ASALKA SUUGAANTA W/Q Barbaariye: Bashiir Cali Xuseen

ASALKA SUUGAANTA

Is weyddiintu, waxa ay na leedahay: “Waa maxay Suugaan?”

Suugaani, waa hadal faracyo leh, kaas oo markiisa horaba ah dhawaaq ka soo dhex abuurma carrabka iyo labadiisa daan, celcelin iyo isu dhiidhiibid ka dibna ay dibadda u soo tuuraan afka iyo labadiisa bushimood, si uu dhawaaqa halkaas ka imanaya uu u sameeyo cod la fahmi karo, la qori karo, lana aqrin karo, isla mar ahaantaana leh macno muuqda oo la wada garan karo.

Hadalku waa isgaarsiinta uu banii’aadamku isku af garto ee uu noolaha intiisa kale uu kaga duwan yahay, guud ahaanna, waxaa uu ku tusmeysan yahay magaca ah “Suugaan”, taasi oo markii si hoose loo sii kala furfuro ay ka dhalanayaan ereyo iskaabaya iskuna lammaanan, sida: “Tix iyo Tiraab, amaba Hadal iyo Howraar”.

Tixda iyo tiraabta dhalad ahaan, marka aan u fac tirinno ama aan hoos u sii milicsanno, waa ereyo mataano ah oo uu midba midka kale uu u yahay caawiye, waxaana labadooda jiritaan ahaan u curadsan (Tiraabta) oo ah hadalka ay tixuhu ka soo unkamaan amaba ay ka soo dhashaan, waana halka abla-ableynta maansada laga soo dhiraandhiriyo, marka uu hal-abuuruhu uu maansada curinayo, waayo haddii aanu hadal jirin tixi ma abuurmi karto.

Qarnigii 18aad, wixii ka horreeyay macnaha ereyga suugaan, dadku waxa ay u adeegsan jireen wax kasta oo sammaan iyo wanaag ay ka muuqdaan, tusaale ahaan; Waxaa suugaan loogu yeeri jiray, waxyaabo aad u fara badnaa oo kala magac iyo kala micnaba ahaa oo ay ka mid ahaayeen: (Cosobka, maaxda, miidda, labeenta, heenka, budada iyo inta mudnaanta iyo wanaagga ku sifowda ee milgahoodu uu ka soo jeedo dareenka dhedhenka leh ee isugu soo urura carrab sammaanta iyo oddoroska wax kasta oo himiladiisa suubbani iyo bilic samaan laga dheehan karay.

Haddaba, isku soo wada duuboo qarniyo ka hor, suugaan, waxaa loo aqoon jiray micnaha ay hadda leedahay mid ka duwan oo sifooyinka wanaag iyo qurux ah bay weligeedba ku soo abtirsaneysay sida:

  • Udugga saxansaxada = Suugaan
  • Doogga cosobka ah = Suugaan.
  • Labeenta caanaha = Suugaan.
  • Maaxda biyaha = Suugaan.
  • Heenka dufanka = Suugaan.
  • Miidda malabka = Suugaan.
  • Budada badarka = Suugaan.
  • Hadalka macaan = Suugaan.
  • Wanaag oo dhan = Suugaan.

Xilliyadii hore, suugaanta macnihii iyo magacyadii loo yiqiinnay, maanta waa ay ka soo gudubtay oo macna kale, ayey yeelatay, waxeyna ku soo koobantay oo keliya magaca ah: ”Suugaan” oo iyaduna sii noqotay lammaane kala ah: (Tix iyo Tiraab) kuwan oo iyaguna dhismo ahaan iyo magac ahaanba ku sii kala duwanaanaya, iyada oo ay dadka qaarkiina haatan magaca suugaan, u yaqaannaan, in ay tahay uun (Maanso) oo kaliya ama tixo howraareed ay hal-abuurradu curiyaan, balse, sidaasi ma aha ee si kale oo ka duwan weeye kana muc weyn.

Qeexitaanka suugaantu, waa hadalka guud oo isku duuban una sii kala baxaya “Tixda iyo tiraab amaba hadal iyo howraar”. Isweydiintuse, waxaa ay tahay “Ereyadan lammaanaha ah ee aan kala harin, maxay ku kala duwan yihiin oo kala saaraya dhismaha iyo nuxurka hab socodka tilmaamaya magaca jiritaankooda?”

Tusaale ahaan: Tixdu, waxa ay leedahay, seddex tiir oo jiritaankeeda laga ma maarmaan u ah oo midkood la waayo ay maansadu marinkeeda seegeyso, waxaana tiirarkaasi seddexda ah ka mid ah, amaba ay kala yihiin:-

  1. Xaraf raac (Qaafiyad)
  2. Isla ekeyn (Miisaan)
  3. Abbaar (Ujeeddo)

Seddexdaasi tiir, ayaa ah, ningaxa lagu sargooyo curinta tixaha iyo isla ekeynta ereyada siiba dhanka miisaanka, iyada oo aan laga weecaneyn ujeeddada uu curiyuhu u doortay, yoolka uu maansada ka tirinayo.

Dhinac kale, haddii aan ka eego, kala duwanaashaha tixda iyo tiraabta, tixdu waa wax la xusaan karo oo maanka qofka ku raaga sanooyin badanna mahmaah iyo oraah xikmadeed laga dhigto murti meel mar ah iyo ereyo suubban oo dowgal ahna noqda, kuwaasi oo aan sal guurin bulshada ku dhaqmeysana dhaxal waara u noqda.

Tiraabta ama hadalka qubanaha ahi, waxaa uu tixda uga duwan yahay, waa hadalka maanta oo dhan ay dadku ku wada hadlaan, sidaa darteed mid la xusuusan karo ma aha. Mid sargo’an oo sida tixda u misaamanna ma aha. Mid abbaar iyo ujeeddo gaar ah lehna ma aha ee waa uu dulucyo badan yahay xikmad adeegsigiisuna, waxay dib ugu noqdaan oo dhinac ka soo kaaba tixaha oo inta badan aad u murtiyeysan, maxaa yeelay, “Tiraabta iyo tixduba wey is kaabaan mana aha, kuwo ku kala maarma qaabka hadalka iyo guud ahaan, sida loo adeegsadaba”.

Qarniyaal ka dib, magacii guud ee ahaa suugaan waxaa beddelay; ”Fan” magacii ahaa suugaanna waxaa uu ku soo haray oo kaliya magaca ah: “Maanso” oo inta adeegsatana loo yaqaanno: “Hoobal iyo hal-abuur” iyada oo ay dadka qaarkiina u yaqaannaan:“Fan iyo fannaan ama fanka iyo fannaanka” waana magacyo asalkooda uu carabi yahay, balse, qodobka raacsan dartii lagu Soomaaliyeeyay.

Fanka qeexiddiisu aad bay u fara badan tahay oo waa filsami lagu xaq dhowro hannaan wanaag dadnimo leh iyo weliba ababin suubban oo howl qabadkeedu uu dugsanayo sharci iyo xeerar sugan oo garsoor iyo xeer beegti leh, kuwaas oo sii cuskanaya dhaqan iyo hiddo ab laga soo gaar ah oo ku dhaadasho leh iyo ilaalinta diin muqaddas ah oo lagu ma xad gudbaan ah!.

Fanku sidiisaba waa qurux, sida uu macnaha carabiga ah uu ku yahay, sidaa darteed, magac ahaan iyo dhaqan ahaanba fanku waa uun sammaan, sooyaalka raadadkiisii horana bilic bey ahaayeen, timaaddada iyo aayaha danbana waa filsami aan xumaan yeelan karin, haddii aanan si ku tala gal ah loo xumeynin.

Qaab adeegsiga fanka, cid kasta oo wax xun ku dhex sameysa ama si aan sax aheyn u adeegsatana, waxay si cad oo qayaxan u diiddan tahay amaba si aan gabbasho laheyn ay uga soo hor jeedda “Quruxda, bilicda, filsamida iyo wanaagga leh iyo sammaanta guud ee uu idil ahaanba nafluhu wada jecel yahay!”

Si kasta oo ay ahaataba, hoobalka iyo hal-abuurkuba, waxaa la gudboon, in ay mar waliba ahaadaan amaba ay u muuqdaan barayaal barbaariyeyaal ah oo har iyo habeen bulshadooda u daaddaheeya dhanka horumarka guud iyo la tartanka caalamka, iyaga oo si dhab ah mabda’ ahaan ugu tiirsanaanaya amaba u sii cuskanaya damiir hal adeyg iyo kalsooni leh iyo weliba asluub sami daacadnimo iyo waddaniyad dhab ah xanbaarsan.

Haddaba, hibada gaarka ah ee hoobalka iyo hal-abuurka, waxaa ay ku hanaqaadaan oo ay ku tayoobaan curimaha turxaan baxsan ee xuma ka dhowrka iyo faaf reebkaba leh ee sida hufan looga ilaalshay saxarada qarda jeexa iyo marin habowga leh ee suugaanta godadkeedii ka leexiyay miisaan ahaan iyo ujeeddo ahaanba.

Ku tala galka iyo ujeeddada qoraalka bandhig suugaaneedka ah, waxaa weeye, in ay bulshadu aad u fahamto indhahoodana lagu soo jeediyo dhaqanka iyo hiddahooda suubban ee farshaxanka iyo suugaanta lagu ilaaliyo, sidoo kale hoobalka iyo hal-abuuruhuna waxaa laga doonayaa garashada xilka iyo farriimaha culus ee ay bulshada u sidaan, iyaga oo mar walba ku howl galaya isna weyddiinaya su’aalaha kala ah: “Maxaa dhaqan ah? Maxaa dhib iyo dhaqan xuma ah? Maxaa dhiman, maxaase dhammeystiran?”

Adeegsiga iyo barashada suugaanta, waxaa ay si sahlan oo dhib yaraan ah, aayar kuu deeqsiin doontaa tusmooyin gaar ahaaneed iyo hogatus maankaada ka daahnaa oo kaa shaki bixin doona raad goobka wixii kaa qarsoonaa ama kaa gedmaday iyo tabashadaada faneed ee ceeryaamada iyo shucaaca leh una baahan iftiimin ku aaddan hab dhismeedyada kala duwan ee ay ka kooban yihiin dhinacyada ama qeybaha suugaanta ee ku saabsan tixaha maansada iyo tiraabta xikmadeysan ee ay hoobalka iyo hal-abuuruhuba bulshada u soo bandhigaan lagana faa’iideysto.

Hoobalka iyo Hal-abuurka” oo macna ahaan aan filayo in aad wada fahmeysaan, waxaan jeclahay, in aan si guud oo faah faahin leh idiin kaga dhaadhiciyo dheehashada dhinacyada guud ee fanka iyo qeybahiisa kala duwan, sidoo kalena aan idiin kala qeexo fur furidda iyo lafa gurka nuxurka qormooyin kiisa.

Fanka sidiisaba, waa hibo uu qofka Eebbahey ku manneysto iyo hidde raac asal ah oo dhaxal waalid ka timaadda, sidoo kale, waxaa isaguna jira hammi-raac, si cindhaarasho iyo bowsi ah maansooyin jajaban u curiya, hasa yeeshee gunaanadka taxanaha qoraalka oo ah tiigsiga hoorinta dhammaadka iyo halka aynu geeddiga garashadeenna ku furi doonno ee ah ka bogashada iyo fahamka qormadan aan magac dhowgeeda cinwaanka sare ku soo xusay ee ah “Asalka Suugaanta”.

Dadka qaarkii ayaa qaba ama aaminsan, in Suugaanta Soomaalidu ay tahay dheeg ka soo jeeda luuqadda afka carabiga oo iyaduna ah mid leh xaraf raac dhanka danbe ah amaba gadaal ka soo muuqda, balse si kasta oo ay u kala da’ weyn yhiinba waxaa hubaal ah, inuu afka hooyo yahay: “Af hodan ah oo dhammeystiran”.

Ugu danbeystii, wax ka dhihiidda suugaanta Soomaaliyeed qoraal ku ma soo koobmeyso, waxaanse ku soo gaabinayaa: godadka suugaaneed ee ay bulshada Soomaaliyeed wax ka tiriso, waa ay fara badan yihiin, waxaana maansa ahaan ugu horreeya:- “Gabayga iyo Guurowga” oo iyagu isku bah ah, isla markaana ah haldoorka maansada Soomaaliyeed ah, sidoo kale, waxaa iyaguna soo raaca oo aan ka dhicin oo ay bulshadu siyaabo kala duwan u adeegsataa godad fara badan oo wax laga tiriyo, waxaana ka mid ah:-

  • Buraanburka
  • Masafada
  • Geeraarka
  • Hirwada
  • Surowga
  • Shiribka
  • Jiiftada
  • Saarka ( IWM )

Sida kor idiin kaga muuqata dhismaha maanso waliba waxaa ay leedahay magac u gaar ah oo ay ku asteysan tahay laguna yaqaanno, hasa yeeshee bulshada xilligan aadeegsata intooda badani, waxaad dareemeysaa, in aysan weli fahamsaneyn kala duwanaashaha magacyada ay maansa waliba xanbaarsan tahay ee lagu yaqaanno.

Tusaale ahaan: waxaad arkeysaa Islaan ama gabar meel fagaara ah ka leh: “Gabay baan idiin tirinayaa ka dibna Buraanbur ku dhufaneysa” Sidoo kale waxaad iyagana fagaarayaasha ku arkeysaa rag fara badan oo leh waan gabyeynaa haddana meesha ka tirinaya: “Geeraarro”.

Aan soo gebagebeeyee, aqristoow waxaa kuu muhiim, in aad wax ka barato, suugaanta micnaheeda iyo kala duwanaashaheeda, waayo waxaa ay xanbaarsan yihiin dhaqanka iyo hiddahaaga suubban ee ab laga soo gaarka ah oo ka tusaale qaata diinteenna muqaddaska ah, sidaa darteed waa mid u baahan keydin iyo ku barbaarinta jiilka soo koraya, si aynu wax u la qeybsanno bulshooyinka carra-edeg iyo dhaqamada kale ee dhalan roggidda nagu haya.

W/Q, barbaariye: Bashiir Cali Xuseen

Naga la soo xariir:

laashin77@gmail.com

admin@laashin.com

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.