AYAANKA ABWAANKA Q-5AAD Cabdulle Raage Warsame “Taraawiil”

Xarunta dhaqanka iyo suugaanta Abwaan Faarax Shuuriye

Barnaamijka ayaanka Abwaanku, waa barnaamij ay daaddihiso xarunta dhaqanka iyo suugaanta Abwaan Faarax Shuuriye. Waa barnaamij xus iyo xasuus looga dhigo, isla markaana lagu lafaguro sooyaalka, milgaha iyo magaca halgamayaasha soomaaliyeed, gaar ahaan hal-abuurradda suugaanta dhumucda leh ku reebay ma guurtada sooyaalka. Haddaba, xalay waxaa noo qabsoomay barnaamijkii; AYAANKA ABWAANKA oo aan xus iyo xusuus uga dhignay laashin Cabdulle Raage Warsame ”Taraawiil” AUN tiirkii suugaanta Soomaalida. Barnaamijka waxaa marti ku ahaa:

  1. Qoraa C/casiis Cali Ibraahim ‘Xildhibaan’
  2. Abwaan Maxamad Aadan Dacar.
  3. Abwaan Cabdiraxiin H. Galayr.
  4. Barbaariye Bashiir Cali Xuseen.
  5. Qoraa Xasan Cabdulle Calasow ”Shiribmaal”
  6. Qoraa Cabdalla Qaasin Daameey oo barnaamijka xariirinayey.

Dhanka kale, waxaa erayo kooban ka soo jeediyey madasha:

  1. Borofaysar Cali Jimcaale Axmed
  2. Qoraa Saciid Jaamac Xuseen
  3. Weriye: Aamino Muuse Weheleye

Weriye Aamino barnaamijka ayey bishay. Haddii riwaayad lagu macneeyo: xiddigta barnaamijka ayey eheyd. Dhanka kale waxaa martisharaf ku eheed xaaskii Abwaan Taraawiil, Marwo Madiino Maxamuud Fadhiye oo dadka la wadaagtay sida uu nin jacayl iyo romantic ah u ahaa Taraawiil oo dhabtii dadku ay aad ugu riyaaqeen. Haddii ayaan lagu qeexo; aayo qurxan ayey noqonaysaa. Barnaamijka waxaa looga faallooday sooyaalkiisii, qofnimadiisii, dadnimadiisii, geesinnimadiisii iyo sida uu Taraawiil u ahaa laashin Gole-ka-fuul maanso yaqaan ah oo suugaanta dhankii uu doono ka joogsan kara ama ka muunadeyn kara.

Wuxuu barnaamijku muujiyey sida laashin Taraawiil u ahaa tiirka suugaanta Soomaalida, maadaama dhan walba la iska taagay suugaantiisa sida: gabay, guurow, shirib, jiifto, hees iqk.

Dhanka kale, waxaa aad loo falanqeeyey sida uu ahaa jilaa hibeed, haddana, haybaddeeda leh oo hal-abuur iyo haaneedin ku hagaajiya habsamida hadalka iyo hawraarta dad ka qoslinta iyo farxadgelinta oo uu shacrtireynta shacni ku lahaa.

Sidoo kale, waxaa madasha lagu xusay gabaygii qiimiga gaarka ah lahaa ee uu afka iyo farqoridda uga hadlay oo dhabtii ahaa ilayska ildheeridiisa iyo sida uu dadka uga ogaal garasho badnaa. Gabayadiisa waxaan laga tagi karin, kii mucjida ahaa ee ‘Duqa ha loo sheego!’ Ee dulmidiidnimada ku astaysnaa iyo muujinta dhibta KELITELINTU ku leedahay bulshada. Intaa waxaa dheeraa, in dhallinyarada lab iyo dheddigba uu u ahaa barnaamij aqooneed iyo ogaal, ay ka barteen sooyaal halgame ka sokow, mid bulsheed iyo qaran, maxaa yeelay, laashin Taraawiil wuxuu kale oo uu ahaa maamule dawladeed iyo maareeye qaran oo agaasinka howlaha dadweyne gacan iyo garab ka gaystay, in uu garasho ku guddoomay kuna gutay ka sokow.

Waxa aan ku soo koobayaa faalleyntaan kooban ee barnaamijkii xalay ee milgaha iyo maamuuska badnaa, seddax gabay oo gaagaaban, balse, macno aad u mugweyn tebinaya ayaan kusoo gaabinayaa, si ay aqristayaasha iyo ummadda kale ee aan madasha joojin uga faa’iidaan milgaha suugaaneed ee laashin Cabdulle Raage Warsame ”TARAAWIIL” AUN.

  • Labaatan iyo kow aamustiyo, Shaqal irmaaneeya
  • Amran iyo tilmaamiyo gudbe, Aade iyo jooge
  • Isku-dare xiriiriye falkaab, Ereyadeennii ah
  • Ebyan iyo haddaan magac u yaal, Ku arkay joornaalka
  • Mar haddii afkaygii la qoray, Aabbe iyo hooyo
  • Mar haddaan ammaahsigi ka baxay, Lagu agoontoobay
  • Abaal waxa leh nimankii fartaa, Soo abaabulaye
  • Amiirnimo sin iyo garab jirteey, Nagu abuureene
  • Afafkaa qalaad iyo maxaa, Eregta ii dhiibtay
  • Anaa macallinoo raba dad loo, Furo iskuulaade.

Dowladdii kacaanka, gaar ahaan Maxamed Siyaad Barre ayaa dabayaaqada 1972-dii soo saaray baaq ah: shaqaalaha dowladda in imtixaan qoraalka afka ah laga qaado, qofkii ku dhacana shaqada laga eriyo. Jarrib-qoraaleedka ayaa waxa uu ku yimid shaqaalihii tiyaatarka oo laashin Cabdulle Raage madax ka ahaa, isla markaana maalin jimco ah ayaa waxaa loo ballamay inay madaxda imtixaanka qaadeysa iyo shaqaalaha tiyaatarkuba ay yimaadaan maalintaas loo asteeyay ee jimcada ah si loo kala saaro shaaqalaha tiyaatarka xagga qoraalka afka.

Maalintaas laashin Cabdulle Raage waa uu baaqday mana imaan tiyaatarkii uu ka socday imtixaanku. Laashin Cabdulle markii uu soo dukaday salaadda jimcaha, isla markaana uu soo qadeeyay ayuu yimid tiyaatarka jarrib-qoraaleedkii oo dhammaaday, shaqaalihina la kala siinayo shahaaddooyinkii ay keensadeen. Laashin Cabdulle kolkii uu soo galay tiyaatarka ayaa lagu yiri: ”Cabdullow!” intee ayaad ku maqneyd maanta? Sow ma ogeyn inay tahay maalin uu imtixaan jiro?

Laashin Cabdulle wuxuu ku jawaabay: haah! Waan ogaa inuu jarrib-qoraaleed jiro, balse, hurdo ayaa ila tagtay! Sidaas ayaanna ku imaan waayay. Warkaas lagaama yeelayo ee sababti aad ku baaqatay sheeg ayaa mar kale lagu yiri: waxa uu ku jawaabay: ”Saaladda ayaa Ilaaheey u banneeyay haddii aad huruddo ama aad hilmaanto in aad dib ka soo qalleyso ee ma af-soomaaliga ayaan la soo qalleyn karin oo salaadda ka adag?” isla markaana gabayga kor ku qoran ee (Labaatan iyo kow aamusta) ayuu tiriyay. Markii uu gabayga dhammeeyay ayey dhammaan dadkii u sara joogsadeen una sacbiyeen, dabadeedna ardaydu waxay ku baasayeen 60-dhibcood ee laashin Cabdulle waxa la siiyay 90-dhibcood iyo billad afeed.

Gabaygaan labaad magaciisa waxa la yiraahdaa: ”HALGAN”, waxa uu laashinku tiriyey: 1974-tii labo gu’ ka dib markii uu tiriyay gabayga kor ku xusan ee afka. Gabaygaan HALGAN, wuxuu ka hadlayaa afkeenna hooyo. Laashinku wuxuu ku kala tilmaamayaa milgaha iyo meeqaamka sare ee afkeennu leeyahay. Waxa kale oo uu bidhaaminaya, qeybaha astaamaha qoraalka. Sida: hakadka, joogsiga, hamsada IWM. Waxa kale uu laashinku tusaaleynayaa halgankii loo soo galay afka iyo gobannimada labadaba. Laashinku wuxuu billad sharaf siinayaa dumarka soomaaliyeed guud ahaantood iyo sida ay u ahayeen kuwa iska diiday u debecsanaanta heeryada nuuc walba oo ay tahay. Laashin Taraawiil gabaygaan dhexdiisa waxa uu ku kala dhig-dhigayaa agabka asalka ah ee ay laheyd bulshada soomaaliyeed. Waa gabay aan laga xiiso dhaceyn isla markaana weli taagan oo waxa aadba mooddaa inuu laashin ka hawaala warramay waayaha maanta lagu sugan yahay. Laashinku wuxuu ku billaabay gabayga sidaan:

  • Halgankii markii gobannimada, Loo hub guranaayay
  • Heeryadu markii ay labada garab, Haartu nagu tiillay
  • Intaan calanku hibadeenna noqon, Haqabla yaaceenni
  • Kama harin dagaalkee gabdhuhu, Waa u horreeyeene
  • Hambadii gummeystaha gabdhuhu, Heensi ma aqoone
  • Waa niis kala han weynaa jireen, Hilibka quureede
  • Waxa uu Hadraawi heestuugu daray, Hadafku waa saase
  • Hal-abuur kastaba inuu xusyaa, Nagu habbooneede.

 

  • Taariikhihii hore haddaan, Hillinki soo raacno
  • Haantiya sibraarkiya qolkiya, Kolay habrowshoodki
  • Hangoolkiyo misaartiyo qumbihi, Subagga loo haystay
  • Haruub qoragi iyo tiifki iyo, Haadshihiyo mooygi
  • Hoodaalka loo dhigo martida, Derinta haanseysan
  • Harka sheekadii geedka madar, Hiradki waayeelka
  • Howraar is dhaafsigi xigmadi, Hoga tusaaleyski
  • Kaftankeey hambana reebi jirin, Lala hullaabnaaye.

 

  • Hiddihiyo af-soomaaligii, Hooyo loo noqoye
  • La hirgeli afkeennii qoraal, Heybad sharaf weyne
  • Iyagoo hareeraha gacmaha, Dhinacyadiis haysta
  • Hagar li’ kalsooni leh shacbigu, Waa halgamayaane
  • Hunduskiyo afmiinshaarraadii, Haad u bixi waaye
  • Geeddiga la hoosimay midkuu, Ka haryay awrkiisi
  • Hadaflaha dambana kuwa gudbeey, Soo higsanayaane.
  • Hakad iyo hamsaya joojis iyo, Hubiya meeleeye
  • Hoggaamiye is raacshaa xarfaha, Lagu heshiisiiyo
  • Maldahaha la laba laabo iyo, Shaqalladuu hiilsha
  • Qodobbada magcaha kala hufaya, Hadafka yaab-diida
  • Mar haddaan haween iyo rag simman, Helay dariiqeedi
  • Hallaw saar weelkam jaaw qofkii, U hanqal taagaaya
  • Hilib lama wadaagnee intaan, Haanka laga goynin
  • Ibliisaa u heelleynayee, Haatufka ha raacyo!

Gabaygaan seddaxaadna, waxa la yiraahdaa: ”Shanta hab”. Waa gabay uu laashin Cabdulle Raage ”Taraawiil” AUN u tiriyay guud ahaan dumarka soomaaliyeed, gaar ahaan hooyada. Gabayga waxa uu tiriyay: 1974-tii. Waa gabay kooban, balse, aad u milgo iyo miisaan culus, isla markaana uu hal-abuurrada soomaaliyeed laashin Taraawiil ku amrayo inuu haweenka soomaaliyeed u tiriyo suugaan milgaha dumarka kor loogu qaadayo. Gabayga waxa uu ku billaabay:

  • Shanta habe adduunyadu dhisneyd, Taniyo howsheedu
  • Halkeey maanta joogtaya ilaa, Ugu horreynteede
  • Hadal ruugtu sideey leeyihiin, Ku haya taariikhda
  • Hoggaaneey adduunka u aheyd, Hooyo weligeede.
  • Hagaag uma dhismaan reerahaan, Hooyo maamuline
  • Hadday hagaf tiraa ubadku waa, Kala habaabaane
  • Halbowlihi naftaya dumarku waa, Haro qabow weyne.
  • Horaad-nuujintii iyo wallici, Halisti foosheenna
  • Habkiyo sidii awr hayina, Dhabar ku heynteenni
  • Iyagoo harraad qaba biyiheey, Noo hormarineysay
  • Waa macallin noo hiilliin jiray, Hooyo weligeede!.

Laashin Cabdulle Raage Warsame “Taraawiil” Alle ha u naxariistee waxa uu bulshada soomaaliyeed uga tegay suugaan dhaxal ah, wax badanna ka tari doonta howlaha guud ee qaranka, gaar ahaan manhajka wax barashada.

W/D: Xarunta dhaqanka iyo suugaanta Abwaan Faarax Shuuriye

NAGA LA SOO XARIIR: Admin@laashin.com 

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.