyigu wax ma qoraan waayo intooda badani waxay bartaan qoraalka Afka Carabiga oo dhinaca diinta ay u fududeyso, qaarkoodna sidey u kala dedaal roonyihiin waxayba ku darsadaan qoraalka Soomaaliga haba ku yara adkaade.

Haddaba takoorida iyo fanteynta reer miyiga ayaa sababtey in qofkii ogaal iyo aqoon u lahaa hawlaha iyo hannaanka nolosha miyiga Af iyo Aqoonba inkiro maadaama lagu ceebeynayo oo laga yaabo inuu ka qoomamoodo haddiiba uu soo hadal qaado noqdana qof takooran.

   Jawaabta labaad. een isku dayayo ayaa iyana ah. Hal abuurka soomaaliyeed ee rabo inuu erayo curiyo. TIX AMA TIRAAB.

Mideey noqotaba. Inuu aad ugu deddaalo inuu adeegsado erayo culculus oo kala dhumuc iyo dhadhan wanaagsan, ah si uu hal abuurkiisa miisaan ugu yeelo waayo eray kasta erayga uu ka qaddiimsan yahay wuu ka micno iyo xeel dheer yahay erayga af suuqa ah ee maalin walbo nolosha loo isticmaalo curiyuhuna wuxuu xushaa inta badan adeegsiga ereyo uu is leeyahay ku soo jeedi dareenka dadka uu rabo inuu wax u sheego taasoo isfahmi waagii qeyb ka noqotay maadaama eray kasto ee qaddiim ah uu miyi ku abtirsado dadkiina eeyba iska jireen reer miyinimo si aaney ugu ceeboobin noloshaa adage laga gudbay intii fahmeysana waaba iska inkireen si eey isu magaaleeyaan.

Jawaabta saddexaad. Waxaa laga wada dharagsanyahay umadda soomaaliyeed ineey soo martay colaado sokeeye oo heer kasto oo nolosha ah saameyn xoog badan ku yeeshay taasine waxeey sababtay in dakanooyin badan lakala tirsado is dhex galkiina uu gaabis ku yimaado, Af, Dhaqan iyo dhaqaalaba reer walibane degaankiisa uu ku oodnaado si uu qolyahaa kale uga nabad galo.

Tiiyoo aanaduna eey meesha ka marneyn iyo cuqdad kala dhex gashay umadda sababna u noqotay in af guriga uu hal abuurkan adeegsaday daraadeed in badanoo bulshada ka mid ihi u heyb soocaan tixdii ama tiraabtii murtiyeysney ee curiyuhu sameeyay iyadoo eey murtidiisu dhaxal gal tahay cuqdad deegaan ama reereed aawgeed.

Jawaabta afaraad. Maadaama aan ka soo faallooday sababaha is fahmi waaga aan u arkay ineey dhaliyeen anigoo,Is barbar dhig iyo u dhabba gal muddo dheer soo waday kuna saleysan tix raac iyo aqrin aan ku falanqeeyey kuna rogrogey qoraallada lagu wadaago baraha bulshada eey ku xiriiraan kana koobnaa qoraallo isugu jiro MAQAALLO. TIXO. HOWRAARO SHEEKOOYIN IYO Faallooyinka eey bulshadu ka bixiyaan (commentts)ka ayaan dareemay ineey iyana raad xoog badan ku leedahay is fahmi waagan xagga wax barashada iyo luqadaha shisheeye ee dadka intii dhooftayna eey dhulkii shisheeye ugu tageen af qalaad.

Intii dhulkii hooyo joogtana lagu sidkay manhajyo waxbarasho oo laga soo min guuriyay dalal shisheeye oo iyagaba sii kala jeedo qof kastana lagu ababiyay inuu ka sara mariyo afkan uu wax ku bartay inta ka soo hadhay kiisii hooyana haka mid ahaadee.

Haddaba arrimahaas oo is biirsaday ayaan is leeyahay waxeey sababeen in umaddii oo isku af sheeganayo haddane inaaney is fahmin, waana dhaxal guur dadkeenu ku socda haddii aanan laga dhiidhiyin loona howl galin sidii leeysula meel dhigi lahaa xeer Afeed umaddu isla qaadato oo ku jaan go’an aqoon iyo isu dheelitir laga keeno deegaan walba, Afarta jiho ee Soomaaliyi degto, Koonfur, Bari, Galbeed iyo Waqooyi, waana lagama maarmaan ah aragtideyda waayo haddii deegaannadii noo kala qeybsameen qolo kastaana meel oodatay.

Afkii waa noo dhex mana qeybsamayo waxana u baahan nahay is faham oo afku waa kii hooyo ee soo jireenka ahaa weligena aan ku hadalkiisa ku mideysnayn, xitaa haddii dowladnimmada iyo qoraalku ka hor loo laabto dadku waxeey wadaageen Afka soomaaliga oon waliba qorneyn dadkuna u qeybsanaa boqortooyooyin iyo maamullo beelo ku saleysan sideey taariikhdu warineyso misne waxeey ka mideeysnaayeen ilaashiga Afka umadaha kale eey kaga soocnaayeen ee soomaaliga aqoontooda diin iyo maaddina ma gaarsiisneyn heerka maanta aan gaarsiisannahay walibana afkii oo noo qoran inaan ilaashan weyno waa eed aan ka galnay aabbe yaashii afka hooyo isku howlay qoristiisa iyo taabagelintiisa.

Raggani inkastoo ay ku guuleysteen intii badneyd, haddana weli waa qabyo maadaama Eray bixinta waxyaabaha inooga yimid dibada aanay saldhigin loona helin hay’ad maareysa oo lagu mideysan yahay, si kastaba ha ahaatee way ku kuna guuleystay dhigaalkan iyo dhaxalkan ineey noo hibeeyaan waalidiintii dhigmada afkana noogu asteysan rag iyo dumarba kuwaasoo uu ugu nolol danbeeyay.

DR XUSEEN SH AXMED KADARE. Oo toddobaadkii hore ku geeriyooday magaalada Xamar. waxan leeyahay RABBI HOW NAXARIISTO dhammaan. SHAQSIYAADKII NOO REEBAY DHAXALKAN QAALIGA AH OOY UGU HOREEYAAN GUDDiGiI QORISTA FARTA SOOMAALIGA iyo waliba qoryaashii ku mintiday xiligii adkaa ee bur burka oo wax badan laga faqriyay haddana eey tahay in eber laga soo billaabo afkuse wali waxaan heynaa aas aas fiican, Waxana ku ammaanan intii u kacday dhawaq iyo dhigaalba ineey waariyaan alle ayaa ku mahadsan nagu manneysatay inuu afkan nagu I’ll haamiyay oon umadaha kale uga soocannahay ilaa maanta.

W/Q. Cali Maxamed Maxamuud

alimaxamed1@hotmail.com

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.