Bahda LAASHIN iyo bilashada sannadka cusub 1444

Bahda LAASHIN iyo bilashada sannadka cusub 1444

Guud ahaan bahda LAASHIN ee kala joogta daafaha carra-edeg, waxay bulshada Islaamka, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed ugu hambalyeynaysaa bilashada shintiriska sannadka islaamka oo maanta ay bisha ”Muxarram” ama bisha ”Seko” ay kow tahay. Sannad-tirsiga hijriga islaamka oo maanta ah: 01-01-1444, kuna beegan: 30-07-2022 ee sannadka miilaaddiga.

Bilasho sanadeedka bulshada carra-edeg waa ay ku kala duwan yihiin, balse, Soomaalidu waxay adeegsadaan seddax tirsi sannadeed ku waas oo kala ah:

  1. Sannad bileedka hijriga.
  2. Sannad qorraxeedka miilaaddiga.
  3. Dabshidka neyruuska.

Sannadka Hijriga:

Taariikhda sannadka Hijriga waxaa laga billaabaa sannadkii 622 ee miilaadiga kaas oo ku beegan amminkii Suubbanaha (SCW) iyo asaxaabtu ay ka hijroodeen magaalada barakeysan ee Maka una hijroodeen magaalada Maddiina. Sida la ogyahayna waxa allifay sannad-bileedka hijriga ee islaamka: Cumar binu Khadaab Alle ha ka raalli noqdee. Haddaba sannadka hijriga ayaa bishiisii koobaad ay maanta kow tahay. 1-1-1444.

Sannad qorraxeedka miilaaddiga:

Sannad qorraxeedka miilaadiga waxa looga shintiriyaa billoowgiisa dhalashadii Nabi Ciise (CS) balse, Soomaalidu badiyaaba waxay u yaqaannaan sannadka gaalada, taas oo ah: mid xaqiiqada ka fog, sababtuna waxay tahay: “Mar haddii laga soo billaabo dhalashadii Nabi Ciise (CS) nabi Ciisena uu ahaa nabi waxyi Ilaaheey kusoo degayay oo islaam ah, sidaasna annaga islaamka ah ayaa uga xaq leh cid walba. Haddii qorraxda laga fiiriyana ma jirto qof naga mudan tirsiga qorraxda. Haddaba, sannadka miilaaddiga oo maanta maraya 30-7-2022 cid nooga xaq lihi ma jirto.

Dabshidka neyruuska:

Soomaalidu waxay leeyihiin xilli tirsi gooni ka ah labada aan kor kusoo tilmaamay. Dabshidka ama xilli tirsiga Soomaalidu wuxuu ku qotomaa maalmaha isbuuca. Tusaale: sannad-tirsiga Soomaalidu maanta wuxuu maryaa: 15-01-1113-dabshid. Waana sannad AXAD AH. Aadanuhu meelo badan ayey ka simanyihiin meelo badanna waa ay ku kala tagsan-yihiin, waxana la weriyaa in neyruusku uu asal ahaan kasoo jeedo dhulka Faaris ee hadda loo yaqaanno Iiraan. Isku soo wada duub oo dabshidka Soomaalida oo bishiisii koobaad ay maanta 15 tahay, sannadkuna yahay: 1113. Magaciisuna uu yahay: “Sannad axad ah”.

Warbixintaas kooban ka dib bahda LAASHIN waxay ummadda Soomaaliyeed la wadaageysaa hambalyada iyo bilashada bisha koowaad ee hijriga iyo sannadka cusub ee 1444-AAD. Waxaan idin leennahay sannad suubban kii tegay nama hertiyo, midka cusubna nama haraatiyo. Abwaan Saciid Waxgarad wuxuu kusoo dhaweeyay gabaygaan kooban ee ka bogasho wacan:

  • Hab-dhaqan iyo asluubiyo markey, hirasho guud joogto
  • Amey hiigsi tahay iyo aqoon, heerkastaba gaarto
  • Hoggaan iyo shareeciyo cadliyo, horumarkii guudba
  • Halna kama tagaayoo Furqaan, lagu higaaddeeye
  • Annagaba hijrigaan leenihiyo, hodan ah taariikhe
  • Hiddo-raac middaas noogu filan, hibasho sooyaale
  • Wax ka haray qofkii haybiyoow, lagu haboowsii dheh!

Gunaanad:

  • Sagootin sannadkii horaan
  • Sii heynaa kanna soo dhaweyn!

Maamulka mareegta iyo madbacadda LAASHIN

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

SHEEKOOYIN