AYAANLE WAA EEDEEYSANYAHAY. W/Q: Maxamed Cumar Ugaas.
Mahad Eebe ayay u sugnaatay, naxariis iyo nabadgelyana rasuulkiisa NNKH ha ahaatee. Dunidaan qof waliba waxaa soo mara xaalado kala duwan oo macaan iyo qaraar, Nasiib iyo nasiib darro isugu jira intaba. Eed iyo wax sheegna waa dhaqan iyo caado laga wada simanyahay haba
lagu kala duwanaado’e heerka dhaqan dhaqaale ee bulsho walba ku sugantahaye. Soomaalida waxay tiraahdaa: waxaa jira dad Eed iyo cabasho badan gar iyo gardarroba kuwaa soo ka la ah;
●Gugii gala Eede.
●Gurigii uu galaba Eede.
●Gabalkii dhacaba Eede.
kuma sii jirto marka bulsho Soomaali oo
kale ah aad ku abtirsato oo lagu sheego inay tahay bulsho hadalka loo daayay.
Waxaa innagu jira oo la hubaa ayaanle iyo eed badane, midkaa tahayba qoraalkaan waxaan kagahadli rabaa in dalka iyo dadka waqti la siiyo si aan u aragno waxa ka guuxayo.
AYAANLE waa awood qarsoon qofka leh ee la socoto dhalashadiisa illaa dhimashadiisa, sababna u noqota samo iyo xumo waxa uu la kulmaayo nasiib ama hoodo wixii aad doontana dheh, waa sida uu u sharraxaayo erayga AYAAN qaamuuska af-Soomaaliga. Sida aan dareensannahy maanta waa laga fiicaanyahay soddon sano ka hor sidii la ahaa xagga aqoonta, khibradda iyo nolosha kaleba balse waxaa ii muuqata in laashin: Abuukar Fanaxoow (AUN) ducadiisii aan sugayno wali.
Halyaygiisa waa dili yaqaan iyo haldoorkiisa
Hurgummada shisheeyaha ma oga howsha lagu haayo
Ilaahow adaa heli karee inay hagaagayso
Oy isu soo hiloobaan mar kale geli hanuunkeeda.
Mucaaradnimo iyo muxaafadnimo waa soo jirtay intii banii aadamka uu noolaa, aragti kala duwanaanshuhuna waxay ahayd caado soo jireen ah. Balse waxaa jira dabar iyo xaduud aan laga gudbi karin, ha noqoto soohdintaas la la jeclaada ummadda iyo dhawrista karaamada iyo sharafta oo qiimo weeyn ku qotanta. Iyo sharuucda aay dadka dhigtaan in lagu dhaqmo, Taasoo aay qasabtahay in la illaashado middaas oo aay ugu horreeyso jiritaanka dowladnimo ee hadda socod baradkaa ee cadawga jid walba u fadhiyo. Dowladda uu hogaamiyo madaxweeyne Farmaajo waxaa aay leedahay waxyaabo ay kaga
duwantahay dowladihii kaga horreeyay, sida dad badan aaminsanyihiin. iyada, inta badana ay soo abuureen, uguna talo galeen in halkaas laga sii wado. Sida lawada ogsoonyahayna dowlad walba oo la dhisa waqtiyo go’an ayay sharciyad u lahaayeen in aay shaqeeyaan. Waxaa caqabadaha dalka soo maray ugu waaweynaa in fursadaha la isa siin oo markii dowlad la dhisaba ay miiska soo wada fariisan jireen dad kala aragti duwan oo midba meel u jeedo, dano dad kalane u adeego. Taasoo keeni jirtay in la is dhagaysan waayo oo isqabqabsi iyo is faham waa ku dhammaan jirtay, ummaddana jahawareerin jirtay. Sida dad badan qabaan hoggaamiyaasha dowladda hadda jirta waxay dib u aqriyeen casharradii guuldarrooyinkii ay ku soo hafteen dowlada badan oo dalka soo maray, taasoo keentay in aay albaabo badan oo laga soo wada gali jiray iska xereen, ayna kasbadaan in badan taageerada bulshada qaybaheeda kala duwan. Nimco walba nusqaan lehe waxaa ay dowladda dharbaaxooyin xanuun leh kala kulantay mucaaradkeeda oo ku qabsaday falal dhawr ah oo aay dowladdu sabab u ahayd oo dhacay oo aysan ugu jawaabin sidii laga rabay. Middaas oo keentay in marada isu celiso si aysan ugu dhicin. Waxaa sidoo kale doowladda lagu eedeeyaa in hadalkeeda uu ka badanyahay hawsheeda taasoo magacyo badan iyo aragtiyo kala duwan laga bixiyay. Isku soo duuboo waano abuuris baa ka horreeysaye mucaaradow wax dhisa, muxaafadoow wax dhiga oo in wax walba la idiin la leeyahay xisaabta ku dara, oo dhib iyo dheefba ha la wada qaybsado si ayaanle kasta oo dalkaan
yimaadaa u eedoobin.
Waa soomaali iyo xaalkeed’e fursad walba waxay ku dhaaftaa si macno darro ah iyo isu garaabid la’aan. markaasaa dib loo shallaayaa oo la yiraahdaa sida uu erayadaan uu ku tilmaayay abwaan Abshir Bacadle (AUN) isagoo dib ugu sheekeeynayay dagaalladii sokeeye iyo wixii markii lagu baaqayay la haystay inay ahayd ka daroo dibi dhal, wuxuuna yiri:
“War ka daaya maan maqal dumiya mooyaane
Dad la yaableh baan aragnay xume ka daaleeyne
Daliilkale waa dood yaroo idiin dareensiiyee
Nin walboo walaalkaa dad qala ha u durbaan tuminee
Gartii adigaa kuu daagdagtaa lagu dawoobaayee
Dadkana kuma qancaan been cadoo maro ku daahneene
Dadweeynow su’aal diirran baan idiin dareensiine
Duqii hore maxaa loo eryoo kula dagaalaynay
Diktaatoornimuu keenayiyo dulan cad sow maahan
Dalka dadkiyo diintuu dumiyay sow maahan
Ka daroo dibidhalbaan aragniyo furuqiyo daacuunee
Waryaan nala dabargooyn qabiil dowlad noqon waayee.”
Guntii iyo gebagabadii waxaa ii muuqata in dowlad aan leennahay ay jirto mucaaradkeeda iyo muxaafadkeedana aan ka rabno inay dagaalka beenta iyo buunbuuninta u badan la cilmiyeeyo laga na dhigo wax mabaadii’ ku qotoma oo dib danbe loo daraasayn karo wixii qalad iyo sax ahaa ee dhacay, halka maanta mucaaradnimadeenna ay daarantahy kana deb qaaadato qabyaalad iyo dano shisheeye in wax lagu gaaro la rabo. Labadaanna horaan usoo aragnay inay dib innoo dhigaan mooyee guul laguma gaarin. Eedda iyo eexda ha laga daayo madaxda iyo maamulayaasha na matala manta si beri adigana fursad laguu siiyo haddii ayaankaaga iyo nasiibkaagu kula falgalo. Qaranka iyo dowladnimaduna u hesho firaaqo iyo fursad ay ku soo noolaato si aan ugu hoos gama’no annagoo wada
illaashaneeyno dhammaanteen, una fahamsan in aaysan jirin cid gooni u leh dowlidnimada. Waxaan idiin kaga tagayaa tuducdyo kooban oo ku jirtay gabaygii abwaaan Abshir Bacadle (AUN)
uu kaga hadlaayay DIB-U HESHIISIINTA si aynaan dib ugu shallaayin waxaan sameeyno hadda, kaa soo ay ka mid ahaayeen eraydiisa:
“Alloow yaa innoo diga waxbaa inaga dahsoonaaye
Alloow yaa darsiga naga qaldamay diirad ku iftiinsha
Alloow yaa dagaalada ahliga dib ugu waantooba
Alloow yaa daroogiyo qabiil nagaga daaweeya
Alloow yaa dagaabida harayiyo dagalka noo ceeynsha
Alloow yaa dabkoo idil ku rida dowlad gacanteeda
Alloow yaa dareen u leh inaan danaha guud eegno
Allow yaa inoo diga markaan duqa ku yaaceynay.”
W/Q: Maxamed Cumar Ugaas
Guddoomiyaha golaha Sama Wade Muqdisho – Soomaaliya
E-mail:- mcugaas@gmail.com