Bandhigga buugga: FAL IYO FALAG

Bandhigga buugga: FAL IYO FALAG

Xarunta Dhaqanka iyo Suugaanta ee abwaan Faarax Shuuriye ayaa xalay qaab fogaan arag bandhig lagu falanqeynayo ugu qabatay buugga: FAL IYO FALAG ee uu dhigaaliyay aqoonyahan: Cabdullaahi Macallin Maxamuud “Siyaasi” taxanaha barnaamijka Dhige iyo Dhigane oo aalaaba ay xaruntu kolba buug ku daah-furto isla markaana ay bulshada Soomaaliyeed ee daafaha caalamka ku kala nool si toos ah iyo si dadbanba u gaarsiiyaa ayaa bandhiggaas isugu keentay aqoon-yahanno loo soo xulay habka loo lafa-guro buugaagta. Haddaba, buuniyaashaas waxa ka mid ahaa:

  1. Guddoomiyaha LAASHIN: Xuseen M. Cabdulle “Wadaad
  2. Abwaan: Cabdiraxiin H. Galayr
  3. Barbaariye: Bashiir Cali Xuseen

Sidoo kale waxa martisharafka ka mid ahaa: Cabduqaaddir Cabdi Axmed “Jubba”. Waxa xariirinayay qoraa: Cali M. Diini.

Buugga FAL IYO FALAG oo ka hadlaya habka iyo sida falka, faalka, sixirka, aleello shabiska, qaaciska iyo waxyaalo kale oo badan, isla jeerkaasna bulshada farriin mug leh usoo gudbinaya. Aqoonyahannadii faalleeyay waxa ay sheegeen; In qoraa Cabdullaahi Siyaasi uu mowduuc mug iyo miisaan leh oo ay muhiim tahay; in bulshada si adag looga waaniyo uu daah-furay. Dadkii Soomaaliyeed ee bandhigga ka soo qeyb-galay ayaa qoraaga ka codsaday inuu buugaag kale oo isla mowduucaas ah uu soo saaro waqtiyada soo socda haddii Sarreeye u saamoxo, qoraaguna waa uu aqbalay farriintaas.

Farriinta Xarunta Dhaqanka iyo Suugaanta Abwaan Faarax Shuuriye

Xaruntu waxay bah wadaag la tahay; Hoyga raadraaca dhaqanka iyo Suugaanta ee LAASHIN isla markaana waxay u taagan tahay soo bandhigidda buuniyaasha bulshada muhiimka u ah, waxayna leedahay: qeybo badan oo mid walba wax gooni ah lagu soo bandhigo. Haddaba, waxaan bulshada Soomaaliyeed usoo gudbin doonnaa buugaagta waxtarka u leh ummaddeenna.

SHEEKOOYIN