Awooda Shacabka. W/Q. Ahmed Hayow

images

Dal waxaa hogaanka u haaya shacabkiisa, waayoo ayaga ayaa ah kuwa doorta shaqaalaha u shaqeyn doona oo rabitaankooda ku shaqeyn doona, qofka ah musharaxa Madaxweynaha waa qof raba inuu shacabka u shaqeeyo, si uu kalsooni uga helana u sheega howlaha uu shacabka u qaban doono, ayaga ayaan jegadaas u doorta qofka ay isleeyihiin wax buu idiin qabandoonaa ama wuxuu dabooli karaa baahida dalka uu u qabo kobcinta dhaqaalaha ama difaaca dalka iwm, taasoo ay ku xiran tahay hadba wixii markaa uu dalku u baahan yahay, inkastoo ay jiraan dad ku xiran xisbi gaar ah oo ay codkooda siiyaan, haddana waxaa jira dad aan xisbi gaar ah ku xirneyn oo diirada saara baahida dalka iyo cidda ay isleeyihiin waxbay ka qaban kartaa, runtiina dalka ay ku badan yihiin dadka noocaas ah oo loo yaqaano (swing vote or swing state) cadadka is bedbedela ama gobalada is bedbedela ayaa ah ummad liibaan ka gaarta horumarka dalalkooda.

Markaan tusaale u soo qaato doorashooyinki wadanka Mareykanka, laga soo billaabo jimmy Carter ilaa Obama, waxaad ka dhadhansan doontaa awooda shacabka iyo baahida ay u qabeen inay marba mid doortaan labada xisbi ee Democratic iyo Republican iyo sababaha ku kalifaayay inay marba mid soo qaataan.

Maxadweyne Jimmy Carter (Democratic party) waxaana la doortay 1976, wuxuu ka yimid Gobalka Georgia, waxaana ku xigeen u ahaa Walter Mondale oo reer Minnesota ah, wuxuu la tartamay Gerald Ford oo Republican ah, wuxuu Ford markaa haayay jegada Madaxweynaha oo laga tuuray Madaxweynihi uu ku xigeenka u ahaa Richard Nixon, wuxuu jegada qabtay 1974 ilaa January 1977 oo uu ku wareejiyay Jimmy Carter oo doorashada kaga guuleystay 297 dhibcood iyo 240 dhibcood, doorashadaas oo aheyd mid lala yaabay, sababta oo ah gobalka California oo ahaa gobal Democratic ah ayaa 45kiisi dhibcood waxaa helay Gerald Ford oo Republican ah, waxaa ayadana lala yaabay gobalka Texas oo Republican ahaa ayaa 26kiisi dhibcood wuxuu siiyay Jimmy Carter oo Democratic ahaa.

Gerald Ford wuxuu ahaa Madaxweynihi ugu horeeyay oo qabta jegadaas asagoo aan la soo dooran, ka dibna u soo istaagay inuu jegada ugu tartamo xisbiga Republican party, wuxuuna musharaxnimada u soo galay tartan aad u adag oo uu kaga soo guuleystay Bob Dole, isla markaana uu ka dhigtay ku xigeen tartanka la soo gala, sababta xisbiga Republican looga adkaadayna waxay tahay fadeexadi (water gate) ee ku dhacday Richard Nixon iyo dhaqaalaha dalka oo hoos u dhacay siddeedi sano ay Grand Old Party (GOP) xukunka haayeen.

Carter vs Reagan 1980, Jimmy Carter oo afar sano haayay jegada ayuu ka guuleystay Ronald Reagan oo Republican ahaa, waxaana sabab u ahaa siyaasada Arrimaha Dibadda, wuxuu Carter ku fashilmay wadanka Iran oo uu ka dhacay inqilaab jegada laga tuuray Shaah Mahamed Raza Bahlawi oo gacan saar la lahaa Mareykanka iyo dagaalki qaboobaa ee u dhexeeyay Nato iyo Warso oo uu wax ka qaban waayay.

Labada xisbi ee ka taliya Mareykanka, mid walba wuxuu leeyahay qorshe u gaara oo uu ku shaqeeyo.

Democratic party wuxuu manhajkoodu yahay inay ku shaqeeyaan 80% dhaqaalaha iyo arrimaha gudaha, 20% arrimaha dibadda iyo ciidamada, halka xisbiga Republican uu ku dhisan yahay 80% arrimaha dibadda iyo ciidamada, 20% arrimaha gudaha iyo dhaqaalaha.

Halkaa waxaad ka dareemi kartaa markuu dhaqaalaha xumaado in loo baahan yahay Democratic party, marka arrimaha dibadda ay xumaatana in loo baahan yahay Republican party, sidaa daraadeed waxay shacabka Mareykanka codkooda siiyeen Ronald Reagan oo kaga guuleystay 489 dhibcood iyo 49 dhibcood.

Reagan iyo xisbigiisa waxay billaabeen dhaqdhaqaaq dibadeed, waxay isku dhufteen Iran iyo Iraq, waxay gacan weyn ka geysteen abuuridi ciidamadi Mujaahidiinta oo Ruushka kula dagaalamay Afghanistan, waagaa ayaana loo bixiyay magaca Alqaacida oo ah (the base) howlahaas uu qabtay Reagan waxay sababeen inuu mar kale ku guuleysto kursiga 1984, wuxuu si sahlan uga adkaaday Walter Mondale oo u sharaxnaa Democratic Farmer Labor (DFL) wuxuu kaga adkaaday dhibcihi ugu badnaa oo ah 525, halka Mondale uu ka helay 13 dhibcood oo ah Minnesota 10 iyo Washington DC oo ah 3 dhibcood, waxay noqotay doorasho taariikhi ah, inkastoo loo baahnaa inuu Reagan sii dhameystiro dagaalki qaboobaa ee uu kula jiray Ruushka, dagaalkaas oo u maraayay meel xasaasi ah, haddana waxaa sabab looga dhigaa Mondale oo taariikhda marki ugu horeysay, ku xigeen u doortay qof dumar ah oo la yiraahdo Geraldine Ferraro, midaa ayaana keentay inuu waayo Gobalo badan oo (Blue State) ahaa, muddaasna wuxuu Reagan ku guuleystay kala daadinti Midowga Sofyeeti (USSR) iyo sii hurinti dabka ka holcaaya Iran iyo Iraq, dagaalkaas oo socday 1980 ilaa 1988, markuu xilka ka tegaayay waxaa xisbiga musharax u noqday ku xigeenkiisi George H. W. Bush oo siddeedaas sano la shaqeeynaayay.

1988 waxaa wada tartamay Michael Dukakis (DFL) iyo George H.W.Bush (GOP) oo ku guuleystay 426 dhibcood, halka uu Dukakis ka helay 111 dhibcood.

Republic Party waxay xukunka haayeen 12 sanadood oo ay ku jireen dagaal qaboow iyo mid farasaar ah oo ay 1990ki la galeen Iraq, dagaalki Khaliijka oo ka dhexeeyay Sadaam Xuseen iyo Xulafada is baheystay, laba iyo tobankaa sano dhaqaalaha Mareykanka wuxuu galay dhulka, waxaa badatay shaqo la’aanta, laakiin shacabka waxay ku qanacsanaayeen howsha ay dowladoodu ka hayso siyaasada arrimaha dibadda, welba ayagoo beerka dhulka ku haaya oo dad badan ay waayeen guryihi ay deganaayeen, markay dhiibi waayeen lacagti paymentiga.

1992 waxaa tartamay George H W Bush iyo Bill Clinton oo ku soo aaday xilli loo baahan yahay dhaqaale iyo shaqooyin la abuuro, dadweynaha Mareykanka waxay soo dhaweeyeen Clinton oo ku guuleystay 370 dhibcood iyo George H W Bush oo helay 168, waxaa laga nastay Arrimaha dibadda iyo ciidamada, waxaa la galay dhisida gudaha iyo dhaqaalaha.

Clinton wuxuu cunaqabateynta ku adkeeyay wadanka Iraq, wuxuu ku dadaalay inuu ka baabi’iyo gantaalada skaat (scout) iyo dhammaan gantaalada ridada dhexe oo dhan, wuxuu ka baabi’iyay sunta kuumikada oo ay hore ugu siiyeen inuu Iran kula dagaalamo, wuxuu ciidamadiisa ka soo saaray Soomaaliya, siyaasad qaboow oo arrimaha dibadda ah ayuu la soo baxay, wuxuu gantaalo ku tuurtuuray meelo lagu tuhmaayay alqaacida, siddeeda sano ee uu xukunka haayay wuxuu diyaariyay dhaqaalo gaaraaya 6 trillion, wuxuu buuxiyay makhaasiinti laga saaray hubki lagu galay dagaalki Khaliijka, wuxuu ku sii daray hub casri ah, intaana wuxuu naafeynaayay awooda dalalka la rabay in wax laga qabto, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Iraq iyo Afghanistan, wuxuuna xukunka ka tegay asagoo istaahila in afar kale loogu daro, laakiin aanu sharcigu u ogolaaneyn.

2000ki waxay shacabku u codeeyeen George W Bush, waayoo waxaa loo baahnaa arrimaha dibadda iyo awooda ciidamada, waxaa la sameeyay baqdin laga qabo Alqaacida (the base) kuwaas oo lagu sheegay inay cadow u yihiin Mareykanka, waxaa kale oo Sadaam lagu sheegay inuu sameysanaayo nuclear, baqdintaas ayaa keentay baahida loo qabo xisbiga (GOP) waxaa dhacay September 11 taasoo noqotay kaar loo adeegsado in lagu burburiyo meeshi la doono.

Sheegid way ka dhantahay siddeedi sano ee Bush oo dagaalo ku dhammeystay, laakiin waxaa xusid u baahan doorashadi 2004 oo uu kaga guuleystay John Kerry, guushaas waxaa sabab u ahaa, Bush oo shacabka ka codsaday inay codkooda siiyaan, si uu u soo dhammeystiro howsha qabyada ka ah ee uu ka weday Iraq iyo Afghanistan, taasoo ay dadweynuhu u arkeen inuu qabya tiro.

Waxaan xasuusanaa sida dhaqaaluhu dhulka u sii galay oo bangiyada iyo shirkadaha loo siiyay lacag ay dib ugu soo kabtaan, shirkada badan ayaa xereeyay bankruptcy oo suuqa ka baxay, waxaa dhammaaday 6 trillion uu Clinton ka tegay, waxaa hoos loo dhacay in ku dhow 3 trillion, Dow Jones ayaa gaaray 6000 asagoo ka soo dhacay 13500 iyo shaqo la’aan tii ugu darneyd oo ay dad badan waayeen shaqooyinkoodi, taasina ay keentay in guryaha laga xaraasho.

Bush inkastuu shaqadi loo igmaday inteeda badan qabtay, haddana sidi la filaayay ma noqon, waxayna sababtay in 2008 la doorto xisbiga dhaqaalaha (DFL).

Haddaad dib u fiiriso Obama siduu dib ugu soo kabay dhaqaalaha iyo shaqooyinka uu abuuray, waxaa kuu soo bixi kara inuu ku xigi doono Republican haddii duulaan loo baahdo ama Democratic haddii loo baahdo in dhaqaalaha sare loo sii qaado, saadaasha muuqata ayaa ah sidaan filaayo in Democratic soo laaban doono, waayoo waxaa hishiis lala galay Iran oo cabsi looga qabay inay nuclear sameysato, inkastoo ay dhiman tahay in ilaalo laga haayo, taana waxaa ku fiican DFL oo ah xisbigi awooda ka xayiibiyay Iraq, waa haddii aanay wax isbedelin.

Shacabka maadaama uu awoodaas leeyahay, waxaa looga baahan yahay inay leeyihiin samir iyo dulqaad ay afar sano ku sugaan shaqaalaha ay kursiga ku fadhiisiyaan, haddii aanu jirin qayaano qaran oo uu ku koco.

Waxaa shacabka looga baahan yahay inay ogaadaan qofka ay dooranaayaan qorshiisa siyaasadeed, midda arrimaha dibadda iyo midda arrimaha gudaha iyo inay ku xisaabtamaan wacyiga lagu jiro iyo qofka u qalma inay shaqaale ka dhigtaan, ayagoo fiirinaaya maslaxadda dalka, dadka iyo diinta, waxaa loo baahan yahay inay kalsooni kula shaqeeyaan dowladooda iyo inay isku dayaan siday u sixi lahaayeen meelaha dowladoodu ka gaabineyso inay wax ka qabato.

 

Qore kala xiriir (xaayoow09@hotmail.com)

 

 

SHEEKOOYIN