Ayaamihii Silloonaa !!! Q1AAD W/Q: Warsame Cumar Xuseen

 

unnamed

Ayaamihii Silloonaa !!! W/Q: Warsame Cumar Xuseen

Qaybti koobaad.

Waxa aan ahay kaba caseeye/baalashle caddiban. Waxa aan ahay toban jirka dunida ugu nasiibka xun,haddana ugu nasiibka badan. Waxaan ahay rajayga ugu riyada fiican dunida;haddana ugu rajada xun. Waxa aan ahay agoonka ugu adkaysiga badan dunida,haddana ugu daciifsan. Dadku waxa ay aad ujeclaystaan in aan uga warramo sooyaal noolaleedkayga ragaadka iyo rafaadka badan; aniguna waan jecelahay in aan uga warramo si ay u ogaadaan in ay noolashu waayo badan tahay. Hadda adiga ila fadhiyaa waan dareemayaa waxa aad xiisa u qabtaa aadna sugi la’dahay,inta aanan la gaarin tan sooyaalkayga in aan kuu sharraxo dhacdooyinkaa aan hadalka kuu mariyay ee is diiddan,bal iga koobi(iga tiri) aan kuu warramee. Haye ,haye…..

– Waxa aan ahay caseeye caddiban: kaaga warrami maayo kuuna sharrixi maayo shaqada kaba-caseeye;maxaa yeelay waatan aan hadda kuu hayo adiga,waa nin kabihii boorka ka qaad fadhigana ugu gee!Laakiin waa shaqo aan jeclahay aana jeclaan doono inta uu musuq-maasuqu dabaqadda sare yahay. Waan ku caddibanahay oo waxa aan u baahnahay iyo waxa iga soo gala waad is bar-bar dhigi kartaa.Geesta kalana waan ku caddibanahayoo wax aan dareemayaa,in aan si uga waynaadey, laakiin kama tagi karayo oo waa xirfaddayda shaqo. Aanba ku caddibnaadee tuugsi waa ay ii dhaantaa.

– Waxa aan ahay toban jirka dunida ugu nasiibka xun,haddana ugu nasiibka fiican; haa,haa waan ahay!!,Maxaa yeelay waxa aan waayay wax kastaa oo noolasha qiimi ku lahayd,maalinkii aan shan sanno jirsaday ayaan waayay garwadeenkii noolashayda hooyo macaan;dhanka kale waxa aanba waligey indha saarin aabbo oo ay hooyo intii ay noolayd iigu sheegtay in uu dhintay intii aan caloosha ku jiray. Waan nasiib xumahay maan helin doowlad i daryeesha,waan nasiib xumahay waxbarasho maan helin,waan nasiib xumahay hooyo i gardaadisaa maan helin!!. Geesta kale waa aan nasiib fiicanahay,aniga oon warka kugu badin waxa aan ka bad-baaday Allana aan ku mahadshaa waligey maan cunin quud xaraana muruqayga iyo dhididkayga ayaan maalaa!!!.

– Waxa aan ahay rajayga ugu riyada fiican dunida,haddana ugu rajada xun; haa,waa aniga!! Waan kaa rajo fiicnahay kaana riyo fiicnahay,maxaa yeelay halkan ayaan ku soo gaaray rajo iyo qorshayaal aan anigu dagsaday halka aad adigu fuliso uun hadalka iyo go’aanka hooyo iyo aabbe. Waxa aan garanayaa oo adiga kaa daahsoon,qofka aan ahay;ha moodin uun in aan ahay caseeyaha yar ee madoow ee kabta kuu baalashaya. Ha ka fekerin oogadayda madoow ee luujitadu(baalashka) madoobaysay ee ka feker qalbiga iyo qofka kuu warramaya waxa xikmad iyo xarrago qof ahaaneed oo hibo loo siiyay ku duugan.

“Aboorkaa daciifka,

Awooddiisu dadan tahay,

Dadaal uu sameeyuu,

Duddumada ku keenaa”.

Geesta kale,waxaan ahay ninka ugu rajada xun,kugu sii dheerayn maayo ku laabo qodobkii labaad ee aan kaala soo hadlay qaybtiisa labaad.

– Waxaan ahay agoonka ugu adkaysiga badan dunida,haddana ugu daciifsan shanta qaaradood ee dunida .Sababtoo aan ahy ninka kaliya ee indha la’aan koray indha la’aanna shaqaysta. Kulama yaabayo in aad la yaabban tahay qof indha la’aan koray indha la’aanna shaqaysanaya,laakiin indhuhu ma aha labadan gudaha barta madoow ku leh oo aan kugu soo eegayo. Ma ogtahay in uu waalidku yahay waxa kaliya ee yaraantaada wax ku tusa. Ishaydii midig waxa aan ku beelay maalinkii aan jiray shan sanno waa maalinta aan ugu wanqalay “Hakis biladdii Madoobayd” ama Jimcihii Madoobaa,tan kalana kuma aan dhalan oo aniga oo la’ ayaanba soo dhashay. Waan adkaysi badanahay maxaa yeelay intaaba la’aantood ayaan socdaa Alle ayaa ila jira!!. Daciifsaniyaa dhanka kale maxaa yeelay qodax iyo qaniiyaba iskama arki karo,maxaa yeelay waan indha la’ahay..

Inta aad halkan fadhiday anna aan kabaha kuu caseynayay,waan hubaa ma aadan fadhideen waadna i kar-kabeyn lahady;laakiin waxa aad wali baadi goobaysaa oo ay maskaxdaadu mashquul ku tahay,dareen wadayaashaaduna ay raacdaynayaan,waxa aan ula jeedo “Jimcihii Madoobaa” ee aan waayay ishaydii midig oo ahayd tan kaliya ee aan ku dhashay. Hakis-biladaa madoow;ma xasuusto taariikhdu waxa ay ahayd,macnaha ay manta ii leedahayna iima lahayn,maxaa yeelay bishii ka dambaysay oo dhan ayaan barooranayay . wax weyn ayaa ay ii ahaan lahayd haddii aan helo erayo aan ka maqlay hees oo aan hadda mararka qaar isku samirsiiyo aan idhaahdo:

  • “Safar baa la tagayaa,
  • Iyo socota dheeroo,
  • Soo noqod lahaynoo,
  • Ina wada sugaayee”.

Luuqdii Cabdiqaadir Sanka (AHU)

Maalin dhaxdaaya oo hadda sitimaanba laga joogo,ayaan damcay in aan helo ayaantii guul-darradu igu habsatey ,maalinta ay bilaha miilaadiga kaga beegany tahay si aan u baroorto maalinkaa dadkuna ay iila baroortaan. Nasiib darro,isbitaalkii marxuumaddu ay ku naf wayday markii dhaawaceeda la gaarsiiyay,isaga laftirkiisu waxa uu ku jiraa “Arbacadii Murugada”,dhakhtarkii hayay galkii macluumaadka marxuumadda uu ku jiray ayaaba mootan. Qolyo kal-kaaliyayaal caafimaad ahaa oo aan meesha isku aragnay ayaa igu soo qanciyay in aanan waxba laga ogaan Karin maalinkaa,waxa ay igu yirahdeen “ Adiga ayaaba nagu dhaamo oo og in ay ahayd maalintaas “hoos ayaan ka iri yaa u sheega in uu magacyo ii lee yahay,iyagu jimco oo kaliya ayaa uu u taagan yahay!!.

Waxba yaan kugu sii daalin sheekadee, waxa uu ahaa maalinkii aan beelay ishaydii midig. Maxaa yeelay waxaa maalinkaa dunida ka tagtay,halka qof ee aan dunida ka aqaannay,waxa ay ii ahayd ishayda midig,waxa ay ahayd midda aan qodxaha iyo qashimaha kale ba isaga arko. Qofka aan kaala hadlayaa waa hooyaday oo aan waayay maalinkii aan shan-sanno jirsaday. Madigan madoow ee kula hadlayaa waxa kale oo uusan kuba dhalan ishiisii bidix,oo waxaa isagana waa hore rawaxay aabihii oo uusan dunidaba ku soo gaarin;sidaa darteed isha bidix na kuma uusan dhalan!!.

                                         Ma aanan dadaal badnayn,ee waan ducaysanaa!!!

– Qalinkii: Warsame Cumar Xuseen “Shiidleey”

– Qalin-maal madax-bannaan.

– Wajahaaddayda Faysbuug: www.facebook.com/warsame.omar.7

– Boggayga faysbuu: https://www.facebook.com/?ref=tn_tnmn

– Email: Shiidleey12@gmail.com

SHEEKOOYIN