Argagixisanimo W/q:Cabdikariim xuseen

 

Swirka Cabdikariin Xuseen

Argagixisanimo

Hordhac

Dhammaadkii dagaalkii qaboobaa iyo burburkii midawgii soofeet kadib waxa dunidu ku habsaday dheelli awoodeed, oo fursad siisay Maraykanka iyo xulafadiisa si ay dunida ugu fallaadaan; Kaadhadhka ay adeegsadaan waxa ka mid ah dagaalka lagu la jiro argagixisada. Iyadoo aan la isku raacsanayn ereybixinta iyo cidda loo la jeedo argagixiso, ayaa laga dhigtay shaati loo xidho cid kasta oo la maaggan yahay in la gumeeyo, dalal badan baa loo dumiyey, malaayiin rayid ah baa loo silciyey, malaayiin kalaa noloshooda lagu galaaftay, kumaanyaalbaa xabsiyada loogu dulleeyey. Si argagixiso loo la dagaallamo waxa loo adeegsaday awood kasta oo la haystay (ciidan, dhaqaale, warbaahin) . Dhanka kale duul baa waagii beryababa dadka ku gumaada iyagoo adeegsanaya magaca Islaamka, falalka bahalnimda ah ee ay geysanayaan gaalo iyo muslinba waa ay ku mooraduugaan, duulkaasi waxa ay ku andacoonayaan diin u gargaarid, misana xididdada ayey u siibayaan, waa caada qaatayaal aan arxan iyo anshaxtoona lahayn. Qoraalkan kooban waxa aynu dul istaagi doonna Argagisanimadu waxa ay tahay , Iyo cidda argagixiso ah.

 

Argagixiso maxaa ay tahay?

 

Erayga argagax wuxu la micne yahay anfariir, yaxyax ikk oo afkeenna ku jira tilmaanna ka bixinaya dhibka laga la kulmo fal, ama dhacdo. Erayga Terror asalkiisu waa laatiin, Afka ingiriisigu wuxu ka soo ergistay afka Faransiiska. Ujeeddo ahaan kama foga kan Soomaaliga ah, ama Carabiga ah, Tusaale ahaan qaar ka mid ah qaamuusyada ingiriisigu sidan baa ay ku micnaynayaan:-

 

  • Oxford dictionary:   Terror: very great fear/ Cabsi aad u daran.
  •  Terrorism: the use of violent action/ adeegsiga     Falal cunfi ah.
  • Mariam webister:           
  • Teror:   Cabsida aadka u daran.

Terrorism: falalka arbushka ah ee ay adeegsadaan qof , koox ama dawladi si ay u cabsi geliyaan ama u waxyeelleeyaan dadka iyadoo looga golleeyahay in la fushado dano siyaasadeed.

Dhanka eray bixinta siyaasadda erayga argagixsanimo markii ugu horreysay ee si rasmi ah loo adeegsaday waxa ay ahayd xilligii lagu jiray kacdoonkii Faransiiska oo falalkii dadqalnimda ahaa ee kacaandiidka lagu la kacayey lagu sifeeyey falal argagixisanimo ah, muddadii u dhaxaysay 1793-1795 ayaa lagu magacaabay Cahdigii argagixisada.

Sida aynu horeba u soo tibaaxnay weli la iskuma raacsana eraybixin keli ah oo si faahfaahsan u tilmaamaysa argagixisanimada, heer ay gaadhay in dawlad keli ah hay’adaheeda amnigu aaney isku waafaqsanayn argagixiso waxa ay tahay; tusaale ahaa:

Sirdoonka Maraykanku waxa ay argagixiso u yaqaannaan: “Hagardaamo kasta oo loo adeegsado in ujeeddooyin siyaasadeed oo qof ama kooxi leedahay lagu fushado”  Dembi baadhista Maraykanka FBI: Waxay argagixisada ku sheegeen: “ ku kicista falal hagardaamo ah oo bulshada halis gelinaya, sharcigana ka soo horjeeda”.

Wixii ka danbeeyey 11 sebtambar 2001 argagixisadu weji kale ayey yeelatay galbeedku iyagoo adeegsanaya awooddooda warbaahineed waxa ay dunida ka dhaadhicyeen in argagixisada dagaalkeeda lagu dhawaaqay tahay muslimka xagjirka ah oo ay ula jeedaan qof kasta oo astaan Islaamnimo laga dareemo, waxa la hawl geliyey nooc kasta oo warbaahin iyo Fan ah si loo muujiyo argagixisanimada islaamka, inta badan aqoonyahankooda arrimahan ka faalloodaana waxa ay afka ku ballaadhiyeen sida Islaamka iyo argagixsadu isugu sidkanyihiin.

Dunida muslimku in kastoo ay la ciirciirayso shaambadda argagixisanimo ee lagu dhejiyey haddan dhankooda waxa ay isku dayeen in ay iska moosaan daadka ku soo faruurmay dhowr eraybixinood oo ay argagixisada ku micneeyeenna waxa ay yihiin:

ulanka Fuqahada Islaamka : “ Xadgudub kasta oo ay gaystaan qof, koox ama dawladi oo keenaya cabsigelin, waxyeello iyo dilba”Wasiirrada A/gudaha ee Carabta: “ Falkasta oo xadgudub ah, kaasoo fulinaya mashruuc dhagareed cidi maleegayso, ujeedkiisuna tahay cabsigelin iyo waxyeello’’.

Marka aynu isku foodinno macnaha afeed ee erayga argagax leeyahay iyo eraybixinaha kala taggan ee qolo waliba iskeed u fasiratay,   waxa inooga soo baxaya Cidda argagixisadu tahay, oo noqonaya dawlad ama koox ka duulaya dano siyaasadeed, kuwo dhaqaale iyo qaar dhaqan ba.

 

Yaa Argagixiso ah?

Sida dad badani qabaan argagixisanimada waxa samayn kara uun laba middood: Dawlad ama koox.

B- Argagixiso Dawlad ah.

Duullaaanka dhagareysan ee quwadaha waaweyni weligoodba dunida ka wadeen waa argagixisanimada heerkeeda koowaad, uguna waxyeellada badan. Argagixisanimada dawladaha waxa tusaale u ah:-

 

  • Gumaysigii reer yurub kula kaceen dadyowga kale ee dunida ku dhaqan, ay ku bahdileen, dhaqannadoodii iyo ilbaxnimooyinkoodiina ku bururiyeen, khayraadkoodiina ku biliqaysteen.
  • Bahalnimada qaawan ee ay Yuhuuddu muddada dheer ku hayaan dadka reer falastiin, dhulkoodiina ay kaga faramaroojiyeen iyadoo dunida oo dhami daawanayso.
  • Fadqalallada ay dunida ka wadaan Maraykanka iyo xulafadiisu, ee bulshooyinka badan silica iyo saxariirka lagu baday, bal u fiirso sida ay dabka u sudheen dalalkan: Fiitnaam, Ciraaq, Afgaanistaan, ikk.
  • Hagardaamada joogtada ah ee hoggaamiyeyaasha kelitaliska ahi ka wadaan dalalka ay ka taliyaan , iyo sida bulshooyinkaa loogu dulleynayo hantidoodii iyo dhulkoodii, mararka qaarna shisheeyaha ula kaashanayaan cidhibtirka dadkooda , Suuriya waxa ka socdaa inagama dheera, oo waa dhaqanka dawlad argagixiso ahi samayso.

Waxa intaaba isku fuuqsanayaa waa iyadoon cidina falalka dawladuhu sameeyaan u aqoonsanayn argagixisanimo.Halabuurkii Soomaaliyeed Maxamed Xaashi Dhamac ‘Gaarriye’ ayaa maansadiisii Wootargeyt si farshaxan ah ugaga faallooday argagixisanimada dawladaha reer galbeedku ka wadaan dunida qaybo ka mid ah:

 

  • Wixii aad baddeen buu khalqigu weli la taahaaye.
  • Walaalnimadii aan koolin jirey waadhka yaa geliyey?
  • Nabaddiyo wanaaggii ayaa wegeradka u gooyey?
  • Isagoo takoor wada ayaa laba wejiileeya?
  • Waadaasha xoolaaha lumaa weere waw halise .
  • Hadba weerka naag bow xidhaan wayday kii qabaye.
  • Sida ceel wiyiiraad kol hore nooga wabaxdeene.
  • Wershaddiina dhiigaan tufaa lagu waraabshaaye
  • Garaad malaha ruuxii wabiin wacad la qaataaye
  • Ka ilbaxay wallaahida afka ah iyo walalac beenaade.
  • Alla weger ! waxaa belo dhigteen waa ka waasacane!
  • Niksan way la sahal ceeb haddaad ka werweraysaane
  • Qirta wootar geydadu ka badan taydun weriseene.

Fiiro gaara: tucucyada gabaygani isugu ma xigaan sidii uu abwaanku u tiriyey qaar baa ka dhex maqan.

T- Argagixiso kooxeed.

Haddii aad maqasho erayga argagixiso ama dagaalka argagixisada waxa loo la jeedaa tan aynu hadda ka hadleyno, weliba kooxaha muslimka ku abtirsada ee dagaalka iyo falal arbushka ah ka wada meelo badan oo dunida ah.

Fadqalallada fikir ee dunida Islaamka maanshaysay qarniyadan u danbeeyey iyo dibudhaca baahsan ee dhan walba ah, dadyowga muslimka ahina la ildaranyihiin, ayey ka dhasheen fikrado liddi isku ah oo xal raadis ahi, qolo waxay ku baaqeen in muslimiinta ku horumari karaan iyagoo duuduub ku liqa ilbxnimada reer galbeed, jidkoodan qaada, qolo kalena waxay ku baaqeen in Islaamnimada laga fogaaday loo soo noqdo, fahannada qaldan iyo khuraafaadka lagu la dhex dhacayna laga jofo. Aragtiyahaa is hirdiyaya dhexdooda waxa ka soo baxay kooxo mayal adag, oo xalka u arkay in dhiig faraha lala galo, si qaldanna u adeegsaday jihaadka sharciga ah,soo nooleeyey aragtiyo xilliyo hore lagu le’day oo islaamka mashaqo ka dhex dhaliyey, afkaarta gaalaysiinta iyo kala faquuqa ummadda iyagoo ka duulaya ayaa ay nololshii muslimiinta cidhi geliyeen, ciddi doontaa , qarax joogto ah oo inta badan dad rayid ahi ku waxyeelloobaan, iyo rabshadu ay bulshooyinka islaamka ah ku bahdilaan ayaa ugu sahlan dhibkooda. Kooxaha maanta loogu hadal hayn badan yahay,sida :- Daacish, Boko xaraam, Al shabaab, Al qaacida, waxa ay caddibaan waa muslimiin, qaraxyadooda iyo hubkooduna waxa ku le’daa waa muslimiin, Waxa ka sii daran sawirka foosha xun ee ay Islaamnimada ka bixiyeen.

Islaamka iyo muslimiintuba beri baa ay ka yihiin falalka noocaas ah.Diinta Islaamku waa diin nabadeed oo aan jujuub iyo cunfi horena ugu faafin, haddana aan ku dhaqmin. Kooxahaas damiirka iyo dadnimadaba ka arradan waa in dhan looga soo wada jeestaa, aragtiyaha ay adeegsanayaan, hilfaha loo laabaa.

Tixaac

 

1- Merriam -webister dictionary.

2- Oxford dictionary.

  1. Various Definitions of terrorism.
  2. مفهوم الارهاب بين الاسلام و الغرب—– د. احمد شبكي
  3. تعريف الإرهاب والتفريق بينه وبين الجهاد و القتال…..جماعة من العلماء
  4. . Hagarlaawe… Diiwaanka maansooyinka Gaarriye.

 

 

Email:Cabdikarim89@hotmail.com

Barta Faysbuugga ee Cabdikariin Halkan guji.

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.