Bandhigga Buugta Borlänge

Bandhigga Buugta Borlänge

MAHAD-CELIN:

Hooyga Raadraaca, Dhaqanka Iyo Suugaanta ee LAASHIN wuxuu si milgo iyo maamuus leh ugu mahad-celinayaa Soomaalida deggan gobalka Dalarna ee waddanka Iswiidhan (Sweden), gaar ahaan magaalada Borlänge oo noqotay xarunta ilbaxnimada iyo isku duubnida Soomaalida Iswiidhan (Sweden). Sharaf iyo karaamo korniinna ha ahaato.

BANDHIGGA BUUGTA BORLÄNGE:

Shalay galab oo sabti aheyd waxaa magaalada Borlänge ku qabsoomay, bandhig-buugeed si gaar ah loogu martiqaaday, bahda Laashin. Wuxuu ahaa BANDHIG-BUUGEED billow ku ahaa magaaladaas iyo guud ahaanba waddankaan Iswiidhan (Sweden) oo aynan Soomaalida ku nooli ku qaban Bandhig-buugeed, sannadle ah.

Haddaba, Bandhig-buugeedkaas lagu iba furay bahda LAASHIN, isla markaana joogto noqon doona sida ay ballan-qaadeen jaaliyadihii Soomaaliyeed ee qaban-qaabada iyo isku dubba ridkaba lahaa. Bandhig-buugeedka Börlänge, waxa iska kaashaday ururrada kala ah:

1. Umis.
2. Tayo.
3. Sahan.
4. SPF.
5. A.B.F.

Shantaas urur oo midka shanaad ay leedahay hey’ad ka mid ah hey’adaha dowladda Iswiidhan (Sweden).

Bandhigga waxa lagu marti-qaaday qorayaasha LAASHIN qaar ka mid ah, sida; guddoomiyaha guud ee LAASHIN: Qoraa Hussein Wadaad, barbaariye, Bashiir Ali Hussein oo waddanka Noorweey uga soo safray bandhigga dartiis, aniga Xasan Shiribmaal ah oo ka mid ah bahda LAASHIN. Sidoo kale waxa joogay madal-buugeedka, qorayaal kale oo ay qaarkood ka mid ahaayeen agaasimayaasha BANDHIGGA, sida: Bare, qoraa: Mustafe Abdirahman Dheereeye, Bare, qoraa, Salad Hassan Ali, bare, af-naqe, qoraa: Aw Cabdiqani Xasan Muxumed oo magaalada qorayaasha deggan ka mid ahaa, isla markaana goobta hadallo baraarujin u badan ka jeediyay.

Bandhig-buugeedka waxa kale oo joogay; siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee deggan magaalada Borlänge oo heerar kala duwan ka jooga siyaasadda iyo hoggaaminta bulshada guud ahaan gobalka Dalarna, gaar ahaan magaalada Borlänge.

Ururka bare-yaasha magaalada ayaa iyaguna door lama illaawaan ah ka ciyaaray taas oo muujineysa; in qeyb walba oo bulshada ka mid ahi u heellaneyd hormarinta Afka Soomaalida.

Sidoo kale bandhigga waxa qeyb ka ahaa odayaasha iyo waxgaradka Soomaaliyeed ee magaalada Borlänge, isla markaana ku mideeysnaa urur lagu magacaabo: Ururka Waayeellada Soomaaliyeed.

Waxa kale oo bandhig-buugeedka soo bilay, soona buuxiyay haweenka magaalada, isla markaana adeeg dheeraad ah u sameeyay ummaddii Soomaaliyeed ee bandhigga soo xaadiray. Ururrada dhalinyarada ayaa iyaguna qeyb libaax leh ka qaatay, taas oo caddeyn u aheyd inay magaalada Borlänge tahay, magaalo ay hal dhinac isula jeedaan Soomaalida deggan isku danna ay yihiin. Waa magaalo Eebbe makaniyay hoggaamiyayaal iyo hage-yaal Soomaaliyeed taas oo ay baro dheeraadeen Soomaalida kale ee waddanka Iswiidhan (Sweden) kula nool.

Run ahaantii intii aan bandhig-buugeed ka qeyb-gelayay dhawaanahaanba ma arkin sida buugta loo qaatay bandhig looga qaatay, xitaa marka lagu daro magaalooyinka waaweyn ee waddankeenna hooyo.

Sida aan hore usoo xusayba magaalada Borlänge waxa deggan Soomaali isku xiran, isku dan ah dhinacna isula jeedda, waana filayaa inay Soomaalida kale ku dayan doonaan.

Mowduucyo kala duwan oo Afka, Dhaqanka, Suugaanta, Siyaasadda, Aqriska, Qoraalka iyo guud ahaan hagaajinta hab-dhaqanka bulshada ku saaban ayaa madal-buugeedka lagu wadaagay. Sidoo kale buugta LAASHIN ee madasha taxanaha noqon doona lagu iba furay ayaa aad loo falanqeeyay, taas oo ugu dambeyn sabab u noqotay; in qof walba oo madasha joogay oo dhowr buug hore usii qaato.

GEBA-GEBO:

Ugu dambeyn marti-sharafkii bandhigga soo xaadiray, qorayaashii lagu casuumay, hal-aqoonka, hal-doorka iyo hoggaamiyayaasha siyaasadda ee magaalada waxa casho-sharaf iyo sagootin u sameeyay ururka dhallinyarada ee magacooda loo soo gaabiyo: H.G. HOPE GUIDEN AB oo uu horkacayay guddoomiyaha madashaas Cabdifitaax Qaliif.

  • Hiddihiyo af-soomaaligii, hooyo loo noqoye
  • La hirgeli afkeennii qoraal, heybad sharaf weyne
  • Iyagoo hareeraha gacmaha, dhinacyadiis haysta
  • Hagar li’ kalsooni leh shacbigu, waa halgamayeene
  • Hunduskiyo afmiinshaarraadii, haad u bixi waaye
  • Geeddiga la hoosimay midkuu, ka haryay awrkiisi
  • Hadaflaha dambana kuwa gudbeey, soo higsanayaan.
  • Hakad iyo hamsaya joojis iyo, hubiya meeleeye
  • Hoggaamiye is raacshaa xarfaha, lagu heshiisiiyo
  • Maldahaha la laba laabo iyo, shaqalladuu hiilsha
  • Qodobbada magcaha kala hufaya, hadafka yaab-diida
  • Mar haddaan haween iyo rag simman, helay dariiqeedi
  • Hallaw saar weelkam jaaw qofkii, u hanqal taagaaya
  • Hilib lama wadaagnee intaan, haanka laga goynin
  • Ibliisaa u heelleynayee, haatufka ha raacyo!

Laashin: Cabdulle Raage Taraawiil (AUN).

AFKAAGU WAA AQOONSIGAAGA!.

W/D: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

 

SHEEKOOYIN