Bandhigga buugta Muqdisho. W/Q: Cumar Yuusuf Cabdulle

Bandhigga buugta Muqdisho

 Bandhiga buugaagta ayaa  sanadkii saddexaad wuxuu ka dhacay magaala madaxda dalka Soomaaliya ee Muqdisho, waa arrin leh nayaayirkeeda iyo riyaaqeeda,  maxaa yeelay  waxaa dhaboobey, oraahdii ahayd: “Qoriga dhig ee qalinka qaaddo”

Markaan yaraa markaan maqlo, dadka oo leh ama halkudhegan oo meel ku qoran, idaacadaha laga sheegayo, waxaan gaar ahaan isu weydiin jirey side iyo qaabke ayay u suurtageli kartaa.Waxaan marag ka noqday in dhallinta Soomaaliyeed manta yihiin kuwo ku dhaqmay oo hirgeliyey arrintaas, waxaan sidoo kale  marag ka ahay in  magaaladii muqdisho ay noqotey: Xarunta dhigaalka iyo hooyga aqoonta.

 Ma ogtahay OGAALkuba
Ilaaheen ayaantuu
Ifka Aadan keenuu
Aqri uu ku yiriyoo
Asmaadiina loo dhigay
Alif iyo illaa ya’”

“Bashiir M. Xersi”(1)

 

Bandhigga buugaagta waa mid ka mid ah astaamaha lagu garto soo kabashada bulshooyin dagaallo ragaadiyeen. Soo badashada bandhig buugeedyada guud ahaan gobollada soomaaliya wa ifafaalo muujinayo in aynu hayno tubta toosan ee horumarka dhanka maanka iyo maskaxda, taasoo horseedi karta inay dadkeennu helaan,  midnimada iyo wada noolaansho, waxayna caddeyn u tahay in aan ka gudubnay halhayskii ahaa Soomaalidu tahay “Oral society” bulsho iska hadasha oo wax aan qorin wax na akhrinin.

Sannado badan oo dagaallo sokeeye, dibudhac dhaqandhaqaalle iyo mid bulsheed ka jirey  guud ahaan dalka haba ugu badnaato caasimadda Muqdisho, maanta waxa ay marti soortey hal abuurkii, qoraagi, aqoonyahanki, indheergaradki iyo dhammaan intii horumarka jeclayd, waxaa isaga yimid guud ahaan gobollada dalka dhallintii soomaaliyeed, kuwaasoo madal qura u yimid hal ujeeddo oo ah, aqris iyo qoraal.

Kacdoonka iyo kacaan qalinka ee Muqdisho ma ahan mid dhowaanahan billawday, waxa uu soo maray marxallado kala duwan oo ay hoggaaminayen hay’addo aan dowli ahayn iyo shakhsiyaad samofalayaal ah, balse maanta waxay u muuqataa in reer Muqdisho ay dhexda ka galeen kacaanka qalinka ee guud ahan dunida ka socdo.

Bandhigga buugaagta Muqdisho waxa ay kulmisay; qoraa iyo akhriste, arday iyo macallin, oday iyo gaban aan magac mooye is muuq garanayn, dadku uma soo dibadbixin in ay taageeran muxaafid iyo mucaarad toona, waxa ay uso baxeen in ay taageeraan naftooda kuna hormariyaan akhriska iyo qoraalka. Akhriska iyo qoraalka waa hubka ugu saameynta culus ee maanta dowladdaha dunida isticmaalaan, waana aalada kaliya ee hurdada ka kicin karta malaayiin qof oo qarniyo ka hor lagu sumeeyey cirbada hurdada.

Talo soo jeedin

Bandhigga buugaagta Muqdisho waa bilaw fiican oo yididiilo gelinayso dhallinyaradda jecel akhriska iyo qoraalka ee bulshada soomaaliyeed, buugaagta inta badan aan meesha ku arkay waxa ay ka hadlayen horumarinta nafta. dhallinyarada waxa aan uso jeedin laha in mowduucyada wax laga qoro la ballaariyo, lagana bilaabo qoraalka iyo akhriska; hab qorida wanaagsan, habka ugu fudud ee wax loo akhriyo, arrimaha haasaawaha, arrimaha qooyska, barbaarinta ubadka iwm.

Sido kale waxa ii muuqato in dhallinyaradu dhib badan ka haysato dhanka cilmibaarista, buug inta aadan qorin waxa aad u baahantahay in aad samayso cilmibaaris mug leh oo aad wax badan ka ogaato ciwaanka aad wax ka qori rabto, akhriso buugaag aad u badan iyo maqaallo, aadna barato habka tixraaca (reference).

Akademik gobolleedka af soomaaliga (AGA) waxa aan uso jeedin lahaa in ay taageeran dhallinyarada jecel akhriska iyo qoraalka oo ay ku caawiyaan siinta seminaaro ku saabsan hab qorida wanaagan, sido kalena tifatir ku sameeyan buugaagta inta aan la keenin carwooyinka buugaagta ee guud ahaan waddanka.

Ugu danbeyn, maanta waa maalintii u danbeysay carwada buugaagta ee Muqdisho, waxa si wanaagsan u soo gebogeboobey maalin la sugayey,  waxaa hubaal ah in  sanad walba  dad cusub ku soo biirayaan qorayaasha halka  ay sidoo kalena ku soo biirayaan aqristayaal.

Bulshadeenu in badan waxay quursan jireen buugaagta ku qoran Afka Soomaaliga, waxaase maanta muuqata, arrin taas ka duwan oo waxaa dhammaan dhallin iyo waayeel lagu dhaadanayaa aqriska iyo qorista afka hooyo,  waa hubaal in la dhihi karo waa horumar dhanka wanaagsan loo qaaday, waa hirgelin iyo tayeyn afkeenna hooyo helay,  waa haaneedin iyo habeyn lagu sameeyey haykalkii umadeed.

Waxaan dhihi lahaa qof walboow noqo aqriste afkiisa wax ku aqriya, iskuna day haddey suuragal ka tahay  dhankaaga inaad Afkaaga wax ku qorto.

  • Wixii qoran baa quruumo haree
  • Muxuu hadal qiimo leeyahay”
                             {Cabdi sinimoo}(2)
  1. Qoraa, Hal abuur, Maamiye Bashiir Maxamed Xirsi
  2.  Hal abuur, Hoobalkii ambaqaaday heellada iyo heesta luuqda leh( Cabdi sinimo)

 

MAHADSANID

 

Cumar Yusuf Cabdulle

Istanbul /Turkey.

SHEEKOOYIN