Bandhigga Buugga ARXAN-GOYS

Hooyga Raadraaca, Dhaqanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed ee LAASHIN ayaa bandhig caalami ah ku qabtay magaalada Muqdisho. Haalka Guryasamo ee degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho, ayaa 25-01-2023 waxa lagu daahfuray dhiganaha ARXAN-GOYS (Hindhisadii Sheydaanka) oo uu qalinka u qaatay: Qoraa: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Bandhigga waxa ka soo qeyb-galay labeenta bulshada Muqdidho, sida: xildhibaannada Golaha Shacabka, xildhibaannada Hirshabeelle iyo kuwa Galmudug, guddoomiyayaal degmo, agaasimayaal, saraakiil ciidan iyo guud ahaan bulshada qeybaheeda kala duwan.

Bandhigga waxa daahfuray, guddoomiye ku xigeenka LAASHIN Qoraa Ibraahim Cismaan Afrax “Ibraahim Nolosha”. Sidoo kale waxa ka hadalay oo buugga wax ka falanqeeyay: Sh. Cali Boojac, Qoraa Najma Maxamuud Cumar “Qaran-bila” Qoraa Maxamed Xasan Geelle, xildhibaan: Maxamed Axmed Beereey, xildhibaan: Yuusuf Kabaalle, xildhibaan, Yuusuf Xeyle Jimcaale, xildhibaan: Maxamuud Abuukaate, Xildhibaan Saajin iyo qaar kale oo badan. Sidoo kale waxa bandhigga ka hadlay: guddoomiyaha degmada Cabdicasiis.

Ugu dambeyn, waxa kulanka soo xiray qoraa: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal” isla markaana aad ugu dheeraaday sababta uu buugga ku qoray iyo muhiimadda uu bulshada u leeyahay.

SHEEKOOYIN