Badeennu barwaaqo badanaa! W/Q: Maxamad Xasan Xaaji

12896384_1688896871385470_1567340217_o

Badeennu barwaaqo badanaa!

 

Aroornimadii saakay ayaan u kallahay xeebta. Markaa tagay ayaa billaabay inaan xeebta ugu socdo si dhirir ah, anagoo xeebiniya afafkeeda. Aad bey u qurux badneed, waxaana i soo jiidanayey, dhirta ka la duwan ee ka baxday biyaha hoostooda, oo markaa ah doog ubaxyo biyo guntooda iiga muuqanayay, quruxda carrada cad, ee badda iyo soonaheeda lagu yaqaan, udugga neecaawda iyo hawada baxaaya, ayaa ah kuwo aan dareemayo, iney caafimaad iii leeyihiin, iftiinka cadceedda.

Cimilada iyo jawiga siduu yahay ayaa ii saamaxay inaanan dareemin daal, cidlo iyo gaajo midna. Waxaan tillaabsado hadba dhinac jalleeco, waxaan ku imid jamal ama dhagaxyada waaween ee ku yaalla badda afkeeda hore. Jamal ayaa dul istaagay, si aan badda gudaheeda, gunteeda fog iyo badweynta inta ishaydu qabto aan u daawado.

Meel agteyda ah ayaa waxaan ka arkay hooyo iyo laba carruur ah oo fadhiya jamalka dhiniciisa meel ah, maammada gacanta ayey ku heysataa biryar waxey qodeysaa dhulka, oo ee ka soo bixinee dhagxaan yar yar, oo aan isleeyahay waa qashin, faraha ayey ku ka la bixineysaa aad ayeyna u fiirineysaa, qaar waa tuureysaa kuwana bac ay wadato ayey ku rideysaa.

Anigu waxaan illooway u jeedka aan jamalka i fuulay, oo ahaa inaan badda daawado, waxaana indhaheyga iyo qalbigeyga qaaday hooyada, labadeeda carruur iyo howsha ay ku jiraan, oo aan rabo, inaa wax badan ka fahmo, sidoo kale, maammada mar mar ayey isoo jalleecaysaa, oo waa aragtaa, inaan aad ugu mashquulsay, dansa ka ma geline, oo howsheeda ayeey wadataa.

Dhankeeda ayaan u dhaqaaqay, oo waa u dhawaaday illaa aan dusha ka istaago, ka dibna waa salaamay, si fican ayeena iiga qaaday, waxaana na dhexmartay hadalkan kooban;

Aniga: Hooyo halkaan maxaa ka baareysaa?

Hooyo: Luul iyo Dheemman ayaan ka raaadinaa.

Aniga: Hooyo, waligaa ma ka heshay halkaan Luul ama Dheemman?

Hooyo: haa, waan ka helay, balse, markii aan helay kuwi aan u iib geeyay ayaa i qiyaamay, qiimo aad uga yar inta la ka la siisto ayey iga siiyeen!

Ani: Hadda meeshaad qodeysid dhagaxdan yaryar oo badan aa ka soo bixisay qaar waa tuurtay, qaarna bacaad ku ridatay, kuwaa bacda ku ridatay Dheemman miyaa mise Luul?!!

Hooyo: may kuwaan waa dhagxaan, oo la iibsado, balse, sida dheemmanka iyo luulka qaali u ma aha, Dheemman waxaan mooday saakay nin aa helay wuuna baxay markiiba!

Ani: ninka intuu ka helay?!

Hooyo: meeshaas uu qodqodaayay dhagax uu ka helay, wuu ka la jebiyay wax ifaayo aa kaga soo baxay, kadibna intuu bac ku riday uu cararay.

Aniga: hooyo saygaagii ku qabay aaway?

Hooyo: Asna badda ayuu ka qaraabtaa.

Aniga; micnaha asigana sidaan oo kale miyuu dheemman u raadiyaaa?!

Hooyo: May asiga waa kulluumeyste, badda si kasto ayaa looga qaraaban karaa, anagu waxaa nahay qoys ka kooban, aniga, saygayga iyo carruurteenna, runtii baddaas ayaanna ku noolnahay.

Aniga; hooyo Alle ha idin barakeeyo, guul ayaan idiin rajeynaynaa iyo hormar.

 

W/Q: Maxamad Xasan Xaaji

SHEEKOOYIN