BAQDINTA IYO GAAJADA: CADAWYADA SOOMAALIDA

Abtidoon BAQDINTA IYO GAAJADA: CADAWYADA SOOMAALIDA Sida ku cadba natiijada sahanka qiyaasta shacabka Soomaaliyeed, ee uu faafiyey wasiirka Qorsheynta Caalamiga ee xukuumadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ceynte, 10% shacabka Soomaaliyeed waa barakacayaal(qaxooti). Haddii aynu iska indha-tirno qalad ama sax ahaanshada tirakoobkaan waxaa innoo soo baxaya in qiyaas ahaan tira gaareysa 1,236,000( hal-malyan laba-boqol sodon iyo lix kun) oo Soomaali ah in ay ku kala firirsanyihiin daafaha caalamka. Shacabkaasu waxa ay ku jambareereen(rafaad kala kulmeen) safarkii ay uga baqacarareen jirrabaadyadii ka jiray waddankoodii hooyo ee Soomaaliya. Kummanaan ka mid ah dadkaas nasiib uma aysan yeellan in ay gaaraan waddammadii ay ciirsibideene waxa ay ku qarqameen badaha. Qaar kaloo badan abrisbaa qaniinay ama dugaagbaa la tegay iyagoo habqamaya aftoolin(geeri-go’an). Kuwii gaaray waddamada-shishana waxa ay ku noolyihiin wadnafug(cabsi) iyo goormaa la idin ceyrin doonaa, dal aanan dalkaaga aheyn waa dareen ku joog. Dhanka kale, haddii aynu jalleeecno Soomaalida gudaha joogtana, waxa ay ku nooshahay wadnakurkur iyo cabsi. Kummanbaa la il-go’san gaajo oo baad iyo biyo la’, kummanaanbaa hooy la’aan ah oo dhibicda iyo layrtaba ka gamban. Waddamada diriska la ah Soomaaliya sida Ethiopia iyo Kenya waxa ay Soomaalida ku hayaan baqagelin(cagajugleyn) iyo boob dhuleedba. Amisom iyo Al-shabaabna waa kud ka guur oo qanja u guur; lama daran mid dooro. Intaas oo dhibaatooyin ah ayey Soomaalidu la daris tahay, dal iyo dibadba. Dhibaatooyinkaas waxa kow ka ah laba cadaw oo halis ku ah nolosha banii-aadamka, labadaas cadawna waa baqdin iyo gaajo. Aqristow! Soomaalidu waa insaan la mid ah insaanka kale ee dunida kula nool, mid horumarsan iyo mid dibdhacsanba. Soomaalidu waxa ay u baahantahay inta ay u baahanyihiin ummadaha kale. Balse, si aan u ogaano waxa ay Soomaalidu u baahantahay bal aynu marka hore isla xadidno waxa uu shanfaroodle u baahanyahay guud ahaan. WAA MAXAAY BAAHIYADA INSAANKA: Waa maxaay baahiyada insaanka? Su’aashaan waxaa innooga jawaabaya Abraham Maslow, psychologist u dhashay waddanka America(1908 – 1970), isagoo soo bandhigaya baahiyada insaanka iyo sidey isugu xigaan(Abraham Maslow’s Hierarchy of Needs). Maslow waxa uu baahiyada u kala qaadayaa 5 qeybood, sida soo socotaba:

  1. Baahiyada Jismiyeed(Physiological needs): waa baahiyada ugu horreeya ee nolosha bini-aadmiga lama huraanka u ah, la’aantoodana qofku uusan noolaan karin, sida: (hawada, cuntada, cabidda, hooyga, kulka, hurdada, guurka, iwm).
  2. U baahashada Nabadgelyo(Safety needs): qofka marka uu ka baahitirmo Physiological needs-ka, waxa uu dareemayaa inuu u baahanyahay amni, nidaam, sharci, xasiloonni, , iwm.
  3. Baahiyada Bulshadeed(Social needs): labada baahi ee kore markii uu qofku, illaa iyo xad , guul ka gaaro waxa uu dareemayaa baahi ah in uu xoojiyo xariirka bulshada uu la noolyahay. Waxa uuna dadaal ku bixiyaa in uu saaxiibo ka sameysto goobtiisa shaqada/waxbarashada/deegaanka, iwm.
  4. U baahashada Qaddarin(Esteem needs): waa martabadda 4aad ee uu qofku baadi goob u gelayo in uu bulshada uu la noolyahay karaama iyo ixtiraamba dhaxdeeda ku lahaado, waxa uuna ku gaari karayaa arrimaha soo socda, sida: guul-gaaridda, sumcadda, hoggaaminta, iwm.
  5. U baashadada shaqsiyad-sugidda(Self-Actualization Needs): waa heerka ugu sarreeya ee Haramka Maslow. Qofku waxa uu garwaaqsanayaa awoodihiisa shaqsiyadeed ee uusan weli adeegsan, waxa uuna isku dayayaa in uu awoodahaas soo saaro ama uu kobciyo. Waxa uuna billaabayaa in uu insaanka kale uga faa’iideeyo waaya-aragnimadiisa, khibradihiisa, iwm.

HARAMKA ABRAHAM MASLOW EE BAAHIYADA INSAANKA:

Untitled

Sida haramka ka muuqataba, baahiyadu waxa ay u kala horreeyaan sida ay u kala hooseeyaaan. Baahida ugu horreyso dhanka fulinta waa baahida jismiyeed ee haramka salkiisa ah, waxaana ugu dambeeya baahiyada la xariira shaqsiyad-sugidda ee haramka baarkiisa(fiintiisa) ah. Kama dhigno in baahi weliba 100% la fuliyo si loogu gudbo haqabtirka baahida xigta, ee waa in baahidaas illaa iyo xad macquul ah qofku xaqiijiyo. Innaga oo ka qalin daaranneyna Haramka Maslow waxa aynu baahiyadaan kusoo koobeynaa seddax dalab oo nolosha insaanka muhiim u ah, waxa ayna kala yihiin:

  1. Nabadgalyo(safety): Nabadgalyadu waxa ay kulminaysaa amniga nolosha, amniga nafsadda, amniga ehelka iyo qaraabada, amniga waddanka, iyo qof ama shey walboo ruuxu rabo in uu ammaan ku sugnnaado.
  2. Degganaansho(Tranquility): Degganaanshadu waa dareen gudaha ah oo uu qofku dareemo in uu ka fogyahay khatarrada iyo dhibaatooyinkaba. Sidoo kale, risiqiisa iyo ilaha risiqiisuba in aysan walwal ku heyn, iyo in ay xafidsantahay nolosha reerkiisa iyo dadkiisaba.
  3. Isku-filnaansho(Self-Sufficiency): oo ah dareenka uu insaanku dareemo in uu wax walba oo u baahanyahay/damcayo heysto; in uu gaaro isku filnaansha nuuc walba ah.

BAAHIYADEE SAAMEYNAYAAN BAQDINTA IYO GAAJADU? Baqdintu waa mushkilad ka baahsantahay gaajada, sababtoo ah insaanku weligiis baqdin kama baxo balse way kala xooggantahay. Mar walba uu Qofku dareemayo baahiyada hore(baahiyada jismiyeed iyo in uu u baahanyahay nabadgelyo) waxa ay ka dhigantahay in ay baqdintiisu sarreyso balse mar walba uu qofku ku guuleesto fulinta baahiyadaas baqdintiisu waa ay sii yaraaneysaa. Gaajaduse waa mushkilad ku kooban kaliya baahiyada hore(baahiyada jismiyeed kaliya, siiba tan cunta rabidda la xariirta), balse waa mushkilad halisteeda leh oo haddaan xal loo helin nolosha qalqiil galineyso. Ugu dambeyn, Soomaalidu waa bulsho weli la daalaadhaceysa labada baahi ee ugu horreeya baahiyada insaanka. Sida hadda wax u socdaan markii aad eegtana, uma muuqato in Soomaalidu waqtiyada dhaw ku guuleysan karto fulinta baahiyadaan. Soomaalidu in ay ummadaha kale la tartantana waxa ka horreeya in ay marka hore kasoo gudubto baahiyadaas. Waxaana kusoo gabagabeysanayaa qoraalkeyga oraahdaan ah: “sida ay Soomaalidu u indha la’dahay, uma Ilaah la’a”.   W/Q: Maxamed Yuusuf Cali Abtidoon, Khartoum – Sudan. E-mail: abtidoon01@outlook.com, abtidoon01@gmail.com .

SHEEKOOYIN