Bandhigga buugga Noloshii Sillooneyd

Bandhigga buugga Noloshii Sillooneyd

Buugga Noloshii Sillooneyd wax hadba uu meerto iyo maalin soo maraba, ugu dambeyn 21. 04. 2018 waxaa ii suurtagashay inaan u soo bandhigo bulshada Soomaaliyeed dhiganaha Noloshii Sillooneyd.

Wax walba oo la qabtaa waxay qaadataa ka baaraandeggooda, fulintooda iyo suurtagalnimadoodu ammin, oo heerar kala duwan soo marta, iyadoo hadba taako, dhudhun iyo tallaabo la qaadayo, marka ugu dambeysayna waxay gaadhaa heer la soo ebyo ama la dhammeystiro.

Qoraalka iyo hawshiisa.

Qoraalka la qoro buug ama qormooyin maaha wax fudud oo si hawl yar loo taabbagelin karo, ee wuxuu rabaa, ammin, dulqaad, dedaal iyo waxyaabo badan oo uusan ka maarmin.

Qoraalka aan tusaale ugu soo qaato, sameynta hararka ama falkada, gabadhu markay dooneyso inay harar sameyso, marka hore waxay soo xulataa maadha ama mayrada oo ay maalmo badan gurtaa, iyadoo midba midka ay ka liil adagtahay kana qurux badan tahay soocata. Markay dhammeyso uruurinta maadha ama mayrada, haddana waxay u qalabqaadata xulashada qaabka ama jaadka ay sameynayso inuu noqdo mid indhaha soo jiita.

Hararka gabadhaasi maalinba lug bay sameysaa, iyadoo dhererka iyo dhumucdaba is le ekaysiinaysa, si aan farsamadeedu iin u yeelan, sidoo kale waxay hararkaa ka talogelisaa, hooyadeed, eeddadeed, widaaydeed iyo qof walba oo waayo’aragnimo ku dhaama, iyadoo leh bal ila eeg ama ila fiiri habka aan wax u wado.

Ugu dambeyn markay dhammeystirto lugahaas ayay isku tixdaa iskuna toshaa, halkaasna waxaa ka soo baxa, harar ama falko qurxoon oo indhaha soo jiita.

Buugga marka la qorayo, waa inaad marka hore sida maydhada iyo maadha u xulataa arrimaha aad ka hadlayso iyo qaabka aad wax u soo gudbineyso, aragti, aqoon iyo oddorosba, intaa markaad hesho waxaad haddana gudagelaysa iba furka iyo biya dhaca buugga, markaad dhammeysona waa inaad gunaanaddaa oo aad soo afmeertaa adigoo qeexay oo qotonshay ujeedkaad ka lahayd.

Buugga qoraagu wuxuu ka yahay ambaqaadeha hal abuurey, balse kama madhnaado maskaxo badan iyo farsamooyin badan oo lagu garab istaago.

Aan meel dhaw kaa tusmeeyo, guriga marka uu falsamayaqaanka sare (Injineer) qaabeeyo ee qorsheeyo(Formen) waxaa dhismihiisa ka qaybqaata maskaxo badan oo mid weliba farsamadeedu u gaar tahay, kii xoogga iyo muruqa waday (Kuuli ama fundi) kii dhagaxjebiyaha iyo dhigaha ahaa (Wastaad) kii saliibshaha iyo subkaha ahaa (Talbiisle) kii midabeeyaha iyo bilciyaha ahaa (Rinjiile) kii birtumaha iyo geeda qoraha ahaa (Farmaayo iyo Nijaar) kii dab geliyaha iyo biyo geliyaha ahaa (Elekteriiste iyo Balaymar) isu geyntaa wadareed hawlgalkooda ayaa waxaa ka soo baxa guri qurxoon oo dhisme bilicsan leh, magacu wuxuu raacaa Falsameyaqaankii haaneeday, waxaase hawsha qabtay intaasoo isku duuban.

Sidaasoo kale, buugga waxaa qora qof oo keena ujeedka iyo dulucda buuggaasi ka hadlayo, waxaase markuu dhammeeyo kala wareega, tafatire iyo faafreebe waxna ku dara waxna ka jara, talo iyo tusaalena ku darsada dhan walba. Waxaa buugga qaabeeya oo qurxiya qof bartey hannaanka isla simidda iyo sargooynta buuggaagta, waxaa jaldiga bilciya oo xardha farshaxan bartey subkidda iyo aslida cusub, intaas iyo ka badan ka dib waxaa suurtoowda inay mararka qaarkood kuwa kalena hantidooda u huraan oo maalgeliyaan, haddaba buuggu wuxuu raacaa keliya magaca QORAAGA.

Anigoo sidaa og waxaan marka hore si guud ugu mahadcelinayaa dhammaan intii igala qayb qaadatay soo saarida buuggaas.

 

Tifaftir iyo Faafreeb

Bashiir Cali Xuseen (Barbaariye)

Bashiir Maxamed Xirsi (Diraac)

Xuseen Maxamed Cabdulle (Wadaad)

Talo bixin

Qoraa Axmed Xaayoow Macoow (AUN)

Qoraa Cabdiraxmaan Ciiltire Waaberi

Aqoonyahan Cismaan Maxamuud Qanyare

Farsamada iyo bilcinta buugga

Maryan Ibraahim Cali (Ugaaso)

Ibraahin Cismaan Afrax (Nolosha)

Xoosh Docol Curdan

Cabdiraxmaan Xasan Cali (Qaaluu)

Soo saarista Buugga

Prof Cali Axmed Jimcaale

Suldaan Cumar Cabdullaahi Cumar

Hawsha iyo hirgelinta.

 

Xasan Cabdulle Calasoow (Shiribmaal)

Liibaan Axmed Hilowle (Qoodow)

Dhiirigelin iyo is garabtaag

Cabdulle Cabdikariin(Abkoow)

Bashiir Nuur Xirsi

Cabdiraxiin Cabdulle Hilowle(Duceysane)

Warbaahinta

Axmed Yaasiin Aadan Faarax
Cabdirashiid Guure
Fahad Abuukar
Aadam Inkiriis(Increase)

Taageerada iyo Dulqaadka.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa marwadayda Farxiyo Maxamed Cabdi oo in ay iigu dulqaadatay ka sokow, mar walba igu dhiirrigelineysay, inaan yoolkayga gaadho.

Waxaan si guud ugu mahadcelinayaa, qof walba oo ka qaybqaatey suurtagelinta soo bixitaanka buugga iyo bandhiggiisaba, waxaan hubaa in uusan qofna keligiis meel gaadhi karin, haddii aysan jirin garbo taageera oo dhinacyada kaga jira.

Ugu dambeyn waxaan leeyahay guul kasta oo la gaadho waxaa suurtaglnimadeeda iska leh gergerka iyo garabka jaalkaaga wanaagsan mahadsanidiin dhammmaan.

Afeef.

Haddaan qof ama wax hilmaamo waan ka afeefanayaa, yaan loo qaadan inaan ula kac u sameeyey.

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

SHEEKOOYIN