Awkaan dabro yaa furi kara?

Awkaan dabro yaa furi kara?
Qiso Dhab Ah!
——– ——-

unnamed
Waa magaalo wayn. Shir baa la isugu yimi. Odayga laandheeraha ahi waa waa reer miyi 20 wiil u hanno qaaday, geeliisuna kadin (100) kor u dhaafay. Qaar qaswadeyaal ah baa garabka ka soo taabtay. Waxaa lagu yidhi, “niman laan-gaab ah ayaa wiilkeenii inna hebel doonnaya inay jaggadii hay’adda ka qaaddaane, adna shirka ka soo bannad”.

Ninbaa hadda ka hor isagoo ka hadlaya awoodda ka dhalata marka qoysku yeesho rag & geel badan, ayaa yidhi, “Nin labaatan wiilliyo nimaan wali lamaanaanin. Lixdan nimay u sooftiyo nimaan layli raranaynin. Lalabaha hayaankaba judha horruu laban-legdeeyaaye”.

Haddaba, odaygu malaa isagoo tixdaasoo kale maanka ku haya ayuu soo hankaabsaday xagga hore ee shirka. Waxaa laga hadlayay waxyaalo aan shaqo ku lahayn jaggadii wiilka & hay’addii toona. Goor dambe ayuu ku qumbacday ajandayaashii shirka & waxay reer-magaalku mal-maluuqayeen.

Si kadis ah ayuu intuu is hayn waayay u istaagay. Bakooradda jifideeda ayuu 3 goor sibidhka ku hubsaday iyadoo wajigiisa cadho ka muuqato. Xagiisa ayaa la soo wada jaleecay. “Xxxmmm, horta galabta waxaan doonnayaa inaan oggaado; awrkaan halkaa ku dabro, ninka rag ah ee xadhiga ka furi kara?” ayuu madashii ku halgaaday. Waa lays dhugtay. Sanqadh yaraanta goobta malaa haday qudhaanjo hindhisto waa la maqli lahaa! Hanjabaadda ka sokoowna, wax Allah & wuxuu ka hadlayo waa la garan waayay! Dadkiina af-kala-qaad baa ku dhacay! Shibeey-shib!

Nin ay is xiggeen, oo aad u xoog-waynaa baa ka daba istaagay. Dadku waxay markiiba tuhmeen inuu ratigaa mala-awaalka ah ee la dabray uu xadhiga ka jarri doonno, halkaana ay balo ka dhici doonto! Xaajaduna u ekaan doonto, tii walaasheed ahayd ee ka horaysay oo la yidhi, nin gabraarato ahaa baa xaaskiisii ku yidhi,”Gubadkaan gubi doonno, biciidka daaqi doonna, sartaan ka bixin doonno, sabeentaan siin doonno, sumalkay dhali doonto, subaga aan ka shiilli doonno, adigaa dhalayee cab!” Say iyana te, “Mayee, adigaa gannayee cab!” Qir & qirna ay xaajo noqon doonto!

Xoogwayne, isagoo dhoollo cadaynaya buu yidhi, “Waar adeerkayna awrkaa uu dabraday ha loo daayo, oo yaan laga taabban! inagana hawsheenii inoo sii wada.” Qosol & sacab ayaa jaanta la wadhay! Odaygiina mar haddii awrkii uu dabraday loo daayay, aayar ayuu isga fadhiistay, isagoo waliba lib is bidaya, shirkiina si caadi ah ayuu ku soo dhammaaday.

Faqashaahaa Maa Qashaa!

W/Q: Axmed-Assad, Facebook.com/MurtiSoor ,
Twitter: @AxmedAssad , Ahmedy98@yahoo.com

SHEEKOOYIN