BALLANTEENNU WAA RIYADA Q1AAD W/Q: Ismaaciil Cabdillaahi Caydiid ( Samadoon)

13884510_2089709077920044_293728264_n

BALLANTEENNU WAA RIYADA

 

Ammintu waa galab, cadceedu liiqa la sii gelayso godkeeda. Muuqaalka quruxda badan ee ka dhashay dhicitaanka qorraxda ayay indhuhu macaansayaan. “Alla miyey sidaas oo kale maalinta dhammaanteed ahaato. Alla qurux badanaa!” Ereyadaas waxa aan ka maqlay xaggayga dambe, iyagoo igu soo gaadhayey si teel-teel ah. Jeer oo aan u holladey in aan jalleecana, waxay indhahaygu qabtaan muuqaal aanan muddo arag, wakhtina igu qaadatey ka fikirkiisa iyo soo saaridda muuqaalka aan arkey.

Shaqo badan oo maskaxda qaybteeda xasuustu ay qabatey kaddib, waxa ay ii soo saartey jawaab aan u qaadan waayey, iiguna macneysay muuqaalka aan arkayo qof aanan meeshaba ka filaynin. Is diidsiiyey, ka warwareegay, ii cuntami weydey, laakiin ugu dambeyn waxay dantu igu qasabtey in aan aqbalo una hoggaansamo jawaabtaas kediska iyo uqaadanwaaga igu noqotey.

Hummaagii soo dhawaa, soo socoy, iguna soo durug, dhankayga talaaboyin dhowra u soo qaad, soona gaadh masaafo aan si fiican wax ugu arki karo, kuna kala saari karo lab iyo dhedig. Dhawaaq cod aan aqaaney ayaa ii xigey. Uqaadan waa iyo lama filaan ayaa ay igu noqotey. Indhahaygu waxa ay eegayeen hortayda, balse waxaan ahaa maqane jooga. Maskaxdaydu waa ay maqneyd, ma aqaan mana sheegi karo meesha ay aaddey iyo tirada saacadaha ay iga sii maqneyd.

Waxa aan galey xasuus dheer, dib ayaan u milicsadey maalmo aan duugoobeyn. Xasuus aan ku tamariyo ayaa aan ka soo shidaal qaatey. Noloshaydu waa dhadhan la,aan haddii aanay xasuustaa dhex mushaaxin, kuna soo nasan usbuuciiba saddex mar. Baansiinka gaadhiga lagu shubo haddii uu yahay dhaqaajiyaha baabuurka, aniga indhaha oo aan isku qabto ayaa iga xiga in aan tamar saa’id ah kasbado.

Qalbiga haddii la sheego inuu qofka aad jeclaato magaciisu ku qormo, aniga maammulkiisa iyada ayuu gacanteeda ku jiraa. Marmar ayaa ay labada gacmood ku tuujisaa, markaasaa nafba la iga waayaa. Dhowr maalmood oo cisbitaal la ii la cararey, anigoo suuxsan la i dhigay qolka gargaarka deg-degga ah, digtooro takhasus u leh qaliinka wadnaha oo dhowr ah cilladeyda waa ay saari waayeen.

Jawaab kasta oo ka soo baxda baadhitaankoodu, caafimaadkaygu in uu taam yahay ayaa ay sheegtaa. Haddana bukaan ayaan ahay, jidhkayga meel ka mid ah ma dhaqaaqdo. Alla xaasidsanaa maxay ii dhibaysaa? Lacagta baadhitaanka wadnaha oo badan, dhowr mar ayaan bixiyey oo cilladeyda la saari waayey. Ma iyada ayaan u shaqeeyaa? Caadi miyaa ay nafta iiga qaaddo, waa maxay sidani? Xaaladda aan ku jiraa nololna ma aha, geerina ma aha? Tolow ma jirtaa marxalad u dhaxeysa oo la galaa? Hadday se jirto anigu maan maqlin ee adigu ma aragtey ma se laguu sheegay? Goobtii aan taagnaa ayaa aan sidii u fooganahay. Ma dhaqaaqin, hal tallaabo hore u ma qaadin, gadaalna daa hadalkeeda, dhinacyada iyaga haba sheegin. Wallee bartii barta aheyd ayaan joogaa. Rubuc saac waan taagnaa haddii aanay ka badneyn, illeyn aniga miyirkaygu muu joogine.

Gashaantidii Eebbe quruxda u dhammeeyay, hub-qaadkana uu ugu darey. Yartii wanaagsaneyd, faceed ka roon, filkeed k afiican. Iyadii hadda waa iyadii, intii aan maqnaa haddana aan joogey, daqiiqadihii lay qaatey haddana aan halkaygii taagnaa, way igu dul wareegaysay. Way yaabbanayd. Dhowr jeer ayay is weydiisay xaalkayga iyo goorta aan sidan noqdey, in la i sixray ayaa ay mar isugu jawaabtey. Dhowr mar oo kale inuu shaydaan i dardarey waa ay u malaysey. Yaa u sheega in ay iyadu na dhex gashey oo kubbadda tennis-ka mise ta kolleyga ay ku dhex ciyaarto qalbigayga. Ma og tahay in aan iyada awgeed mar iyo marar badan cusbitaalka u jiifay, markii ay wadnahayga xafuujinaysay sidii dhar la maydhayo. Miyaa ay og tahay in mushaharkaygii bishan saddex meelood laba meel ay igaga baxdey kharashaadka dawooyinka iyo baadhitaannada aanan marnaba ku caafimaadin

Wakhtigu marmarka qaarkood cadow ayuu kugu noqdaa, xaasid aanu jirin xaasid ka weyni ayuu iska dhigaa. Waxaad marmarka qaarkood mooddaa in uu hinaasi yahay; waxa uu ii quudhi waayey in aan ka bogato wejiga bilicdasan, bishimaha qurqurxoon, suunniyaha sida qalinka loogu soo qorey aad ka garato in ay yihiin kuweedii. Socodkeeda iyo tallaabo qaadkeeda wanaagsan. Waxa aan is idhaahdaa eeg, balse awooddaa ma lihi. Waan is ogahay oo is aqaan dhankeeda markaan jalleeco iyo marka aan qolkii farmasiga jaarkayaga ah aallo, daqiiqad u ma dhaxeyso.

Qalbigaygu wuxuu i farayaa fiiri, dhankeeda jalleec. Bal se maskaxda waxaa ka soo baxaya amar ku liddi ah. Halbowlayaasha ayaa kooxo isu qaybiya, laakiin dhamaantood waxa ay ka midaysan yihiin u hillowga iyo hammuunta ay u qabaan dheemmantan hortayda taagan. Waxaa se ay dib ka xasuusanayaan goobta la ii qaadi doono haddii aan indhahayga kuweeda ku fiiriyo. Ragannimadaa ma lihi, ku ma dhaco haddana waan iska doonayaa. Naftayda waan nacay bal se iyada awgeed ayaa aan u noolahay. Ruuxda igu jirta waa doqon waxmagarato ah ayaan ku tilmaamaa, laakiin anaa been aan sal iyo raad toona laheyn ku sheega.

Qalanjadaa hortayda taagan doqon iyo wax liita midna u ma qalmaan. Kuwii wanaagsanaa ayaa meel ay u soo maraan waayey. Ha is ceebaysan ayaan isugu caqli celiyaa. Way ila hadashay oo aan u jawaabi waayey, i taabatey oo aan dareemi waayey, i gujisay oo ay dhaqaaq iga weydey, ii iljebisay laakiin nasiibdarro u ma jeedo mana arkayo. Yaabtey, waxa ay nafteeda ku qanciso ayaa ay weydey, qaab ay iigu soo haggaagto ayaa ay garan weydey. Waalli mise miyirqab, xanuun mise caafimaad? Saacaddu way socotaa, hal saac ayaa tagtay, mid kalena dariiqa ayaa ay sii haysaa. Waa marka aan is idhaa yaa ku siiya awooda aan dib ugu soo celin karto wakhtigaa i dhaafay.

Waxaan xasuustaa marka aan daawanayo filim sida dhibta yar ee aan isku dhaafiyo canjalada, dibna ugu ceshado. Waa ay daashay. Waxay ku fikirtay in ay i dhirbaaxdo, si ay iiga kiciso hurdolamooddan aan galey. Wayna is celisaa. Dhabankayga ayaa ay sawirataa sida uu noqon doono haddii ay gacanteeda ku dhufato. Iyadu waxa ay diideysaa dhibtayda, laakiin aniga waa dheeftayda. Nasiibka ma lihi ay igu soo gaadho gacanta naxariista Rabbi ugu deeqay. Tolow hadday i dhirbaaxdo oo aan ka soo baxo koomada aan ku jiro, maxaa ay i odhan laheyd? Raalli ahow walaal, intaas waxaan ku tamarin lahaa labada sanno ee soo socda, laakiin qof nasiibkaa leh ma ihi. Waxa ay gaadhey wakhtigii ay cashada xaafadda diyaarin laheyd. Waxa ay gacanta ku siddaa sallad ay ku soo iibisey cunto ay caawa iyada lafteedu karin doonto. Haddii aan marti u ahaan lahaa cuntadaa miyaan cuni lahaa mise waan daawan lahaa, ma dhameysan lahaa mise jeebadaha ayaan ku soo qaadan lahaa? Way dhaqaaqday, Labo tallaabo oo waafiya ayaa ay qaaddey, dhankayga ayaa ay usoo qaaddey. Aniga ayaa ay ii soo dhowaatey. Cod nasteex ah, naxariis ka buuxdo, qabowga hawada afkeeda ka soo baxaya ayaa sidii marawaxad ii qaboojiyey. Way dhawaaqday. Ereyo kooban ayaa ka soo baxay dhuunteeda malab in lagu qooyey aad mooddo. Inta aan ka sii xasuusto, intii aan ka gaadhey ayaa waxa ay sii laheyd: “Ballanteenu waa riyada.”

La soco qaybta labaad(2aad)

W/Q: Ismaaciil Cabdillaahi Caydiid ( Samadoon)

SHEEKOOYIN