Baalal-rogidda dhiganaha Jasiiraddii Nabadda W/Q: Xasan Cabdulle Calasow ”Shiribmaal”

Baalal-rogidda dhiganaha Jasiiraddii Nabadda 

  1. Qoraaga dhiganaha Jasiiraddii Nabadda: Nimco Noor.
  2. Bogagga iyo baalasha dhiganaha jasiiraddii nabadda: 65-bog.
  3. Sawirrada ku jira dhiganaha gudihiisa: 33-sawir iyo kuwa yaryar oo qoraalka ku hoos aasan.
  4. Kala sooca qoraallada: 32-qoraal.
  5. Daabacaadda: ilayspublisher.com
  6. Guga uu soo baxay: 2020/2021.

Dhiganaha jasiiraddii nabadda waa dhigane sheeko-xariireed ah oo ay maanka ka tuujisay, qoraa: Nimco Noor. Sheeka xariirtu waa maandhis iyo maaweelo lagu kobciyo garaadka ilmaha. Sheekooyinka waayahaan casriga ah dhallaanka looga sheekeeyo, waxay u badan-yihiin sheekooyin qalaad oo la af-naqay. ”Macnaha la turjimay”. Kanise waa uu ka geddisan yahay sidaas. Waa sheeko-xariiro curis ah, lana jaanqaadeysa waayaha casriga ee hadda lagu sugan yahay. Run ahaantii qoraa Nimco iyada oo taas ka duuleysa ayey u qalab qaatay inay wax cusub ku soo kordhiso sheeko xariirooyinka soomaaliyeed ee hore u jiray. Taas oo aan ku tilmaami karo waajib gudasho ay isu dirtay.

Adduunyadu sida ay beriga tahay foogta umma taallo, sidaa darteed, sheeko-xariirooyinka soomaaliyeed ee hore u jiri jiray waxay ku jaango’naayeen waayihii nololeed ee berigaas ay soomaalidu ku nooleyd. Haddaba, sida wacyiga iyo waayuhu ay isu beddeleen waa inay wax walba ula jaanqaadaan. Qorayaasha soomaaliyeedna waa inay dhugmo u yeeshaan cidda ay wax u sheegayaan iyo qaabka ay ugu sheegayaanba. Taas oo aan ku tilmaami karo in qoraa Nimco Noor iyo dhiganaha JASIIRADDII NABADDA ay dhabbi cusub u jeexeen habka sheeko xariirooyinka waayahaan casriga ah loo qorayo.

Haantu gunta ayey ka unkamantaa, gurigana aas-aaska ee maan-koriska iyo kobcinta garaadka dhallaanku, waa halka ay ka hitisay barbaarinta soomaaliyeed. Haddaba, sida loo koriyo carruurta, waa wax la wada garanayo, muhiimna ma ahan inaan tilmaamo tabahaas koritaanka, inkasta oo lagu kala duwan-yahay, balse, koritaanka carruurta waxaan ku soo koobayaa murti uu yiri: caalimkii weynaa ee islaamka Alnaabulsi

  1. Toddoba sano la ciyaar carruurtaada.
  2. Toddoba sano edbi oo akhlaaqda toosan bar.
  3. Toddoba sano la saaxiib.

Dhiska iyo dhidibbada sheeko-xariirada: Jasiiraddii nabadda:

Sheekadu, waxay ku dhisan-tahay; shimbir Samawada la yiraahdo. Samawada halkii ay ku dhalatay kuna nooleyd ayaa waxa ka dhacaya abaar daran oo noolaha oo idil saameysay, dabadeed maadaama ay SAMAWADA duuli karto oo ay baalal leedahay waxay raadsaneysaa goob nabdoon oo barwaaqo ah si ay ugu noolaato. Samawada oo hawada sare ku duuleysa ayaa waxay hoos ka dhuganeysaa jasiirad barwaaqo ah oo ay ku ciyaarayaan xayawaanno badan oo meel barwaaqo ah ku wada nool, balse, dhibka ugu weyn ee heystaa uu yahay inuu mid walba midka uu ka xoog weyn yahay dilayo ama uu cunayoba.

Samawada waxay ku soo degeysaa jasiiraddaas barwaaqada ah, balse, aysan ka jirin nabad lagu wada noolaado. Haddaba, Samawada waxay u qalab qaadaneysaa sidii ay duurjoogta oo idil u heshiisiin laheyd si ay nabad ugu wada noolaadaan. Nabaddu waa furaha noolaha. Haddii aanay nabadi jirin nololna ma jirto. Nabaddu ma ahan mid ilayska iyo ifka oo qura loogu baahan-yahay ee waa mid aakhiro iyo nolosha dambeetona loogu baahan-yahay. Eebbe (SWT) oo taas ka hadalayana waxa uu qur’aanka ku yiri:

ادْخُلُوهَا بِسَلَامٍ آمِنِينَ

Gala jannada idinka oo nabad ah”. Suuradda: Al-xijri, aayadda: 46-AAD.

Sow ma aragtid inay nabaddu tahay furaha nololeed ee ifka iyo aakhiro? Haah! Waa sidaas. Sheekada Jasiiraddii nabadduna waa sidaas oo farriinta ugu weyn ee ay gudbineysaa waa nabadda. Farxadda, barwaaqada, nolosha, aayaha san, waxa kaliya oo ay ku jiri karaan waa nabadda. In nabadda lagu barbaariyo dhallaankana waxa ka dhalanaya in aayaha dambe la helo bulsho nabadeed oo gerger iyo garab isu noqota.

Haddaba, Samawada, noole walba oo ay la kulanto waxay ka dhaadhicineysaa inuusan jirin noole ka maarma kan kale. Socdaalkeeda nabadeed mid ka mid ah ayey ugu tageysaa quraansho meel ku urursan oo keydsanaya hungurigii ay cuni lahaayeen marka ay jiilaal noqoto oo ay barwaaqadu dhammaato.

Quraanjadu waa noole is tixgeliya oo maamul iyo kala dambeyn leh. Sidoo kale waa dowlad dhisan oo boqortooyooyin leh. Waa noole ixtiraam iyo is aaminaad badani ay ka dhaxeyso. Sidoo kale waa noole aragti fog oo mucjiso ah leh. Sida: ”Inay sii keydsadaan cuntadii ay cuni lahaayeen xilliga adag, inay isla qaadaan wixii mid ka mid ah ku culus. Soomaalida ayaa tiraahda: “Quraansho aruurtay, bulac waa jiiddaa”. Inay isaga digaan meelaha ay ka jirto qataraha naftooda wax yeelleyn kara. Weli ma dhugatay ayaadda dhaheysa:

حَتَّىٰ إِذَا أَتَوْا عَلَىٰ وَادِ النَّمْلِ قَالَتْ نَمْلَةٌ يَا أَيُّهَا النَّمْلُ ادْخُلُوا مَسَاكِنَكُمْ لَا يَحْطِمَنَّكُمْ سُلَيْمَانُ وَجُنُودُهُ وَهُمْ لَا يَشْعُرُونَ

Ilaa ay yimideen (Sulaymaan CS iyo ciidamadiisii) toggii ay quraanjadu degganeyd, markaasey tiri: Quraanjadi Quraanjooyinoow! Gala GURYAHIINNA, yaanay idin burburin Sulaymaan (CS) iyo ciidamadiisuye ayaga oo aan idin ogeyn”. Suuradda: Al-namal, aayadda: 18-AAD.

Aayaddaas Qur’aanka ahi waxay noo sheegeysaa inay quraanjadu leedahay maamul iyo midnimo oo ay hadasho. Ma aragtaa sida ay isugu xireyso nolosha quraanjada iyo tan noolaha intiisa kale qoraa Nimco Noor?. Haddaba, Samawada fikirkeedii hore ee nabadeynta iyo isu keenidda ahaa waxaa shidaal iyo tamar u noqonaya awoodda iyo sheekada yaabka leh ee ay kala kulantay quraanjda. Halkaas oo ay mar kale u koba illanayso inay mideyso noolaha duurjoogta ah ee jasiiraddaas kuwada nool.

DAWOCO IYO SAMAWADA

Dawacada soomaalidu waxay u taqaanna inay tahay noole garaad badan. Haddaba, Samawada waxay u tageysaa Dawoco waxayna kula talineysaa inay dadaalka nabadeed ee duurjoogta ay qeyb ka noqoto si naf walba ay u hesho farxad iyo nolol dhidibbo adag ku taagan. Dawoco oo kibirka iyo isla weynanka lagu yaqaan waa ay diideysaa aragtidaas, balse, gadaal dambo ayey ka oggolaaneysaa, marka noolaha intooda kale ay meel cidlo ah uga dhaqaaqaan kaligeed.

RAH iyo SAMAWADA:

Rahu waa noole la arko xilliga barwaaqada ah oo kaliya. Waa noole aan laga waayin goobaha ay biyuhu ku jiraan. Xilliyada abaaraha iyo gooraha adag lama arko. Halkee ayuu adaa? Alle unbaa og, sheekada jasiiraddii nabadduna sababta loo waayo xilliyadaas ayey kuu bidhaamineysaa. Samawada waxay leedahay: Rahu, marka uu ciyayo waxa uu ka turjumayaa nabad iyo barwaaqo, codkiisuna waa mid uu ku raaxeysto asiga oo ku heesaya. Haah! Codkiisu wuxuu ka dhigan yahay inuu heesayo. Laashin abkowgey ah ayaa hadda ka hor ku shirbay:

  • Rahuba roob haddoow da’ow
  • Sidi nin raaya rooq yira!”

Ma aragtaa Samawada sida ay isugu xireyso heesta raha, barwaaqada iyo nabadda? Waa sheeko ashqaraar leh.

Samawada iyo DAA’UUS:

Samawada socdaalkeeda nabad raadineed waxay kula kulmeysaa Daa’uus. Waxay ku leedahay; Daa’uusow! Adigu noolaha ma dhibaateysid, adigana laguma dhibaateeyo, inta badan waxaad tahay mid ka nasiib-badan noolaha intooda kale. Waxa Eebbe ku siiyey bilic iyo bidhaan kuu gaar ah ee qeyb ma ka noqoneysaa mideynta duurjoogta? Sheeko cajiib leh! Ayaa dhex mareysa, balse, waxa soo jiidasho leh Daa’uusku, waxa uu hadalkiisa ku soo gaabinayaa:

Wax kasta oo aan heysto sida bilicsammaanta iyo nabadda waxa aan uga mahadceliyaa ALLIHII i abuuray asiga ayaanna ku shukriyaa subax iyo galabba”. Dib ma u xasuusatay aayaddii uu Eebbe (SWT) ku yiri qur’aanka dhexdiisa:

.وَإِن مِّن شَيْءٍ إِلَّا يُسَبِّحُ بِحَمْدِهِ وَلَـٰكِن لَّا تَفْقَهُونَ تَسْبِيحَهُمْ إِنَّهُ كَانَ حَلِيمًا غَفُورًا

Shey ama wax ma jiro, illaa haddii uu jiro waa mid ku tasbiixsada, kuna shukriya Rabbigii abuuray, balse, idinku (Aadanow!) ma ogidiin sida ay makhluuqaadkiisu ugu tasbiixsadaan ALLE”. Suuradda: Al-israa, aayadda: 44-AAD.

Mar kale ma aragtaa sida uu Daa’uusku isugu xirayo inta uuman iyo Ilaahood. Cajiib! Haddaba, sheekada Jasiiraddii nabadda, waa sheeko-carruureed mudan inay gasho oo la geeyo guri walba oo soomaaliyeed.

GEEDAHA IYO SAMAWADA.

Samawada, markaan waxay garatay inay geeduhu yihiin saldhigga nolosha, sababtuna waxay tahay, geeduhu mar waa hergelmo iyo hoos, marna waa ollog iyo anfaaco la cuno oo noolaha oo idil wax tara. Haddaba, Samawada geedaha waxay u kaalmeysaneysaa heshiiska dhexdhexaadineed ee noolaha jasiiraddaas isugu baadi goobeyso. Dib u xasuuso Suubbanaha (SCW) Marka uu asaxaabta meel u dirayo waxa uu kula dardaarmi jiray; geedaha jaan la jarin, sabab la’aan. Laashin: Carabow Maxamed Axmedna waa kii guurowga ku lahaa:

Dhirta yaan la jarin waa arlada dhaxal-galkeediiye”.

Jasiiraddii Nabadda, waa dhigane ay wax badan ka dheefi doonaan dhallaanka soomaaliyeed. Waxaana yool u ah, wada noolaanshaha, milgeynta nabadda, jacaylka iyo kalsoonida. Waa dhaqan-bile dhallaanka soomaaliyeed baraya sida ay ula noolaan lahaayeen bulshooyinka ay kula noolyihiin carra’edeg ee ay diinta, muuqaalka, dhaqanka iyo wax walba ay ku kala duwan yihiin. Soomaalidu qaabkii ay u nooleyd boqol gu’ ka hor, maanta qaab ka duwan ayey u noolyihiin, waxayna la falgaleen dadyow ay isir ahaan iyo dhaqan ahaanba kala duwan yihiin. Qoraa Nimco Noorna dhiganaheeda Jasiiraddii Nabadda waxay bulshada ku bareysaa inay marka hore iyagu is tixgeliyaan soomaalidu, ka dibna ay tixgeliyaan bulshooyinka kale ee carra’edeg kula nool.

Sheekadaan JASIIRADDII NABADDA waxay ku qoran tahay af fudud oo ay ilmuhu garan karaan, waalidkuna uusan ku dhibtooneyn kolka uu u aqrinayo dhallaanka. Sidoo kale sheekada waxaa la socda sawirro muuqaalka tayadooda ay aad ugu daashay qoraa Nimco Noor, kana turjumaya hadba sheekada ay la socdaan sawirradu. Bog walba sawir ayaa ku lammaanan si ay ilmuhu fursad ugu helaan inay sawirkaas ku mashquulaan inta aad u aqrineyso sheekada.

Geba-gebo:

Carruurtu inay caloosha iyo carjawda/jirka ka koraan, waxaa uga wanaagsan inay cindiga iyo caqliga ka koraan. Haddaba, haddii aad barto dhallaanka waxyaaba noloshiisa iyo garaadkiisa bilaya, aadna mar walba uga sheekeyso waxyaabo uu caqli iyo aqoon ka kororsanayo. Koritaankiisa ayey u noqon doonaan sahaay iyo jiscin uu keydka maankiisa ku qaato. Carruurtaada oo aad u sheekeysaa ”adigana waa kuu xil-gudasho iyo xasuus, carruurtana waa u wacyi-gelin iyo dhaqan barasho”.

Waxaan ku soo koobayaa murtidaan:

Noqo qoraa wanaagsan oo bulshadiisa anfaca, haddii aadan awoodin, noqo aqriste wanaagsan oo naftiisa iyo dhallaankiisa anfaca”.

Dhiganaha JASRIIRADDII NABADDA waxaad ka heli kartaa mareegtaan, la magac-baxday: ilayspublisher.com

W/Q: Xasan Cabdulle Calasow ”Shiribmaal”

NAGA LA SOO XARIIR: laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN