Baariis iyo waxa ay tahay in la sameeyo Waxaa turjumay: Abshir X Teynax

12241539_989110931132110_192158408202419661_n

Baariis iyo waxa ay tahay in la sameeyo

 

Weerarkii bahalnimada ahaa, ee ka dhacay jimcihii Baariis, sida la filanayay, waxa ka soo baxay, jawaab celin, aad loo buunbuuniyay. Waxa naga la rabaa, in aanu qaadno, tilaabta saxda ah, oo ee abuureysa xagjirnimada, oo ka dhigeyso, in ay na weeraraan. Millitariga Faransiiska waqti ma uu dhumin, oo waa tan uu ka billaabay duqeymo dalka Suuriya, iyagoo ka jawaabaya weerarkii baariis, in kastoo anan la ogeyn, dalka ay u dhasheen kuwa weerarka soo qaday. Kumannaan ka mid ah dagaalyahannada ISIS, ee ka dagaallama dalka Suuriya, ma ahan Suuriyiin, balse, waxa ay Suuriya u tageen, in ay ridaan xukuumadda Bashar Al-Assad, iyagoo ka ka la yimid dalal badan, oo ay ka mid tahay Fransiiska iyo Amerika.

Tuurista ama gabagabeynta Xukunka Bashar Al-Assad, waxa uu ahaa hadafka Mareykanka iyo Faransiiska laga soo bilaabo 2011, sababtoo ah, Mareykanka iyo xulufadoodaba waxa ay dhinac ka wada yihiin tuurista xukuumada Assad, sidoo kale kooxda ISIS iyo kuwa la halmaala, waxa ay mataano ka yihiin aragtidaas. Hub casri ah iyo saanado millitari, oo fara badan, oo ay reer galbeedku ugu deeqeen kooxaha dhexdhexaadka ah, ee aanan xagjirka eheyn, ugu danbeynti waxa uu gacanta u galay kooxaha mayalka adag. Kooxihii dhexdhexaadka ahaa (modorate Islamic Groups) waxa ay ku biireen kooxaha xagjirka ah, iyagoo hubki casriga ahaa iyo tababaradii aadka u hormarsanaa, ee la siiyay wato. Kooxo kale, oo aanan xagjir eheyn, waa la qabtay qaarkoodna waa la dilay, halka hubkoodi casriga ahaa uu gacanta u galay kooxaha xagjirka ah. Sidaa darteed, kooxaha xagjirka waxa ay noqdeen kuwo ku hubeysan hubab casri ah iyo tababarro aad u sarreeyo, halka mararka qaar dhacdo, weerarro ka dhan ah diyaaradaha Mareykanka ama xulufadiisa.

Ma jiraa ruux aanan rumeyneyn, in tani ay tahay cudurki aan daawada u dooneyn, ee keenay cudur ka weyn, oo maanta aan arkeyno aafadiiisa ka dhacday Baariis.

Faransiiska waxa ay muujiyeen firfircooni dheeraad ah, oo ay ku hubeynayayeen kooxaha xagjirka ah, ee ka dagaallama Suuriya, iyagoo doonaya, in ay saameyn weyn ku yeeshaan siyaasadda geyiga Bariga Dhexe. Haddaba, waa maxay sababta Faransiiska u diidayo, in ay rumeystaan fikradda guud ee ah (blowback ) (wax gedgedi ha ku la gaddoomaanee), mise, sababta waa habka ay ugu fasirayaan muwaadiniintooda, oo ah; xurnimadeyna ayey neceb yihiin, taasoo arrinka sahal ka dhigeysa, si dhibaatada loo weeciyo dalal shisheeye, si gudaha loo dejiyo?

Waxaa dhacda, in ayan noqon mid shaacsan, oo shaac ah caatifadda aadka u kacsan, ee lagu doonayo in duqeymaha la badiyo dhankaas iyo Bariga Dhexe (Suuriya & Ciraaq), balse, waxaa jira waddo kale, oo lagu waajihi karo xasaradda taagan. Waxaa jiro wadiiqooyin kale, oo aanan eheyn faragelinta milliteri, si loo waajaho dhibaatooyinka markoodi horeba sababta u ahaa faragelinta Milliteri. (ma xallin kartid dhibaato, adigoo adeegsanaya maskaxdii marki horeba abuurtay dhibaatada.) Einstein

Xalku waxa uu ku jiraa, in la diido caqliyadda caskariyeed iyo maskax xiranka, waxey eheyd, in la diido siyaasadda tuurista xukuumadaha “Regime Change) iyadoo la eeganayo danaha Mareykanka iyo reer galbeedka, ha ahaato Ciraaq/Libya/Suuriya ama meel walba, oo dunida ka mid ah. Waa in la diidaa, aragtida axmaqnimada ah, ee ah ee oggolaaneysa, in aan boqollaal million oo dollar hub ah, in aan ka iibinno kuwa loogu yeero dhecdhexaad ama casri “moderate” inago filaneyno, in hubkaasi uu gacanta u gelin kuwa xagjirka ah!

Duqeymo dheeraad ah xal u ma keeneyso xasarada bariga dhexe, balse mustaqbal iyo astaamo isu dhawaasho leh ka dhaco Bariga Dhexe waxa weerar ku ah, oo aad u la dagaalaya kuwa maskaxda qafilan (Isolationists ) ee Washington.

Heshiiska nuclearka ee xigaya qaadista cuna qabateynta QM “UN Sanctions “ waxa ay dalkaas u fureysaa fursado ganacsi. Sitimaanki tegey kulan dhexmaray madaxweynayaalka Faransiiska iyo Iiraan ayaa kulmay iyagoo ka wada hadlay heshiisyo ganacsiyeed oo dhowr ah. Dowlado kale ayaa talaabadaas oo kale qaaday.

Ganacsiga iyo Ixtiraamidda gobonnimada dowladaha kale, waxa ay nasakheysaa muquuniska ama adeegsiga xoogga, balse Washignton ma ayan garan arinkaas. Musharrixiinta madaxweynanimada Mareykanka badankood miiska ayey xoog u garaacayaan, iyagoo aad ugu ciyayo, in la diido heshiis la la galo Iiraan. Waxa ay u adeegsanayaan weerarka Baariis, iyagoo dacaayad ku furayo heshiis in la la galo Iiraan, in kastoo waa dalka Iiraanee ay dhaleeceeyeen weerarki Baariis iyo ISIS, oo ay is ku yihiin isgoys kuwo duudkooda isu jeedo.

Xalku waxa uu ku jiraa sidatan: diiradda oo la saaro xiriir Saaxibtinimo iyo Ganacsi, in la joojiyo rarista hubka, ka tegista siyaasadda bedelista xukuumadaha iyo marinhabaabinta, ixtiraamidda gobonnimada dowladaha, xoojinta difaaca gudaha dalka iyo xuduudahiisa, si looga hortago kuwa doonayo in ay dhib inoo geystaan. Waa in aanu gadaal u tuurnaa, oo aannan dib u eegin siyaasadaha horey aan ugu guuldareysanay inta goori goor tahay.

 

Qore: Ron Paul

Qormada asalkeeda halkan ka daalaco

Waxaa turjumay: Abshir X Teynax

SHEEKOOYIN